Hargeysa(Hubaal/Somdaily News) Shirkadda Deero oo ka ganacsata dhoofinta Xoolaha nool ayaa ku guulaysatay sannadkan in ay hashiis la’galaan Bank Islaamka oo isagu haysta ogolaanshiyaha xoolaha ugu badan ee loo dhoofinaayo sannadkan Xajka.
Shirkadda Indhadeero oo qayb ka ah Hashiiskan ayaa sannadkan Xoolaha ugu Badan ka dhoofinaysa Dekadda Magaaladda Muqdisho sida ay ku soo waramayaan ilo-wareedyo u dhuun daloola hashiiskan sadex dhinaca ah.
Bank Islamka ayaa shuruudihiisu ay ka mid yihiin in Xoolaha la’dhoofinaayo ay ku baxaan Liisanka Dalka Soomaaliya, iyadoo Maxjarka Dekadda Muqdisho la’sii marin doono Xoolaha u dhoofaaya waddanka Sucuudiga, ee uu wakiilka ka yahay Mulkiilaha Shirkadda Indhadeero Group Mr. Musafe Cabdi Cawad.
Shuruudda Hashiiska ee dhoofin Xoolaha ayaa haba’yaraatee aan lagu soo darin in ay xooluhu ka dhoofi karaan Dakadda Magaaladda Berbera ooh or shirkadda Deero ay ka dhoofin jirtay xoolaha ugu badan, iyadoo Shirkadda Indhadeero Xafiiska ugu sareeya uu ku yaala Somaliland, shirkadduna ay mulkiyad ahaan leeyihiin dad reer Somaliland ah.
Mashruuca Dhoofinta Xoolaha ayaa ah mid dadweynaha reer Somaliland ay aad uga Faa’idaystaan iyadoo xoola dhaqatadu uu mashruuca Xoola dhoofku uu u leeyahay ahmiyad weyn, dhanka dhaqaalaha. Ganacsata ka iibinaaya iyo ka laga iibinaayaba ayaa ah qaar si weyn ugu faa’idaysta ka ganacsiga xoolaha Nool.
Dhanka kale Mashruuca Xoola Dhoofintu ayaa dawladu ka qaadaa Cashuur marka laga dhoofinaayo Dakadda Berbera, cashuurtaas oo ku dhacda qasnada dawladda.
Shirkadda Deero Group oo muddo ka ganacsanaysay Xoola dhoofinta, tartamo badan oo dhanka ka-ganacsiga Xoolaha Nool u gashay iyadoo Shirkaddu ay si weyn suuqa Xoolaha ugu loolamayaan ganacsadaha Aljaabiri ee u dhashay waddanka Sucuudiga. Shirkadda Indhadeero oo ogolaanshiyo ka helaysa Xukuumadda Axmed Siilaanyo ee talada waddanka haysa ayaa 4 sanno ka hor ka furatay Maxjar heer Caalami ah Magaalo Xeebeedka Berbera, halkaas oo uu hore ugu yaalay Maxjar kale oo uu iska leeyahay Ganacsadaha Al-jaaburi. Talaabadan ayaa noqonaysa mid dhabar jab ku ah Dekadda Berbera, oo ay si weyn ugu xidhnayd dhanka dhoofinta Xoolaha shirkadda Indhadeero oo ahaa ganacsatada ugu waaweyn eek a dhoofiya Xoolaha Nool Dekadda Berbera.
Dhawaaqan oo dhaqaale ahaan wax weyn u dhimaaya Dakadda Magaaladda Berbera marka la’eegayo ka ganacsiga dhoofinta Xoolaha Nool, sumcad ahaan hoos ayuu u dhigayaa, ayaanu isku daynay in aanu wax ka waydiino dhinacyada ay qusayso hawshani iyadoo ayna noo suura’galin in aanu ka helno, sabab ta shirkadda Indhadeero uga dhoofin ayso xoolaha sannadkan Dekadda Magaaladda Muqdisho.
Free Journalist: N.Awad Dooyo
Shabakadda Somdaily News/// Hargiesa Office