Dheeman Buu U Yahay Dhalinta Sheekh Cismaan Cali Xuseen- W/Q: Guuleed Dalxa

0
116

SHEEKH CISMAAN CALI XUSEEN waa mid kamid ah culimada ugu cilmiga dheer Soomaalida guud ahaan gaar ahaanna Somaliland. Waa sheekhaygii tafsiirka aan ka bartay Alle ha xifdiyee. Waa aqoonyahan ku fogaaday hujinta aayada hogta Quraanka. Sida uu ugu talax tagay cilmiga Xadiithka ayaa ah wax miiska yaala oo aan marag u baahnayn. Aqoontu way biyo dhigatay oo maaha dhalinta ay dharabka ku tahay. Intaas oo dhan waxa u dheer, inuu yahay shakhsi u bislaaday aqoonta , dhammaan xaglaha kala duwan ee shareecada iyo wadiiqooyinkeeda sida Naxwada, Balaaqada, Sarfiga, Xadiithka, Musdalaxa, Tafsiirka iyo guud ahaanba funuunta diinta. Aqoonta uu u leeyahay cilmiga Usuulu Fiqiga waa mid lagu majeerto oo Soomali u qirsantahay, waxaanuu ku jirtaa ragga dhifta ah ee ku dhaw cilmiga usuulka, usuulruuggii caalama qarniga Al Callama Shariif C.Nuur. Maaha hudeec ee horseed ayuu ku yahay geesta cibaadada waxaanad ka dheehan kartaa nuurka ka muuqda.

sheekh cismaan cali xuseenSheekh Cismaan waxa uu muddo dheer ka marinayay masaajidada magaalada Culuumta Diinta. Waxa uu wakhtigiisa inta badan u huray dhigida kutubta – waxa uu ka mid yahay jamaacada Ictisaam oo ah jamaacadii ugu saameynta badneynd ee Soomaalida soo gaadhsiisay dacwada Rabaaniga ah muddo 50 sanno ku dhawna u tafaxaydatay sidii bulshada Soomaalida caqiidadooda loo dhisi lahaa. Ku darsoo, maaha Sh Cismaan nin tacasub ama jamaacada khalad iyo saxba garab taagan, ee isagu dacwadiisa mooyaane weligii laguma arag shirarkeeda, inta ogaalkayga ah.

Isku soo wada duuboo, sheekh Cismaan Cali Xuseen, waa sheekha leh warshadda ugu weyn ee soo saarta mufasiriin dadka bara Quraanka Tafsiirka ah macnihiisa iyo xogta ku dheehan. Inta badan magaalada Hargeysa ardeydiisii ayaa masaajidada ka dhigta tafsiirka. Alle ha xifdiyo Cimriga ha u dheereeyo, khaatumadana ha u wanaajiyo.

Guuleed Dalxa

4839797

DALXAAUTHOR@GMAIL.COM

 

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here