Roobabkii Gu’ga Oo Gobolada Galbeedka Ka Curtay iyo Abaaro Daran Oo Degaannada Somaliland Laga Dareemayo

0
39

Boorama(Hubaal) -Roobabka Guga, ayaa ka curtay Degaano ka mid ah Galbeedka Somaliland. Roobabka ayaa ah kuwo dhulka daad mariyay islamarkaana ka jabiyay Abaaraha baahsan ee ka jiray halkaasi.

Idaacadda Dawladda, ayaa sheegtay in Abbaaro duhurkii uu Roob ku ka hooray Magaalada Boorama iyo Nawaaxigeeda islamarkaana halkaasi muddo roobku ka da’ayay, dad iyo duunyana lagu doogsaday.

BooramaMagaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland iyo Nawaaxigeeda ayaa sidoo kale laga dareemayaa Cadceed kulul iyadoo Cirkuna leeyahay Daruuro  islamarkaana jawiga laga filan karo in maalmaha soo socda Roobabku ka horaan.

Boorama Waa Meeshii u horaysay ee Roobka gu’gu ka curto iyadoo guud ahaan Degaanada Somaliland laga dareemayo Abaaro biyo iyo baad la’aaneed.

Meelaha ugu daran ee ay Biyo la’aanta iyo Abaarruhu isu barkadeen noolaha, waxa ka mida Deegaamada Koonfurta Somaliland ee ku teedsan Xuduudda Itoobiya, dhulkaasoo deegaamada qaar laga soo sheegayo inay Xooluhu u fadhiisteen Gaajo, kaddib markii ay Daaq waayeen.

Heerka biyo la’aanta ayaa sidoo kale maraya Biyo dhaan, kaddib markii ay dhamaadeen Baraagihii ay Dadku ka cabi jireen. Xaallada Biyo yaraanta ayaa ah mid xidhiidhsan ilaa dhinaca Xadka Itoobiya oo ay dadka reer Guuraaga ahi u hayaami jireen marka xaaladan oo kale la soo deristo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here