Sir Fakatay: 12 Dhalinyaro ah Oo Marwada Madaxweynuhu Ugu Yeedhay Madaxtooyadda .

0
32

Sir Fakatay: 12 Dhalinyaro ah Oo Marwada Madaxweynuhu Ugu Yeedhay Madaxtooyadda .
Sida ay sheegeen qaar ka tirsan 12 dhalinyaro ah oo marwada madaxweyne siilaanyo ugu yeedhay madaxtooyada ayaa waxay ka shifeen xog ay siisay marwada madaxweyne siilaanyo Aamina Weris.
Dhalinyarada oo ka soo jeeda beesha Aamina Weris oo ka gaabsaday inay sheegaan magacyadooda ayaa waxay ka warameen xogo muhiim ah oo ay u sheegtay marwo Aamina Weris,waxayna sheegeen ugu horeyntii sida uu u dhacay kulanka dhex maray dhalinyrada iyo marwo aamina weris ,ugu horeyn waxay yidhaahdeen marwada ayaa nagu bilawday bal warama? Ka dib mid annaga naga mid ahaa ayaa ku jawaabay dawladiinani wax badan ayey qabatay oo waa la idiin taageersan yahay,lama soo koobi karo waxaad qabateen. Nin kaasi wuxuu sii raaciyey hadalo uu ku amaanayo xukuumadda.
Inta kadib waxa hadalka la wareegtay Aamina Weris oo waxay ka sheegeysa sida ay xukuumadu wax qaban aysan dhamaan dawladihii hore qaban in ay qabatay,taasina ay tahay sababta mar labaad loogu dooran doono,sidoo kale waxay ka sheekeysay taariikh guun ah oo soo kala dhex martay Mujaahid Muuse Biixi Cabdi iyo Oday Siilaanyo ,waxay sheegtay in weligood ay col ahaayeen Siilaanyo iyo Muuse Biixi ,oo waxay tidhi siilaanyo weligii waxbuu dhisayey halka uu Muuse Biixina wax ka duminayey, waxad inta ku dartay in xitaa iyadoo ay jirtay colaadaasi u dhaxaysay siilaanyo iyo Muuse biixi hadana siilaanyo wuxuu u ogolaa ayay tidhi Muuse in uu xisbiga dhexdiisa kula tartamo balse waxaa diiday ayay tidhi Aamina Weris rag maskax fayow oo ku dhex jira xisbiga KULMIYE ayaa diiday in madaxweynaha lagula tartamo xisbiga dhexdeeda,taasi ayaa keentay in Muuse laga reebo madaxweynaha.

 

AMINA-WERIS-TNN
Aamina Weris waxa kale oo ay maagtay gudoomiyaha DAN iyo DUCO Muuse Dalab oo ay sheegtay in uu yahay oday mucangag ah oo aan garaneyn dawladnimada iyo horumarka,weligiina sidaasi ayuu ahaa ayay tidhi marwada siilaanyo Aamina Weris.
Aamina Weris ayaa inta badan wakhtigii aanu la joognay waxay canbaareyn dusha uga tuurtay labada Muuse Biixi iyo Muuse Dalab,ayuu yidhi mid ka mid ahaa 12 dhalinyarada ah ee AAMINA WERIS ugu yeedhay madaxtooyadda Somaliland.
Gabagabadii waxay Aamina Weris u sheegtay 12 dhalinyrada ah inay isku haleynayso codkooda,iyadoo sheegtay codkii ay hore uga heli jirtay beesha SACAD MUUSE ay xiligan ka duudeen dawladda balse ay iska soo noqon doonaan ,waxay ku dhiirigelisay in ay xukuumadu uga faadhido inay siiyaan codkooda .
Fiiro gaar ah
Xogtan waxa bixiyey 12 dhalinyaro ah oo dhawaan Marwada Madaxweyne Siilaanyo ugu yeedhay qasriga madaxtooyadda,waxayna dhalinyaradani codsadeen in aan la sheegin magacayadooda.
By: Ayaan Maxamed Cali
Email:ayaanladan1@gmail.com
Berbera/SomalilandAMINA-WERIS-TNN

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here