Shucayb Maxamed Muuse, waa Wasiirka ugu da’da yar xukuumadda maanta ka jirta Somaliland, waana nin karti iyo xil gudasho lagu bartay tan iyo markii Magaciisu soo baxay, Sumcad fiicanna ku dhex leh bulshada. Haddii aanu Makiiki iyo muran jirin qofka waxa lagu qiimeeyaa Tagtadiisa taariikheed.
Wasiir Shucayb Maxamed Muuse inuu nin culus yahay waxa marag u ah shantan dhacdo ee hoos ku sheeggan:
Waa Markii Dawladdii UDUB ay isku aragtay inay dhaceyso ayaa waxay damacday si ay isku daba qabato oo mar labaad ay kalsoonida ummadda u hesho waxa la Magacaabay dhowr nin oo bulshadooda miisaan ku dhex leh, si cod badan dawladdu ugu hesho. Raggaasi waxa kow ka ahaa Shucayb Maxamed Muuse oo Waagaas Wasiir loo Magacaabay, Waxaase nasiib wanaag ahayd in Alle (SW) garansiiyey inuu xilkaa iska casilo, oo aanu ku afka uga gelin dawlad kalsoonidii ummadda lumisay. Mudadii uu xilkaasi hayeyna waxay ahayd hal bil iyo hal Maalin.
Maragga labaadna waxa weeyaan markii uu Shucayb isku sharaxay ka mid ah noqoshada xildhibaanada Golaha deegaanka ee Gabiley iyo sidii quruxda badnayd ee shacabku u doorteen, taasina waa Qadarinta uu bulshadiisa ku dhex leeyahay.
Marka saddexaadna waa markii bulshada Gobolka Gabiley xulkii ay xildhibaannada u doorteen ay iyaguna Shucayb u sii doorteen inuu hoggaamiyo.
Qodobka Afraadna waa isku Shaandheyntii Golaha Wasiirrada ee uu sameeyay Madaxwaynaha Somaliland iyo iscasilaaddii Wasiirrada qaar oo la odhan karo waxay ahayd xaalad ku adag Madaxwaynaha, laakiin taasi waxa Madaxwaynuhu kaga bogsaday go’aankii uu Shucayb Maxamed Muuse ku aqbalay xilka Wasaaradda warshadaha ee loo Magacaabay, kaasi oo ka culus xilkiisii hore ee Mayaarnimo.
Bulshada ballaadhan ee Gobolka Gabiley ee uu ka yimid Shucayb Maxamed Muuse, in muddo ahna Maayarka u ahaa ilaa iyo hadda lama hayo cid wanaag mooyaane ka sheegata xumaan, oo aan ka ahayn Xildhibaan Bashiir Tukaale oo ka mid ah Golaha Wakiillada Somaliland.
Haddaba, Qodobbadaasi waxay muujinayaan kartida, kalsoonida iyo shaqdiyadda Shucayb, laakiin waxa fahmi karaya garaadka Fayow, ka kala yeelkii.
Xildhibaan Bashiir Tukaale, isagoo xishood iyo tixgelin ba iga mudan waxaan leeyahay bulshada u caddee oo u faahfaahi balaayada aad sheegtay inuu gobolka Gabiley ku hayey iyo wixii aad ku aragtay ee karti daro ah ee uu leeyahay Shucayb Maxamed Muuse. Haddiise uu xildhibaanku sidaasi yeeli waayo waxaanu u qaadaneynaa colaad hoose oo ka kacday dano shaqsiya oo uga fuli waayay xafiiskii Shucayb ee Gabiley. Hadday sidaas taheyna Shucayb hortaa jiraba wuu ka diiday.
Xildhibaan Tukaalow, Horta waa Su’aale ma ogtahay in Shucayb Maxamed Muuse uu dantiisa gaarka weligiiba uu danta ummada ka hor marin jiray ta ummaddiisa. Ma xasuusan tahay in Shucayb uu Duhur cad iska casilay Wasiirnimadii uu Daahir Rayaale u Magacaabay dabayaaqadii xukuumaddiisa, isagoo ka cararaya inuu shacabkiisu u dulleeyo xukuumad xilkeeda gabtey. Sidaa daraadeed sow sax maaha haddaan ku idhaahdo Shucayb waa ballaayo adiga kaaga gudbaneyd Hantida ummada, waana barkhad u soo gashay xukuumadda.
Cabdiqani Sheekh Xasan Axmed
Tel: 063 4142637
Hargeysa/Somaliland