Safarkii Cuntadda Bisil Ee Hargeysa Lagu Kariyay Lagu Geeyay Gabilay

0
32

Gabilay, (Hubaal)- Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa la sheegay inuu xalay kulan dhiirigelin ah oo la mid ah, kulamo uu hore ula yeeshay arday ka qalin jabisay jaamacadaha Hargeysa, ugu martiqaaday ardaydii ka qalin jebisay Jaamacadda Gabiley ee Axaddii todobaadkan Madaxweynuhu kala qayb galay xafladdii qalin jebintooda.

 DSC_0306

Siday tibaaxeen xogo uu wargeyska Ogaal ka soo xigtay illo wargaleen ahi, xalay waxa hoolka jaamacadda Gabilay ka dhacay munaasabad casho sharaf ahayd oo wasiirka Madaxtooyadda Xirsi ku maamuusay ardaydii axaddii todobaadkan ka qalin jabisay jaamacaddaa.Xafladdaa oo la sheegay inay ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, waxa ardayda kala qayb galay wasiirka martiqaadka lahaa ka sokow, masuuliyiin kale oo dawladda ka tirsan, isla markaana waxa halkaa ardayda kala hadlay wasiirka Madaxtooyadda Xirsi iyo xubno kale.

Inkastoo muuqaalka madashaasi ahaa mid shabahayay xafladihii hore ee la abtirsiinta ahaa ee Wasiir Xirsi la wadaagi jiray ardayda ka qalin jebisa jaamacadaha, haddana, waxa soo duushay oo laysla dhex marayay, in xafladdii xalay ee jaamacadda Gabilay ay mid keliya kaga duwanayd xafladahaa hore, isla markaana ay arrintaasi ahayd tii ugu yaabka badnayd ee dadku hadal haynteeda isla dhex marayeen magaaladda Gebilay iyo magaaladda Hargeysaba intii maqashay, kuwaasoo qaar ka mid ahi la soo xidhiidheen wargeyska Ogaal. Wararkaa la isla dhex marayay waxay tebinayeen in, cuntadii casha sharafta xafladdaa lagu cunay lagu kariyay magaaladda Hargeysa, lana geeyay hoolka jaamacadda Gabilay iyadoo bisil.

Wararkaa dadku isla dhex marayeen waxay intaa ku dareen, in dadku is waydiinayeen sababta keliftay in cunto bisil Hargeysa laga qaado oo la geeyo xaflad ka dhacaysa gabilay, iyadoo Gabilay leh hudheelo diyaarin kara, isla markaana ay jiraan qaabab badan oo halkaa loogu farsamayn karo cuntada casuumadaha dadka badan.

Hase yeeshee wararkaa laysla dhex marayay mooyee, weli ma jirto xaqiiqo xoojinaysa jiritaanka arrintaa oo soo baxday. Dhinaca kale wararku waxay sheegeen, in wasiiradda ka qayb galay casuumadaasi ay ka soo laabteen gabilay saqdii dhexe

xigasho:wargeyska ogaal

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here