Shirqoolka ‘Milinium’-ka: Ma khiyaamo Qaran baa? Ma khilaaf dhexdeennaa? Mise Waa Khal-khalin? Qormada: 4aad(Halaq-mareenku waa Madaxtooyada iyo Madaarka Hargeysa)

0
21

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale- cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

19/5/2014ka, Hargeysa,

Qormada: 4aad

 

boobe yuusuf

Halaq-mareenku waa Madaxtooyada iyo Madaarka Hargeysa

 

7/5/2014ka, barqannimadii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxu khudabad-sannadeedkiisii ka jeedinayay Baarlamaanka Somaliland. Run ahaantii khudabad ma ay ahayn e’ waxay ahayd ciyi waa ka beryay oo xilligeedii waa la soo dhaafay. Arrinta 2aadna waxay tahay in uu la eegtay Shirweynihii 3aad ee Kulmiye oo aan qudhiisu sida loo badinayo ku qabsoomin duruuf sharciya, laakiin ku qabsanaysaaba ma jirto. Xisbiyo Mucaarid sheeganaya ayaan ku qabsanayn, Guddida diiwaan-gelinta ayaan ku qabsanayn, Golayaasha qaranka ayaan ku qabsanayn, xataa xisbiyiintii Kulmiye ee xuquuqdooda la duudsiayay ayaan ku qabsanayn.. Khudabaddii uu Shirweynihii 3aad ee Kulmiye ka akhriyay ayaa la sheegayay in uu Baarlamaankana ka hor akhriyay.

 

Haddii aan godollo idiin ka soo qaado, bogga 1aad waxa ku jirtay:

 

“Somaliland waa qaran saddex iyo labaatan jirsaday oo qaangaadh ah, waa qaran ay dadkiisa iyo dawladdiisuba mar kasta iyo goorkastaba u soo jeedaan. Labaatankaa sannadood ee ay Somaliland jirtayna shacbi iyo dawladba, Somaliland, waxay halgan ugu jirtay, dadaal ay ku xaqiijinayso qaranannimadeeda, adkaynta nabadgalyada, kor u qaadidda adeegyada aasaasiga ah ee waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.”

(Sidii ay u qornayd ayaan u soo raray e’, bal u fiirsada inta weedhaa kahalad aanu Madaxweyne geyin ku jirta ee laga hagaajin waayay.)

Bal hadda u fiirsada laynka 1aad oo ay ku jirto Qaran saddex iyo labaatan jirsaday iyo laynka saddexaad oo ay ku jirto labaatankaa sannadood.

 

Afartameeyo Wasiir iyo ku-xigeenno, intaa in le’eg oo Agaasimayaal ah, intaa in ka sii badan oo La-taliyaal ah ayaa odeyga afartaa layn ka sixi kari waayay, markaas ayay doonayaan in aynu ka rumaysanno waddooyin ilaa 2,000 km gaadha ama dhan ayaanu dhisaynaa. Waxaanu leenahay: “Taas dameero loo sheeg.” Horto bal labadan sadar saxa si wax kale la idiin ka fisho.

 

 

Maalintaa uu Madaxweynuhu Golaha Baarlamaanka u holladay in uu khudbadda ka jeediyo, Bogga 5aad mar uu ka hadlayay siyaasadda Arrimaha Dibadda, wuxu yidhi:

“Waxaanu u guntanay xaqiijinta iyo taabo-gelinta madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, sidii ay uga mid noqon lahayd bulshada caalamka, una heli lahayd aqoonsi buuxa.

Illaahay mahaddii, Somaliland waa Dawlad ku timi rabitaanka bulshada, dadkeedu aqoonsanyahay, dadkeedu illaashanayo, buuxisay dhamaan shuruudihii dawladnimo, waa hubaal dunidu way inala macaamishaa, waanay ina ixtiraamtaa balse inama aqoonsan weli.

Siyaasadda Arrimaha Dibedda ee Somaliland waa mid cad oo haysata jidkii loogu talo galay. Waxa dunidu si aan mugdi ku jirin u qirtay, marar badan iyo goobo badan kaalinta aan la dafiri karin ee JSL kaga jirto mandaqadda Geeska Afrika iyo beesha caalamkaba.

