Siilaanyo Oo Eryey Ambasador Sifir Iyo Safiirkii Djabouti+Akhri Magacyada Safiirada Cusub Ee Somaliland U Fadhiyi Doona Dalalka Jabuuti Iyo Kenya

0
52

Isbedelka Hogaaminta Xukuumadda Siilaanyo ee ku dhisan Xeelladu, wuxuu tusaale u yahay waji cusub…

Hargeysa(Hubaal)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa Eryay laba Safiir oo dibada u joogay Dawladdiisa, kuwaasoo uu ku bedelay Diblomaasiyiin cusub.

Mid kamida labada Safiir ee uu Eryay ayaa ah Wakiilkii Dawladda Somaliland u fadhiyey Dalka Kenya Maxamed Sifir, kaasoo hore u ahaa Siyaasi Xilal ka soo qabtay dawladda Soomaaliya.

safiirada xilka laga qaadayWar-saxafadeed goor dhawayd ka soo baxay aqalka Madaxtooyadda oo nuqul kamid ahi soo gaadhay Hubaalmedia, ayaa waxa kale oo xilkii Safiirnimo looga qaaday Wakiilkii dalka Djibouti u fadhiyey Somaliland Ambasador Qaline.

Digreetada Madaxweynaha ayaa lagu  go’aamiyey . In Mudane, Maxamed Warsame Cali Cigaal, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti iyo In Mudane, Cali Xuseen Ismaaciil Jirde, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Kenya.

Sidoo kale waxa Madaxweynuhu xilalka ka qaaday  Maxamuud Cabdilaahi Jaamac (Sifir) iyo Ambasador  Maxamed Xirsi Qalinle. Wasiirka Arrimaha Dibada, ayaa lagu amray inuu Masuuliyiintan xilalka si dhakhso ah ugu kala wareejiyo. “waxaan gartay in aan kaa aqbalo codsigaagii ahaa warqada shaqo ka fadhiisinta ee xilka Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Jabuuti.

Maxaa lagu eryay Ambasador Sifir

Safiirkii hore ee Kenya u fadhiyey Somaliland, ayaa loo aanaynayaa sababta xil ka qaadistiisa laba qodob. Arrinta ugu weyn ee lagu xidhiidhiyey ayaa ah hadal dhawaan ka soo yeedhay oo uu ku dafiray jiritaanka Dawladda uu madaxda ka yahay. Wuxuu sheegay inuu yahay Safiir ku meel-gaadh ah, iyadoo taasi u dheerayd dhaliilo loo soo jeediyay Xafiiskiisa.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here