“..Waxaan ugu baaqayaa Beesha Caalamka Faro-gelin Shisheeye oo Deg-deg … Hanala soo kala Gaadho..” Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble
Hargeysa(Hubaal)-Wefti Caalami ah oo ka socda dalalka waa-weyn Adduunka ayaa lagu wadaa inay Maanta Socdaal ku yimaadaan Magaalada Hargeysa ee Xarunta dalka Somaliland.
Ma jiro war amuurtan ku sabsan oo kasoo baxay Somaliland iyo Wufuudan Socdaalka ku imanaya Caasimada Hargeysa, hase-yeeshee, Sida ay Wargeyska Yool helay u sheegeen Diblumaasiyiin ka gaabsaday in Magacyadooda la xuso Weftigan Caalamiga oo ay hoggaaminayaan lix ka mid ah Safiirada dalalka dalalka Midowga Yurub, Mareykanka, Sweden, Norway iyo Switzerland, oo iyagu Somaliland ka taageera Doorashooyinka iyo geedi-socodka Dimoqraadiyada la iskuna yidhaahdoo (Democratization Steering Committee), ayaa waxa socdaalkoodu ku soo beegmay xilli khilaaf Dastuuri ahi ka dhex oogan yahay Xukuumadda iyo Baarlamaanka, xal-u-helida khilaafkaas oo sida xogaha lagu sheegay qayb ka ah arrimaha uu la xidhiidho Socdaalka Safiiradani ku imanayaan dalka, taasoo bulshada dib usoo xasuusinaysa khilaafkii 2009-kii dhex qarxay Xisbiyada Mucaaridka iyo Xukuumaddii Madaxweyne Rayaale lagu furdaamiyey go’aamo Caalamku gadh-wadeen ka ahaa.
Madaxda Axsaabta Siyaasada Somaliland iyo Madax ka tirsan Dawladaha Somaliland ka taageera dhinacyada Doorashooyinka iyo geedi-socodka Dimoqraadiyada ayaa ka wada hadlay sidii ay Doorashooyinka Madaxtooyada Golaha Wakiilladu dalka uga qabsoomi lahaayeen waqtigii loo asteeyey oo ku mudeysan 26 June, 2015, kadib kulamo arrintaan ku saabsan oo toddobaadkii Magaalada Nairobi ee Xarrunta dalka, iyadoo arrimaha carqalada ku noqon kara qabsoomida Doorashooyinka ee labada dhinac isla qaateen furdaamintooda ay ka mid ahaayeen ansixinta Komishanka cusub ee Doorashooyinka iyo dhamaystirka Xeerka Diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha ee Xeer Lr.37/2007.
Dhinaca kale, Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland oo ka hadlayey fadhigii shalay ee Golaha, ayaa sheegay in Xukuumadda talada haysaa ay awooddii dawladdii Dawlada ku hor istaagtay xil gudashada Golaha Wakiilada, isla ay khal-khal ka abuurayso Dalka, si ay u hesho muddo-korodhsi.
“Qaadhaan-bixiyeyaasha iyo Saddexda Guddoomiye xisbi waxay ku soo balameen in Maanta oo Axad ah in la ansixiyo Guddida Doorashooyinka ee cusub, Komishankii in la ansixiyona waa taasoo waa la diiday. Awaamiir baana la siiyay Xildhibaanadii, ayaan-darada ina haysataana waxay noqotay Shacbiyoow Xildhibaanadii aad soo doorateen caqligoodii Madaxtooyada ayey amaahiyaan”. Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble. Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi; “Waxaanu hay’addaha iyo beesha caalamka ugu baaqaynaa tani kala dhaqaaqi mayso ee faro-gelin shisheeye. Awoodbaa la sheegtay, Dawladnimaa la sheegtay, RRU-baa la sheegtay, Baarlamaankii baa la qabsaday oo xidhan Maanta (Shalay) ee ha nala soo kala gaadho”.
Hadalka Xildhibaanka ayaa u muuqda inuu u gacan haadiyey Safiirradan wadamada Reer galbeedka ka socda ee dalka imanaya, kuwaasoo ay dhici karto inay arrimo kale oo xagga nabad-gelyada khuseeya laftooda kala hadasho Hay’adaha dawladda, siiba xukuumadda iyo Goleyaasha kale ee Baarlamanku ka mid yahay.