Wada-hadaladii inoo dhexeeyey inaka iyo Somalia way socdaan, waxaanay ku xusan yihiin nuxurkii ka soo baxay buugtaa laydiin qaybiyey, waxaanan soo jeedinayaa in goluhu ka doodo wixii dan-qaran loo arko la ansixiyo, si joogto ahna warbixinteeda waan idiinla wadaagi jiray oo waxaaba markasta Guddiga Wada-hadalada idiinku jiray xildhibaano iyo shirgudoonka golayaasha.”

Haddii uu hadalkaasi ka dhab yahay Xukuumadda, waa maxay madow-madowga ka muuqda hawl-gallada Xukuumaddu? Bal hadda sheekadan labaad dhegaysta:

Isla maalintan uu Madaxweynuhu ka dhex dhaadanayo Baarlamaanka, gelinkii dambe waxa ka soo degay madaarka Hargeysa 50 odayaal ah oo aanay cidina soo diran ee Hargeysa iyo Xamar laga soo abaabulay oo ku soo duulay xornimada Somaliland. Nooc walba waa ay lahaayeen odayaashani. Waxa la isla dhex marayay in ay saraakiil, ganacsato, culimo, madax-dhaqameed, cuqaal iyo noocyo kaleba ka mid ahaayeen. Waxa la isla dhex marayay in ay arrimahani dhaceen:

  1. In ay madaarka ka soo degaan iyaga oo aan baasaboorro sidan, sida uu war-baahinta u sheegay Maxamed Xasan Xaad,
  2. In aanay fiisayaal ku soo gelin sida ay qirteen, bal se ay dalkoodii yimaaddeen,
  3. VIP-da ayaa laba wasiir ku qaabbileen,
  4. Waxay Xukuumaddu kala dejisay Hudheello,
  5. Sida laga wada dheregsan yahay Xukuumadda ayay marti u ahaayeen,

 

Subaxnimadii 8/5/2014ka, waxa Madaxtooyada looga yeedhay salaadiinta Somaliland oo ay qaar wasiirrada ka mid ahi ku yidhaahdeen: “Nimankani idinka ayay marti idiin yihiin.”

 

Wasiirka Warfaafinta oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ay Odayaashani u socdeen in ay ka qayb-galaan dabbal-degyada 18ka Meey, mana ay joogin ee intoodii badnayd waa ay iska noqdeen markii ay ku soo hungoobeen safar gaabnaa oo ay ku tageen Boorame. Reer Boorame oo ah saldhiggii lagu yagleelay Somaliland ayaa dhebiga u soo qoray.

 

Waxa ayaan-darro ah in ay Xukuumaddan iyo Madaxweynaheedu marna dadka maqashiiyaan in madax-bannaanida Somaliland tahay lama-taabtaan, geestana kalena ay ku soo dayaan dal iyo dadba cudur-sidayaashan isku sheegaya odayaasha.

 

Odayaashan, gaar ahaan intii noqotay, waxay ku hubeysnaayeen xanuunkii ugu kahatarta badnaa oo ahaa in dalkan iyo dadkan dib loogu soo dabbaalo midnimadii hore loo eeday ee loo dagaalay. Wuxu ahaa hawl-gal hoosaasin ah oo lagu minjo-xaabinayo qarannimada Somaliland.

 

Xukuumaddu iyada oo mas’uul ka ahayd imaatinkii odayaashaas ayay haddana dafiraysaa oo leedahay waxay ahaayeen odey dhaqammeeddo u socday madax-dhaqameedka Somaliland.

 

Ummadda, waxa lagu marin-habaabinayaa wax ayay inaga baranayaan iyo waxay u yimaaddeen in ay ina hambalyeeyaan. Waa waxyaabaha ay dadka ku marin-habaabiyaan dadka ku hadlaya magaca xukuumaddu.

 

Waxaan kaga baxayaa: “Moogaate ee mar dambe ayaydin ka sheekayn.”

 

Dhammaad

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here