Saamigii Ugu Badnaa Ee Warshadda Korontada Hargeysa Oo Shirkaddo Gaar Ah Xukuumaddu Ku Wareejisay Iyo Munaasibad Ballaadhan Oo Hargeysa Lagu Qabtay

0
65

Hargeysa (Himilo/Hubaal)-Munaasibad Ballaadhan oo lagu shaacinayey Hannaanka Saami ee Warshad hore xukuumaddu u lahayd oo Nalka Hargeysa shidi jirtey ayaa lagu qabtay Hutel Mansor ee Magaalada Hargeysa.

Munaasibaddan, ayaa waxa kasoo qaybgalay Madaxweyn-ku-xigeenka Somalialnd Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, Wasiirrada Wasaaradaha Hawlaha Guud iyo Ciyaaraha, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Saamileyda Cusub ee Warshadda oo   ka kooban ganacsato reer Somaliland ah iyo Marti sharaf kale oo aad u tiro badan.

Warshadda Laydka oo kamid ah Goobaha ugu qadiimisan ee Magaalada Hargeysa muddada badan kasoo jiray ayaa la sheegay in loo beddelay qaab ka duwan midkii hore oo haatan wixii ka dambeeya ay xukuumadda iyo Dad gaar ahi wada yeelan doonaan, iyadoo saamiga ugu baddana ay Ganacasato reer Somaliland ahi Gacanta ku dhigeen.

wershada laydhkaMadaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo ugu horrayn hallkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in sababta warshaddii xukuumaddu lahayd loogu beddelay qaabkan cusub ee Ganacsatada Madaxa Bannaani la wadaagayaan ay tahay si warshaddu u gaadho yoolka ay leedahay, loogana Gudbo Caqabadihii hore u curyaamiyey warshadaas,

“Maanta waxaynu halkan ku daah-furaynaa in warshadii Laydhka Dawladda ee Hargeysa aynu u bedelayno hab wadaag ah oo Dawladda iyo dad ganacsato ahi ay ku midoobaan sidii loo horumarin lahaa adigaas, oo runtii rafaad badan lala soo maray, Markii dhib kasta dhacdo waxaa la raadiyaa xalkiisa,habkan wadaagu waa xal runtii loo helay hagaajinta adeega bulshada. Waxaa la isku gaynayaa dhaqaalihii gaarka loo lahaa iyo Awoodii maamul ee dawladda,Xukumaddu markay hanaan ama siistam dhan oo shaqaynayay oo ama warshad ahaa ama wax kale ahaa ay awood ama dhaqaale u waydo waxay ku wareejisaa Ganacsato Illaahay dhaqaalaha siiyay oo ay tidhaahdaa meeshaa Kici” ayuu yidhi Madaxweyne xigeenka Somaliland.

Madaxweyne xigeenka Somaliland waxa uu sheegay inay Xukumaddu ka mid noqonayso Guddida sare ee Shirkadda islamarkaana dusha kala soconayso Siyaasadda Shirkadda si ay iskugu daydo inay xakamayso Qiimaha Laydhka. waxa uu sheegay in Dawladdu gacanta ku haysay Warshadda Laydhka Hargeysa iyo ta Berbera, haddana waxa socota in Warshada Berbera ee Laydhka oo Xukumaddii hore samaysay ganacsato lagu wareejiyo.

“Waxaan Umadda SOmaliland ugu Bushaaraynaynaa in Dastuurkeenu Ogol yahay in dawladdu hantideeda ciday doonto la wadaagto, iyadoo uga jeeda inay samayso adeeg wanaagsan oo jaban oo Joogto ah la helo” ayuu yidhi Mr Saylici.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidka iyo Guryeynta Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo halkaas ka hadlay, ayaa faahfaahiyey sababaha keenay in saamiga Xukuumaddu ka Bixisay Warshaddii ay Mudada dheer iska lahayd ay tahay in shirkadahaasi ay gurmad sameeyeen xilli warshadu hakad gashay oo cilladdi darani soo waajaheen,

“waxaa is waydiin mudan shirkadahani miyey u soo taratmeen oo sidaasay ku heleen mase Dawladda uunbaa u garatay shirkadahani waxay ahaayeen kuwii noo soo gurmaday ee nala badbaadiyey markii ay fadhiisatay warshadii laydhka ee Hargeysa” ayuu yidhi Wasiirku.

Dhanka kanelana waxa uu wasiirku sheegay inay shirkadaha qandaraaskan laydhka lasiiyey heshiis kula galeen inay qiimaha hoos u dhigaan oo halkii ay awal hore ka qaadijireen Unitkii $1 ay ka dhigidiinaaan $70 cente, waxana uu intaas raaciyey inay xukuumad ahaan Haatan warshadda gacanta ka gelin doonaan $600 oo kun oo Doolar si ay ugu kaabaan intay ka soo kacayaan ee ay iyaga iyo shacabku isla qabsanayaan.

waxaa isaguna halkaa ka hadlay Cabdi Faarax Axmed oo ku hadlayey dhinaca saamilayda hoosyimaada shirkadda Dahabshiil, waxaana uu sheegay inay farxad u tahay inay shirkadii laydhka ee Dawladda ka dhigeen mid gaar loo leeyahay.

Dhanka kalana waxa uu sheegay inay tayeyn doonaan laydhka maadaama ay horeyba aqoon u lahaayeen Laydhka iyo shaqadiisa, waxana uu macaamiishiisa ugu diyaargaroobaan shaqo iyo adeeg ay ku farxi doonaan.

Waxaa isaguna madashaasi ka hadlay wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada Cali SIiciid Raygal waxaanu soo dhaweeyey midawga shirkadahan iyo sida loo habeeyey balse waxa uu shirkadahan ku booriyey inay wax ka qabtaan dhibaatada xadhkaha laydhka ee dhibaatada badan ku haya dalka.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo isaguna Munaasibaddaas ka Hadlay, ayaa sheegay in Hannaankan xukuumaddu dhawaanahan dalka kaga hirgelinayey Wadaagga Shacabka iyo Xukuumaddu uu kamid yahay qaababka Dhaqaalaha kor loogu qaado,

“xisbiyada caalamku waxay ku kala aragti duwanyihiin siyaasadda dalka lagu maalayo sidaa darteed ka xisbi ahaan Kulmiye waxa uu aaminsan yahay in la ilaaliyo hantida umadda iyo dadka danyarta ah, hannaankani waxa dan u yahay qofka Adduunka leh iyo midka Danyarta ahba” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Saamileyda Cusub ee Warshadda Laydhka Hargeysa, ayaa kala ah Shirkadda Dahabshiil oo saami ahaan iska leh 35%, SHirkadda MSG oo iyaduna heshay 35%, Saamiley kale oo kasoo jeedda Gobolka Awdal oo magacooda loo yaqaanno Aloog oo heshay Saami dhan10% halka xukuumaddu yeelan doonto 20%.

Warshadda Nalka ee Magaalada Hargeysa, ayaa laydka u shidda Xaafaddo badan oo ku yaalla Magaalada Hargeysa, waxana laga filayaa inay Hoos u dhigi doonto Qiimaha ay ka qaaddo macaamiisheeda oo u badan dad danyar ah.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here