Salaaddaa Cabatay! – W/Q. Xuseen Guudcadde

0
60

salaad tukashoLaga yaabee in aad la yaabto cinwaanka qoraalkayga, sababta oo ah, waxa qofku is waydiin karaa sida ay u caban kartaa salaaddu? Nin Sheekh ah ayaa waxa uu yidhi:

Waxaa ii yimi wiil dhallinyaro ah wuxuuna bilaabay inuu iiga sheekeeyo mashaakilaadka ka haysta nolosha, wuxuu yidhi:

Sheekhow waxaa ka cabanayaa murugo badan oo I haysata iyo qammi badan waxaan ka cabanayaa in hawshii aan is idhaaho qaboba aanan isku kalsoonayn, meel kastoo aan maro iyo albaab kastoo aan garacaba wuxuu igu noqdaa mid xidhan oon la iga furin,mashruuc kasta oon is idhaaho waad ku faa’iidi wuxuu ku soo dhamaadaa fashal iyo khasaare.

Cunto ma cuni karayo oo cabbitaanku waa igu dhib wax kastana waa I dhibayaan ama waan ka shakinayaa.

Waxaa intaas oo dhan ii raaca waxaa igu dhacay calool xanuun waxaan u tegay dhakhtarrada ku takhasusay uur ku jirta dawayntoodiina waxba way ii tari wayday! Markaan dhakhtar ku daaloba mid kalaan raadsadaa laakiin waxba iigama kordhaan!

Sheekhii wuxuu ugu jawaabay: adeerow marka aad dhakhtar u tagto wuxuu kuu qoraa dawo sow maaha? Oo dabeed wuxu raaciyaa faahfaahin sidaas iyo sidaas u liq oo daawadaas ha seegin waqtiggii lagu yidhi cun. Bal ka warran haddii daawadaas aad khilaafto taladii dhakhtarka ood sideedii u liqi waydo wax miyay kuu taraysaa? Maya ayuu ku jawaabay wiilkii.

Wuxuu yidhi sheekhii: waxaa muhiim ah inaad daawada qaadato oo waqtigeedana ilaashato insha alaah caafimaad ayaad ka heli doontaa?

Wiilkii ayaa yidhi: oo maxay tahay daawadaasi? Sheekhii ayaa yidhi daawadaasi waa adiga oo ilaashada shanta salaadood habeenkii iyo maalintii wejigii saxda ahaana ku tukada, daawadaas waxaad ka heli doontaa caafimaad aad u badan oo kaa kexeeya xanuunnada aad ka cabanayso.

Waayo wuxuu yidhi Xabiibkeennu SCW: qofka ilaashada salaadaha waqtiga la eedaamo ee sidii ay ahayd u guta maalinta qiyaame waxay u noqonayaan Nuur iftiin iyo Burhaan qofkii dayacana Illaahay ayaa dayacaya oo garabkiisa ka baxaya!

Illaahayna wuxuu yidhi: qofkii hanuunkayga raaca mana lumayo mana khasaaroobayo>

Hanuunka ka wayni waa kee salaadaha oo la ilaashado? Alle SWT wuxuu yidhi: qofka ka jeesta dikrigayga nolol cidhiidhi ah ayuu adduunka ku leeyahay aakhirona waxaa la keenayaa maxakamada Illaahay isagoo indho la’ markaasuu odhanayaa Ilaahow sownigii adduunka idho qabay maxaad ii keentay halkan anigoo indho la’? Ilaahay SWT ayaa ugu jawaaba markaad adduunka joogtay waxaad ka idho la’ayd aayadayaga ood u illowday maantana sidaas ayaan kaa dhigay.

Cilaajka wiilkani haddaba waa dikriga Illaahay iyo salaadaha oo qofku ilaashado waa daawada qof kastaa u baahan yahay soo garaac albaabka dabiibka ama dhakhtarka maalintii shan goor waxaad ka heli doontaa caaafimaad firfircooni iyo wanaag.

Shantaas goor Ilaahay isku dhiib isaga bari oo isaga xus oo u sheego mashaakilka ku haysta oo u sheeg xanunka ku haya oo u sheeg baahidaada aakhiro iyo adduun isaga isku dhul dhig isu miskiini kor iyo hoosba u bari oo u baaq.

Wallaahi inaan mashaakilkeenna aannu xallinaynnay Alle mooyaane oo dhibteenna cidi inaga qaadi karin Alle mooyaane, oo hammigeenna iyo qammigeenna cidi inaga dawayn Karin Alle mooyaane oo xaaladdeennu aanay cidi beddeli karin Alle mooyaane, waxaas oo dhammina waxay wanaagsanaanayaan marka salaaddeenna aynnu ilaashanno ee xafidanno ee Alleheenna aynnu isku dhiibno.

Xaaladdeenna iyo Salaadaha:

Haddaad eegto salaadaha iyo xaaladdeennu sida ay tahay walaalayaal oohin ayaa ina qabanaysa oo qalbigaa ina dhiigaya oo dhafoorkaa ina dhididaya.

Marka salaadaha laga hadlayo waxaynnu u qaybsanahay dhowr qaybood:

Qayb aan weligood tukan oo rukuucin oo sujuudin habeen iyo maalintoona magacyadoodana waxaa la yidhaahaa Cabdillaahi iyo Cabdirahman iyo Cabdifataax iyo Cabdirizaaq wallaahi been bay sheegeen waxay la baxeen addoommadii Ilaahay xagga magacyadooda waana addoommo shaydaan xagga ficilladooda.

Aabbihii ayaa ugu walqalay cabdi-llaahi (addoonkii Allah) haddana ma tukan weligii miyuu yahay addoonkii Alle wallaahi waa been.

Mid kuwaas ka mid ah ayaa yidhi: weligay Alle uma sujuudin magacayguna waa Cabdillaahi subxaan Allaah. waa maxay noloshaasi maxaynnu ku tilmaami karnaa walaalayaal.

Qofka ma toosnaan doono oo ma hagaagi doonto noloshiisu salaadaha oo uu ku toosnaado mooyee qofka uguma dhawaan karo Alle SWT wax ka qiimi badan salaadaha.

Wuxuu yidhi Xabiibkeennu: camalladiina waxaa ugu khayr badan salaadaha.

Kuma anfici doonto soon iyo xajj iyo zeko iyo camal kastoo wanaagsani inaad salaadaha ilaashato mooyaane.

Bal u fiirso qaybtan aan ka warramaynno iyagaa dadka ugu badan bal u fiirso waqtiyada salaadaha guryahay joogaan uma kacayaan salaad makhaayadahay joogaan uma kacayaan salaad shaqooyinkay joogaan eedaan ma ajiibayaan, heesay garaacayaan uma jeedaan salaad fadhi ku dirir bay ku mashquulsan yihiin uma jeedaan salaad, filimay daawanayaan fiiro uma laha eedaanka iyo khayrka

Waxaad mooddaa cidda la leeyahay Xayya calasalaat xayya calal falaax inaanay iyagaba ahayn, waar liibaanta u kaalaya waar salaadda u kaalaya mana yeelayaan way khasaaroobeen alaylehe khasaarihii runta ahaa.

Qaybta labaad waxaa weeye………….

Xuseen Jaamac Guudcadde

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here