Waxay ahayd bishii November ee sannadkii 2010, markii aanu ka fekernay inaanu ka qayb galno aftiada loo qaadayo madax banaanida Koonfurta wadanka Sudan oo aanu u arkaynay inay xidhiidh la leedahay madax banaanida Somaliland.
Waqtigaasi waxba nooma diyaar ahayn, balse waxa aanu ogaanay in Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland lagu casuumay aftidaasi, sidaasi darteedna waxa aanu goosanay in aanu ka qaybgalno, isla markaana ay kharashkayaga bixiso hay’adda Interpeace oo danaynaysay ka qaybgalka Somaliland ee aftidaasi, balse si ay noqotayba nooma ay suurto gelin in aanu kharashkaasi ka helno hay’adda Interpeace, ka dib markii ay dhawr saxafi oo kale oo ka kala socday ururada saxaafadda Somaliland halkayagii galeen.
Waxaanu u tagnay Guddida DOorashooyinka Qaranka Somaliland oo aanu ku nidhi waxaanu idinka rabnaa warqad codsi taageer ah (recommendation), si ay annagana kharashka nooga bixiso, balse guddidii doorashooyinka ee xilligaasi waxay nagu yidhaahdeen suurto gal maaha mana qorayno. Markaasi ayuu Maxamed-Rashiid Allaha u naxariistee wuxuu ku yidhi. “Kolay waanu tegaynaa haddii aad noo qortaan iyo haddii kaleba maad noo qortaan”.
Balse way diideen. Wax yar ka dib, ayuu ALlaha u naxariistee Maxamed-Rashiid igu yidhi, haddii aynu ku heli karno fiisaha Passport-ka Somaliland kharash aniga I weydii”. Ka dibna waxaan u ambabaxay Magaalada Addis Ababa, halkaasi oo aan Passport-ka Somaliland fiisaha kaga soo qaatay wakiilka Koonfurta Sudan ee xilligaasi ee magaalada Addis Ababa. Ka dib markii aan soo noqday waxaanu raacnay diyaarad la odhan jiray Punt Air, oo aanu ku tagnay magaalada Addis Ababa, halkaasi oo isaguna fiisihii ka qaatay dhammaadkii bishii December ee sannadkaasi. Dhawr maalmood markii aanu joognay Addis Ababa ayuu haddana tigidh kale ka amaahday shirkadda Ethiopian airlines sidaasi ayaananu ku noqonay cidii ugu horeysay ee Passport-ka Somaliland ku tegtay Koonfurta Sudan, marka laga reebo C/laahi Maxamed Ducaale, Wasiirkii hore ee Arrimaha Debada.
Markii aanu tagnay magaalada Jubba ee xarunta koonfurta Sudan, waxaanu halkaasi ugu tagnay Komishankii doorashooyinka oo ku jooga dalkaasi fiise lagu siiyay Passport-ka Somali weyn oo ay kaga qaateen safaaradda Khartuum ku leedahay magaalada Djibouti, waxaana xusid mudan, markii ugu horeysay ee ay xubnaha Komishanku noogu yimaadeen H oteelkii aanu deganayn inay nagu yidhaahdeen “Waa kuwii kale”, iyaga oo ula jeeda in qoladii ay siiyeen warqadda recommendation-ka aananu ahayn. Waxaanu halkaasi ugu tagnay nin magaciisa la yidhaahdo Maxamed C/Raxmaan oo ah wakiilka urur goboleedka IGAD Koonfurta Sudan, oo runtii si fiican noo soo dhaweeyay. Laakiin Maxamed C/Raxmaan wuxuu noo sheegay in aananu sidan warqad ka socota urur goboleedka IGAD, isla markaana aananu heli Karin kaadhka suxufinimada ee lagaga shaqaynayo aftidaasi, haddii aan la nagu darin suxufiyiinta kale ee Somaliland ka socota oo warqadooda casuumadda ah xagga dambe lanaga raaciyo mooyee. Laakiin waxa aanu u sheegnay in aanu nahay weriyayaal Afrikaan ah, isla markaana