Sida aynu wada ogsoonahay amma la wada soconey intiina indhaha ku haysa amma,udhuun daloosha siyaasada geeska gaar ahaan somaliya iyo Somaliland waxaynu waxaka ognahay siyaasiyiin miisaan culus kule somaaliya iyo Somaliland gaar ahaan gobolka sanaag bari oo ay hogaaminayeen xubno wasiiro ka soo noqday xukuumadihii somaaliya ee kala danbeeyey oo ay ka midyihiin Cawed Axmed( Cashara) iyo Caasha Axmed Cabdale oo labadoodaba aad looga yaqaano gobolka sanaag inay dhawaan wadanka dabediisa kaga dhawaaqeen shirlagaga wada tashanayo sidii maamul goboleed cusub looga dhisi lahaa gobolada bari ee dalka jamuuriyada somaaliland gaar ahaan gobolada sanaag iyo badhan oo xad lawadaaga maamul goboleedka puntiland dadka deganina ay abtirsiinyo ahaan isku hayb yihiin walibana ayjirto xoogaa tabasho ah oo ay dadka degaanadaasi ka qabaan saami qaybsiga dawlada somaaliland ee degaamadooda oo ay hore uga cawdeen hase ahaatee aanay dhega jalaq usiin xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne axmed siilaanyo ayaa waxa aad moodaa inuu dhawaaqani guux iyo hanqal tag ka dhex dhaliyey bulshada bariga soomaaliland oo ay ku hamiyeyso siday ula mid noqon lahaayeen maamulka khaatumo oo uu dhwaan aqoonsaday madxweynaha dawlad fadaraalka somaliya iyo wakiilka qaramada midoobey mr.key kaasoo taniyo intii ay xumaadeen amma is afgaranwaagu ka dhexdhacay wadahadaladii uu turkigu dabada ka riixayey inay soo badanayso jajbinta ay wado xukuumda xasan sh maxud ee gudaha Somaliland ku wajahani
Sikastaba ha ahaatee waxan jirin dhaqdhaqaaqyo rasmiya oo ka socda gudaha dalka Somaliland amma dadaallo lagu joojinayo samaynta maamulkaas iyadoo aad moodo in xukuumada talada haysaa ay marka hore indhaha ka xidhato ka hortaga dhawaaqyada saamaynta danbe yeesha sida khaatumo iyo wabar iwm oo labaduba gilgileen ammiga gobolada ay ka soo jeedeen
Guntii iyo gabagabdii waxan u soo jeedin lahaa xukuumada iyo cidkasta oo danayneysa jiritaanka iyo qaranimada jamhuuriyada Somaliland inay isku daydo sidii loo xadidi lahaa dhaqdhaqaayada Siyaasiga ah loogana wada hadlilahaa tabashada goboladaas iyo baahiyaha aasaasiga ah ee ay ka cabanayaan
ALAAMAHADLE
QALINKII Wada Arin
Tel=+252634418407