Sheekadii “Yaa Mujaahidiin” Aabbaheed Baa Liqaye Bal Mid Kale Ma Haysaaaaan??

0
33

Waxaan odhan karaa sannadkan in aanu ahayn kii mujaahidiinta oo mujaahid waxa lagu daray miskiinka misgaha la fuulo leh.

Siilaanyo dadkan jibada qiirada leh wuu ku guuray, oo waxaan markaan jibada shicibkan eego soo xusuustaa hadalkii marxuum Cigaal AHN ee uu lahaa “hadaad Isaaq tihiin way fududahay sida budhka laydiina la dhaco oo dabada laydiinka maro” haddii aan wax ka khalday odhaahdiisan fadlan ii saxa.

Aan u soo noqdo artikalkaygan, waxaan maqlaa mujaahid baa xidhan 18-ka maydaa gashay

Siilaanyo horta muxuu ahaa anigu garan maayee, se sowdinkii odhan jiray mujaahid, siilaanyo hakaa ahaado bal xusuusta dibna isugu noqda inyar oo yar jaleeca ama back-ta isyar siiya markii aydun siilaanyo kursiga ku saarayseen mujaahidnimo ee Daahir na ka dhigayseen Faqashta dhiigmiiratada ah

Siilaanyo uunbaa markaana mujaahid keligii ahaa, immikana isagaa cunay filinkii mujaahidnimo’e macno kale keena oo aad ku bedeshaan

Siilaanyo wuxuu mujaahid ahaa markii uu Daahir Rayaale talada hayay oo qiiradiinu waatii gaadhay faqashta dalka haysata ka rida mujaahidiintana u dhiiba.

Siilaanyo markii uu mucaaridka ahaa laf dhuungashay buu ku ahaa Daahir Rayaale oo hadii cid la xidho qaylo ayuu sida mushxarada la istaagi jiray, haddii mujaahid la xidhana hadlkeedba daayoo qaylo ayuu afka gacanta gelin jiray sidii dayrkii Makka la dumiyay oo kale, oo anigu waxaan u soo taagnaa markii Yuusuf Cabdi Gaboobe la xidhay isagoo qaylo iska daaye dadka ku guubaabinaayay in laga dagaalamo oo birta la dhaafiyo maamulkii markaas jiray oo uu ku sifeeyay kii siyaad barre oo kale isla markaana na odhan jiray hubka qaata been sheegi maayee mucaaridnimo iyo kursi jacayl waxay ka taagneyd inuu xataa isagu hubka iyo qoryaha lagu dagaalamayo uu bixinaayo isla markaana dhalinyaradii waagaas uu aqliga u wadhay odhan jiray waar fadhi idiin ma yaalo waa markiinii oo ka fursan mayso sidii siyaad looga riday mooyee si kale.

Hadaba bal maanta waxa dhacaya ma aragteen qaar baa ku odhanaaya malaha siilaanyo ma oga mujaahid la xidhay.

Caqliga maangaabka ayaan u aqaan kuwa waxaa ku hadla marnna qaxaan is idhaahdaa waar malaha dadkan sidan u hadlaya ma qaldanee waxa ka keenaya hadalka malaha way u qaadan laayihiin siilaanyo oo dalka haysta ayey waxani dhacayaan

Markaa ummadyahay fahma sheekada oo mujaahid hala soo taagnaaninee dhako kale keena

Wabbilaahi tawfiiq

Mustafe Maxamed (Faro)

Hubaal news reporter

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here