Saleebaan-Gaal Oo Farriin Hoosiis Ah U Dhiibay Mudanayaasha Guurtida oo Kal-fadhigoodii 56aad Furmay Sabtidii
“…Guurti Ahaan Waxba La Kordhinayaa Inama Khuseyso, Haasaawaheeduna Waa Innaga Xaaraan, Laakiin….”
Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa mudanaashiisa aqalka guurtidda ka waaniyey inay afkooda ka dhawraan arrinta muddo kordhinta ee Xukuumadda oo malo awaal ah, waxana kale oo uu sheegay inay nabadeynta shaqaaqadii deegaanka Quruligud ee Buuhoodle meel fiican mareyso.
Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa isaga oo ka hadlaayey Furitaanka Kalfadhigii 56aad ee golaha guurtidda Somaliland oo Sabtidii dib u furmay, ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay Shaqaaqadii ka taagnayed deegaanka Quruligud ee Buuhoodle meel fiican mareyso.
Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo arimahaasi k hadlaayey waxa uu yidhi “Waxaan ka digayaa innagu guurti ahaan waxba la kordhinayaa iyo waxba la kordhin maayo midna inama khuseyso, haddii lay noo baahdo Insha Allaahu ayaad la sugeysaan, laakiin haasaawaheedu [Muddo kordhinta] waa inaga xaaraan ka guurti ahaan:
Md. Saleebaan isaga oo ka hadlaayey Kalfadhiga golihiisa u furmay iyo shaqaaqadii Qurilugud waxa uu yidhi “Kalfadhigii 56aad ee golaha guurtiddu waa uu inoo furan yahay beritona (maanta) Ajandaha waynu ansixin doona oo hawshana waan gudagelynaa oo wax dhiilo ah oo aan sheegayaana ma jiro oo arintii qurilugud ee Buuhoodle-na meel wanaagsan ayey mareysaa ee Ilaahay ha ku wado oo hayno fududeeyo”