In badan waxad aragtaa siyaasiyiinta oo dhaliilaya wax qabadka dawlada, lakiin ma aragta masuul ka tirsan mucaaridka oo u kacaya ama u hiilinaaya dad dhibataysan, maxay markasta mucaaridku u dhaliilan wax qabadka dowlada?
Habada qof kasta oo mucaarid ahi ma is waydiisay adigu doorka aad ku leedahay dhismaha waddanka iyo horumarka dalka iyo dhismaha umada mise xaalkaagu waa orgigii wanka ku qoslay ee wankuna ugu maahmaahay riyo haday dib leeyihiin dabadooda ayey ku qarin lahaayeen.
Sidaas darteed mucaaridka talo ahaan waxaan odhan lahaa sirtiina ugu weyni waa fadeexada dawlad iyo naxil ku abuurka bulshada reer Somaliland, dadkuna way arkaan waxqabadka dhabta ee xukuumada madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Sidaas darteed waxaan leeyahay qolyaha meelahaas wax ka soo aflagaadeeya in dawladda la dhaliilo shaqsi masuul ahna la aflagaadeeyo caan laguma noqdo ee waxa aad noqonaysaa maar la bartay ama xaalkaagu waa ha noqdo sidii gorayadii tidhi “dad la aragyaaba dhib la arag”
waxa iyaduna is waydiin leh madashii wada tashigu maxay soo kordhiyeen ama ay toosiyeen mise waxay sii biiriyeen hadalkii aan macnaha lahayn ee ahayd dowlada wax ka sheeg lakiin meel baanan may buuxin wada tashina iyo toosina lagama hayo sida magacooda ka muuqata.
Hadaba waxaan leeyay adeer yan la qalad fahmin wada tashiga iyo toosinta ee waa in dariiqeedii loo maraa wad ogtahay calamka waxaa jira golayaal mucaarad oo dadkooda iyo dalkoodaba gaadhsiiyey horumar waara. Bal eeg kuweenan aad mooday inay siyaasada ka barteen intii ugu xumad, maxaa u diiday wanaaga iyo ka shaqaynta danta umada ee tusay dhaliilaha aan wax lagu mucaaridi karin.
dadkana yaan la jaah wareerin waayo Somaliland waxay ku soo cano maashay samir, isku duubn, isu dulqaadasho, isu tanasulid ee waa in an aynu wanaaga ka wada shaqaynaa oo an lays xag xagan laysna xajiimayn.
Faadumo Saalax