Hargeysa (Hubaal)-Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye Muuse Bixii Cabdi ayaa beeniyey in kulan uu la yeeshay Madaxweynaha Somaliland isaga iyo xubno kale lagu go”aansaday in madaxweyne Axmed Siilaanyo ka tanaasulo musharaxnimada xisbiga Kulmiye.
Gudoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa waxa kale oo uu faah faahin ka bixiyey arimaha doorashooyinka iyo guddida cusub ee loo sameeyey.
Ugu horayn gudoomiye Muuse Biixi Cabdi ayaa ganafka ku dhuftay wararka sheegaya inuu madaxweyne ka tanaasulayo musharaxnimada xisbiga Kulmiye ayaa waxa uu yidhi “Shir aan joogay oo aan ogahay oo madaxweynuhu yidhi arintaas waan ka tanaasulay ama go,aankaas uu ka sheegay haba yaraaatee ma jiro, warkaasina mid jira maaha, meel aan joogo oo arintaas lagu soo qaadayna ma jirto, sideedana arintaasi ma jirto warkaasina waa mid aan jirin”
Sidoo kale gudoomiye Muuse Biixi waxa uu sheegay in doorashada qabsoomideeda iyo dib u dhaceeda uu sharcigu siiyey guddida doorashooyinka waxaanu yidhi “Horta doorashada dib u dhaceeda iyo wakhtiga la qabanayo cid ayuu sharcigu siiyey cidaas ayaana ka hadli karta waana guddida doorashooyinka iyaga ayaana sharcigu siiyey inay cayimaan maalinta doorashada la qabanayo, haday soo hor marayso iyo haday dib u dhacayso guddida doorashooyinka ayaa awoodaas leh anaguna fara galin mayno”
Sidoo mar uu ka hadlayey arimaha doorashooyinka waxa uu sheegay in xisbiga Kulmiye iyo xukuumadiisu ay diyaariyeen dhamaanba waxyaalihii looga baahnaa ee doorashada suura gelinayey waxaanu yidhi “Laakiin xisbiga Kulmiye iyo xukuumadiisu waxaanu cadaynaynaa wixii hawlo ahaa ee ku xidhnaa inaanu dhamaynay, haday sharcigii tahay waanu dhamaynay, guddidii doorashooyinka waa la sameeyey, dhaqaalihiina waa la sameeyey markaa xaga doorashada wax anaga nagaga laabani ma jiro wakhtigana guddida doorashooyinka ayaa iska leh.”
Ugu danbayntiina gudoomiye Muuse Biixi waxa uu soo dhaweeyey xubnaha loo xulay guddida doorashooyinka ee qaranka, waxaanu tilmaamay inay ku kalsoon yihiin waxaanu yidhi “Xubnaha guddida doorashooyinka sharciga ayaa qaybiyey sida loo soo magacaabo,sadex madaxweynaha ayaa soo magacaaba oo waa inta u badan, labana waxa soo magacaaba golaha guurtida, labana waxa keena xisbiyada mucaaridka ah waana siday ahaan jirtay, dad mudakar ah oo rag iyo dumar leh oo badankooda la wada garanayo oo masuuliyiin ah hawshaasna qaban kara weeyaan waanan ku kalsoonahay.”ayuu yidhi gudoomiye Muuse Biixi Cabdi.