Meel fog ayaan mukul ka arkay. Waxaan isku howlay in aan dhankeeda u dhaqaaqo, anigoo cabsida iga adkaatay ayaan geesinimo qalbigeeyga iska soo riixay, horaan u fuulay
diyaaraddii, Waa ikan anigii oo ka fudud ilbiriqsiyada, misana sidii biriqdii halmar ka dul hillaacay halkii mukushu joogtay, Waxaan la kulmay koox korkoodu wada ifayo, Waaba ummad nuurkoodu ka iftiin badanyahay qoraxda. Wax beey kala qeeybsanayaan, misana iskugu hambeeynayaan cabitaan sidii biyo dhalo ku jiro u muuqdo.
In aan dhinaceeyga ka cabo ayaan shaki la’aan u arkay, markii aan carabkeeyga ka codsaday dhedheminta biyahaas isaguna iga ogolaaday, Unbaan halmar u sarqaamay sidii qof “Vodka” ka cabay toban dhalo, Waan marqaansanahay oo dawakhsanahay, hayeeshee garashada kama tagin, oo waxaan is arkay ruuxdeeydoo sidii shimbir qurux badan u duuleeysa, halka laabteeydana lagu sharaxay aqoon ka weeyn tii aan dunida ku soo bartay, waxaan damcay in aan is su’aalo sababta aan halkaan u imid, balse nasiib wanaag hadal dhegteeydu maqashay hasa ahaatee qofka dhahayo aanan arki karin ayaan dhageeystay, wuxuuna ahaa sida tan. “Midkaagan iraadinayoow bishaareeyso marka hore. Marka xigtana waxaad ogaataa in aad hadda bilowday safarkii ruuxda, Waad ila midoobi doontaayee, tasawufka safarkiisa sii wad”.
Marka aan maqlayo hadalkaas Xiddigo aan korkooda ku socdaa, Waxaana I dhinac socda koox dad u’eg, hasa ahaatee ilama hadlaayaan, oo waxeey u aamusanyihiin sidii biyo ceel ku jira, Waxeey keliya awoodaan in eey indho mudac ah igu soo taagaan, Waan la hadlay misana ku iri “Yaad aheeydeen?” balse oraah cad iyo mid madow midna meeysan oranin.
Anigoo xabsi kaga jiro wehelkooda sidii qof buur dhagaxyo ku dul socdo haddana keligiis ah ayaan iska soo qaaday. Markaas ayaan mar qura ku indha kuushtay aragtida nin muuqaalkiisa iyo kartidiisa isku jaan go’an yihiin, Waa oday ka sara maray da’dii dunida uga sareeysay laakiinse ereyada uu afkiisu tuurayo waa kuwa soddan kun oo sano jirsaday, Intuu gacanteeyda ku qabtay gacantiisa ayuu igu yiri. “Na keen oo ka soo dhex bax boosaneerka aad dhex taagantahay. Kuwa aad aragto ee aamusani waa noolayaal ka nool dhanka jirka, mana garanayaan qiimaha ruuxda, waxeey wareer kaga jiraan fahamka caalamka labaad ee la yiraahdo ( Caalamul malakuut) ee adiga waad ka sara kacday tii dhoweey, ee horey u soo duul, Baalashaaduna waa iftiinka ruuxda.( Caalamul jabaruud) ayuu heerkaagu gaaray ka dibna in aad nagala qeeyb gashay shirka ka dhacayo ( caalamul laahuud ) ayaan rabaa”
Markaas ayaan sidii dayuurad jet ah u duulay aniga iyo ninkii odayga ahaa, si aan cilmiga uga soo qaadanno noolaha aan dhimanaynin waligiis, kuwa ku nool dunidaan waxay cilmiga ka qaateen mid dhintay oo cilmiga ka sii qaatay mid dhintay, hasa ahaatee innagu waan ka duwanahay oo cilmigeena waxaan ka qaadanay Ilaaha aan dhimanayn waligiis, waana aan kala duwanNahay ruux ahaan iyo cilmi ahaan, jismiga ayaan wadaagnaa oo kaliyah, waana midda ay fahmi la’yihiin illaa iyo maanta dad badan oo ku nool dunidaan liidata ee ay ku kadsoomeen, misana eey fahmi la’yihiin qiimaheeda iyo macanaheeda, dadkaani waxay caabudaan lacagta iyo dhaldhaalaalka aduunyadaan, innaguna waxaa isku mid ka ah agteena Diinaarka iyo Dahabka, waana cilmi aysan waligood gaarayn, illaa ay qandaraas la galaan Ilaahay mooyee, waa balan culus, qof kastana ka soo bixi karin, Jinniga iyo Insigu waa ka simanyihiin hawshaan adag.