annaga bedelkayaga ay Maraykan iyo dad kaleba ka shaqaynayaan. Waxaanu habeenimadii shir la galnay weriyayaal Spanish ah oo nooga soo horeeyay, waxaanay na siiyeen lambarka telefoonka xoghaynta wasiirka Warfaafinta ee dalkaasi oo magaciisa la yidhaahdo Barnaba (Haatana ah wasiirka Arrimaha Debada) ee dalkaasi. Arroornimadii annaga oo sugayna nin kale oo Somalilander ah oo u shaqeeya hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka ayuu Maxamed-Rashiid Allaha u naxariistee yidhi.”Walal cidna sugi maynee ina mari mooto ayaynu qaadan doonaay’e”. ka dibna waanu baxnay waxaananu tagnay Wasaaradda Warfaafinta ee dalkaasi oo kuyuu dheer loogu jiro qaadashada warqada ogolaanshaha ee la siiyo suxufiyiinta shisheeye marka ay ka shaqaynayaan wadan kale. Markii aanu aragnay Kuyuuga ayuu yidhi Maxamed-Rashiid “sugi kari maynee xoghayntii inoo garaac”. Waan garaacay telefoonkii lana siiyay. Markii ay gabadhii xoghaynta ahayd naga qabatay telefoonkii ayaan ku idhi. “Waxaanu nahay weriyayaal Somalilanders ah oo doonaya inay qaataan Press Card-ka” waxa ay tidhi soo socda. Waanu galnay, markiiba waxay noo dhiibtay foom aanu buuxino, waananu buuxinay, si dhakhsa ahna waanu u qaadanay. Waxaanay gabadhii nagu tidhi “xafiiska ammaanka qaabilsan ayaad warqad kale uga baahantihiin oo waata ka dambaysa xabsiga Jubba”. Laba mooto inta aanu qaadanay ayaanu tagnay halkii, mise waxa lanagu yidhi dhammaan documents-kiina ka soo sameeya min saddex koobi. Ka dibna waanu shakinay oo waxaanu nidhi malaha waa la idin xidhayaa. Ka dibna ninkii aanu la hadlaynay ee koobiyada naga dalbaday ayaanu ka soo dhaqaaqnay, waxaananu dib ugu noqonay gabadhii, balse waxa nagu qaaliyoobay mootadii markan. Waxaanu yidhi Maxamed Rashiid. “tobanka Pound ee ay ku weydiiyeenba sii wadankeena ayaa lagu baran oo waxaad tidhaahdaa Somaliland baanu ka nimid”. Wax yar ka dib tax-giiba magaalada ku qaaliyow, cid kastana lagu yidhi Somaliland oo Afrikaan ahiba way bixisaa ee tobanka pound iska bixiya. Ka dib waxaanu ku noqonay Wasaaradii Warfaafinta, oo la nooga soo sheegay magaca ninka haystaba. Waxaanu nimid xafiiskii Ammaanka u qaabilsanaa Koonfurta Sudan, ka dibna waxa aanu weydiinay magaca ninkiii haystay askari albaabka taagnaa ayaaba na horkacay oo noo geeyay iyada oo ay dad kale kula jiraan xafiiska. Waxaanu u sheegnay inaanu nahay weriyayaal ka socda Somaliland oo doonaya warqad la noo sheegay inuu bixiyo. Inta uu kacay oo uu qoslay ayuu yidhi “Waan garanayaa Somaliland inta uu na salaamay ayuu noo kaxeeyay xaggii xafiiskii laga bixinayay warqadda ka dibna nin ayuu ku yidhi waa Somalilanders ee dhakhsa ugu dhameeya, ninkii ayaa waxoogay af-Sooomaali ah nagula hadlay. Dhakhsana waa la noo siiyay warqadii. Waxaanu ku noqonay huteelkii aanu deganayn oo ay mucjiso ku noqotay sida aanu waraaqihii uu nagu adkaynayay ku soo helnay. Intaasi oo keli ah maahee, xataa Bashkax Jug soo dhacay oo raadinaya Soomaali uu waraysto ayaanu kaxaynay oo aanu geynay halkii Soomaalidu deganayd, isla markaana aanu halkii waraysi ku siinay laga sii daayay BBC-da.