Akhriste: Marna Ma Is Tidhi Dalkeenan Yar Ee Faqiirka Ah,Cidina Aanay Aqoonsan Ayey Waxaas Oo Kale Ka Jiri Karaan” Mujaahid Cali Xaraaro
Wasiir xirsi waa xubinta afraad ee uugu awooda badan dalka haddii xilka laga qaado ama meesha laga bedelo waxa toos u muuqanaya Baashe cawil oo ah xubinta saddexaad ee ay ka go’do talada dalku Baashe cawil waa nin in badan qarsoonaa oo daaha dabadiisa ku jerey waxaana hoos yimaada ciidanka sirdoonka iyo ciidanka loo yaqaan R.R.U-da ku dar soo baashe cawil majirto xil uu ku magacaaban yahay hadana intuu ku xidho ayaanay jirin cid kaa sii deyn kartaa sida labada wergeys ee hubaal iyo haatuf oo mudoba u xidhan labada xarumood ee wargeys yada waxa dhooban ciidan fara badan oo mudo sanad ka fara badan halkaas ku sugnaa dacwed ku socotaa majirto labadaa wargeys xukun ku dhacayna majiro marka laga reebo laba jeer oo maxkamadi sii deysey.
ka dib markay maxkamadu mudo baafineysey cida dhibana ka ah dacwada lana waayey hase yeeshee markay maxkamadu ku dhawaaqday in xayiraadii laga qaaday wargeyska hubaal waxa soo baxay cidii heysetey waxaanu noqday Baashe cawil isla markiiba waxa xilkii laga qaaday gudoomiyihii sii daayey waxaana saxaafada ka hadlay nin lagu sheegey xeer ilaaliye waxaanu yidhi “waxba kamay jirin xukunkii maxkamadu ku dhawaaqday”.
hadaba waxa is weydiintu tahay kol hadaanay jirin maxkamad u yeedhi karta Baashe cawil dacwadina aanay socon karin ilaa goorma ayaa sidan la ahaanayaa akhriste marna ma is tidhi dalkeenan yar ee faqiirka ah cidina aanay aqoonsan ayey waxaas oo kale ka jiri karaan keligii taliye xoog weyni dal uu qabsaday iyo halkuu ku dambeeyey nin rag ahi wuu garanayaa nacasna loo sheegi maayo
Qalinkii: mujaahid Cali Cismaan Libaax (Cali Xaraaro)