Show Ima Barataan!! W?Q: Cali Maxamed Biixi

0
51

SAW IMA BARATAAN ???Duur joogta waxa ugu dhaqan xun waraabaha (dhurwaaga) bakhtiga ayuu cunaa -lama aamini karo oo lama rabaysto-waa saqajaan oo mulaca dhaafi maayo – wuu musuq maasuq badan yahay oo wuxuu isaga kaa dhigayaa inuu kaa tegey isagoo muska kuugu dhuumanaaya .

Haddii aad aragto ba , raq buu ka yimi ama ku socdaa .

Maalin maal maha ka mid ah , ayuu dhurwaagii isla sheekeystay isagoo hurda .

Wuxuu iswaydiiyay : Magac yadan faraha badan ee loogu yeedho ee kuligood mid laqaato lahayn , sidii uu isaga bedeli lahaa . oo magac fiican isugu bixin lahaa . duur joogta kalena ugu war gelin lahaa .

Wuxuu isu bixiyey AAMIN  , aad baanu ula riyaaqay magacaa .

Hadaba waa inuu duur joogta u sheego magaciisa cusub oo uu ku war geliyo , aad buu caloosha uga qosley .HAHAHAKAKAKA.

Waraabihii ayaa kaloo wuxuu iswaydiiyey : bal hadduu habar dugaag u bandhigo in uu isbedeley oo uu iska daayey bakhtigii uu cuni jirey , si sharaf lehna uu u ugaadhsan doono (sida libaaxa oo kale ) oo ilaa uu neefka nafta ka saaro aanu cuni doonin , halkii uu isaga oo nool goo goosan jirey . laakiin habar dugaag tolow may ka rumaysan doonaan arinkan .

Wuxuu isu sheegey in laga yeeley , aad iyo aad buu caloosha uga qosley .HAHAHAKAKAKA .

Isla sheekay sigiisii ayaa waxaa maqley duurjoogtii habar dugaag .

Kabacdi waxay ku yidhaahdeen waraabihii : AAMINAW aanu ku tijaabinee oo aanu kala ogaano bal isbedelka aad tidhi wuu igu dhacey inuu run yahey iyo in kale ee : waxaanu kaaga tegeynaa AMAANO , waxaanu dooneynaa inaanu BERITO kuugu nimaadno , adigoo ilaaliyey AMAANADAN aanu kuu dhiibnay .

Waraabihii aad iyo aad buu u farxey , calooshana uga qosley .

Wuxuu isugu jawaabey :waayahey waa inoo berito .

Maalintii danbe ayaa habar dugaagii waraabihii u yimaadeen oo ay waydiiyeen : meedey AAMINAW HASHII iyo NIRIGTEEDII aanu kaaga tagney shaley .

Wuxuu yidhi waa kuwaa , isaga oo QOSLAAYA ::: iskana sii dhaqaaqay …

Habar dugaagii waxay arkeen NIRIGTII oo labada bishmood la maqan yihiin oo la goostey iyo HASHII oo candha la goostey (laga cuney ) iyadan .

Waxay waydiiyeenWAAR aaminaw MAXAA DHACAY ???

Waraabihii isagoo aad iyo aad u qoslaaya  HAHAHAKAKAKA , ayaa waxa uu ku jawaabey :

SAW IMA BARATAAN .  kabacdina wuu toosey isagoo qoslaaya oo aad u faraxsan .

BAL ADBA GARO OO FASIRO .

CALI MAXAMED BIIXI      caliwwelli@hotmail.co.uk

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here