SIR CULUS:- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland oo Musuqmaasuqa Xirfadaysan ku Lunsaday Lacag Dhan Sideetan kun oo Doollar
Hargeysa(Hubaal)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Mr. Maxamed Cali Ibraahim ayaa uu soo if-baxay dhawaan musuqmaasuq lacageed oo uu si xirfadaysan ugula baxay lacag uu ku sheegay inuu siiyay niman Ajaanib ah, oo uu ku tilmaamay inay ka talo bixinayaan dhisme loo dhisayo Wasaaradda Waxbarashada.
Warar xog ogaal ah oo ay Shabakada Hubaal dhawaanahan ka helaysay illo wareedyo kala duwan oo lagu kalsoonyahay, ayaa tibaaxaya in Agaasimaha Guud ee Waxbarashadu, ku kacay musuqmaasuq door leh, kuna lunsaday lacag xadi badan oo aanay jirin wax tixraac ah oo lacagtaa uu ku bixiyay.
Sida la sheegayo waxaa dhawaan soo shaacbaxday in Agaasimuhu bixiyey lacag dhan $ 80,000 oo dollar oo uu siiyay Ingineero aan dalka u dhalan, iyadoo lacagtaas qayra xadka ah uu ku bixiyey qudha in nimankaasi ka talo bixiyaan Mac’had tobabar macalimiin oo dhawaan la dhisi doono.
Lacagtan ayaa sida la sheegay uu dhex mariyay Hayádda Un-habitat, oo uu Agaasimuhu ka dhigay in ay Hayádaasi tahay mid kiraynaysay Ingineerkaasi.
Ilaa hada waxaa la hubaa in Markii qandaraaskaa la bixinayey aan la soo shaacin, cidina u tartamin, oo sifo sharci darro ah lagu kala goostay.
Marar dhawr ah oo wax laga waydiiyay Agaasimaha sida wax u dhaceen waxaanu ogaanay in Agaasimuhu dabada giijeyey, kana warwareegay, soona caddayn kari wayay halkii Bidhkaa lagu bixiyey iyo in dalka laga waayay cid shaqadan qaban karta.
Musuqmaasuqa qandaraasyada noocan oo kale ah, ayaan qandaraaskani ahayn kii ugu horeeyay ee sidan oo kale loogu qaato mususuqmaasuq xirfadaysan, ee ka dhex dhaca Wasaaradda Waxbarashada, balse sida Wargeyska Hubaal loo xaqiijiyay ay ka dhacaan marar badan Wasaaradda Waxbarashada, isla markaana Agaasimuhu ku kaco.