BAHDA HUBAAL oo Berri bannaanka Ku Xusi Doona Sanad guurada ka soo wareegtay maalintii Xukuumada Siilaanyo ay Albaabada u laabtay Xaruntii Wargeyska
By: Mustafe Maxamed Cabdilaahi (Faro)
Bahda Hubaal ayaa sanad guurada kasoo wareegtay xadhigoodu ugu buuxaa maalinta Berri ee 13-December-2014 oo ku beegan 13-December-2013 oo ahayd maalin Jimce ah abaaro 5:00 galabnimo markii ciidan isugu jira kuwa sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaan RRU iyo SPU-du ay galeen xaruntii wargeyska madaxabannaan ee Hubaal iyo mataanteeda The Independent oo ay albaabada u laabeen.
Bahda Hubaal ayaa sanad guuradan kasoo wareegtay markii wargeyskooda la xidhay ku xusaya maanta iyagoo bannaanka jooga oo wali ay xaruntii wargeysku uu ciidan degan yahay.
Xukuumadda ayaa wargeyskan ku eedeysay inuu qoray waxyaabo been abuur ah oo uu ka qoray ciidamada booliska Somaliland iyo warar kale oo aan sal iyo raad lahayn oo kadhan ah xukuumada Siilaanyo,balse waxaan dhicin in xukuumadu ay hor keento maxkamada dacwada ka dhan ah wargeyska oo aanay habayaraatee wax kiisa oo ay ku dacweenayso masuuliyiinta wargeyska hor keenin maxkamada islmarkaana aan masuuliyiinta wargeyska wax maxkamad ah looga yeedhin intii uu wargeysku xidhnaa,sida laga warhayana ay markii masuuliyiinta wargeysku tageen maxkamada loo sheegay inaan wax kiis ah loo keenay oo ka dhan ah Hubaal aanay jirin.
Xadhiga wargeyska ayaa waxa ka hadlay oo cambaareeyay hay’addaha xoriyatul qawlka iyo saxaafadda madaxabanaan ee dalka ka jira iyo kuwo caalimi ah,sidoo kale xadhiga wargeyska waxa iyana siyaabo kala duwan uga hadlay bulshada rayidka ah iyo xisbiyada mucaaridka iyo siyaasiyiin,kuwaas oo xukuumadda Siilaanyo ku cambaareeyay cabudhinta ay ku hayso xoriyatul-qowlka iyo saxaafadda madaxa-bannaan.
Wargeyska Hubaal ayaa xukuumaddu ay xidhay tiraba laba goor iyadoo 11-May-2013 ay ciidanka boliisku sidan oo kale ula wareegeen xarunta wargeyska waxaana dib loo furay wargeyska muddo laba bilood iyo dheeraad kadib markii ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA iyo masuuliyiin siyaasiyiin ah ay qeyb laxaadle ka qaateen siideynta wargeyska markaas oo madaxweynuhu uu u fidiyay cafis masuuliyiinta Hubaal,balse xadhiga labaad ee wargeyska Hubaal ayaa muddo sanad ah ay kasoo wareegtay.
Dhanka kale waxaa xusid mudan in isla sanadkan bishii 8aad 25-keedii ay maxkamada gobolka Hargeysa ay xayiraada ka qaaday wargeyska Hubaal,iyadoo ay maxkamada gobolku soo saartay amarkan ayaa isla maalintii ku xigtay ay maxkamada racfaanka oo xukuumadda Siilaanyo ay dabada ka riixayso ay kasoo daba saartay ammar xayiraadii saarnayd wargeyska dib ugu celinaya,kaas oo bulshada Somaliland intooda badan ka yaabiyay,ilaa hadana ma jiraan cid wargeyska ku dacwiyaysa ee racfaanka ka qaadatay amarkii hore ee maxkamada gobolka Hargeysa ay xayiraadii saarnayd kaga qaaday wargeyska Hubaal.
Xadhiga ay xukuumadu albaabada ugu laabayso xarumaha wargeysyada ayaan ku eekeyn wargeyska Hubaal,balse waxa sidoo kale uu ciidan la wareegay xarumaha wargeysyada Haatuf iyo Somaliland Times oo iyana ay xukuumadda Siilaanyo albaabada u xidhay bishii June 15-keedii ee sanadkan aynu ku jirno
Si kastaba ha ahaatee xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa loo tirinayaa tacadiyo,cabudhin,cagajuglayn iyo xadhig fara badan oo ay kula kacday saxaafadda madaxa-bannaan,suxufiyiin,dad fikirkooga cabiray iyo xoriyatul-qawlka islamrkaana loo soo jeediyay baaqaq ka dhan xuquuqal iinsaanka,dhamaantoodna aanay dhag qalac u siin eedahaas oo ay kasoo qaaday “iska hadloow ina Higirle”
Mustafe Maxamed Cabdilaahi (Faro)
Madaxa Wararka Wargeyska HUBAAL