Saraakiisha iyo Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Debadda Somaliland iyo Wakaaladda Qurba-joogga oo hambalyo u diray Guddoomiyaha Cusub ee Madaxweynuhu u magacaabay Wakaaladda Qurba-joogga

0
27

Qaar ka mid ah Saraakiisha iyo Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Debadda iyo Wakaaladda Qurba-joogga Somaliland ayaa hambalyo iyo bogaadin warbaahinta u mariyay Guddoomiyaha Cusub ee dhawaan loomagacaabay Wakaaladda Qurba-joogga Somaliland, iyo isla markaana ku hambalyeeyay madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) inuu jago muhiim ah oo muddo banaanayd ku soo buuxiyay masuulkii ku habboonaa.

wakaalada urbajoogaDhambaalka hambalyadadaas oo ay ku saxeexanyihiin xubno ka mid ah shaqalahaas ayaa u dhignaa sidan:- “Dhammaan shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda JSL iyo X Wakaaladda Qurba-joogga Somaliland ama Xafiiska Xidhiidhka Jaalliyadaha Somaliland waxay hambalyo u dirayaan masuulka cusub ee Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) u magacaabay inuu noqdo Guddoomiyaha Wakaaladda Qurba-joogga Somaliland, Mudane Cabdi Cabdillaahi Xirsi. Waxannu ilaahay uga baryaynaa inuu u fududeeyo xilka iyo masuuliyadda qaran ee loogu igmaday bulshada Jamhuuriyadda Somaliland iyo gaar ahaan hawsha xidhiidhka jaalliyadaha iyo qurbajoogga Somaliland oo qayb ka ah siyaasadda Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL.” “Sidoo kale, waxannu ku hambalyaynaynaa Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) magacaabista Guddoomiyaha Wakaaladda Qurba-joogga Somaliland iyo aqoonyahanka uu Madaxweynuhu u igmaday oo ah qofkii ku habboonaa xilka hay’addaas iyo danaha qaranka JSL.”

Cabdifataax Maxamed Cabdiraxmaan Yuusuf Maxamed Axmed Nuura Faarax Cawad, Cabdiqani Axmed Xasan Umalkhayr Yaasiin Ismaaciil, Maxamed Cali Cartan, Xasan Axmed Yusuf, Liibaan Yuusuf Taani, Yuusuf Maxamed Ismaaciil, Siciid Axmed Cabdi, Xamda Cabdi Xuseen Naciima Axmed Ibraahim Maxamed Cabdillaahi, Saleebaan Cumar, Xasan Faarax Qamaan Ismaaciil Xuseen

Hargeisa Somaliland .

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here