Reysul-wasaarihii Hore ee KENYA oo Xukuumadda Dalkiisa Ugu Baaqay In Ciidammada Soomaaliya Ka Jooga Laga Soo Saaro

0
47

Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Odm Oo Xukuumadda Kenya Ugu Baaqay Inay Ciidankoodda Ka Soo Saaraan Soomaaliya

Nairobi (Hubaal) – Xisbiga mucaaradka ah ee dalka Kenya ODM ayaa ugu baaqay xukuumadda Kenya inay ciidankeeda kala soo baxdo gudaha Soomaaliya, taasoo ay ku sheegeen mid ay maslaxadda ugu jirto Kenya.

Guddoomiyaha Ku meelgaadh ah ee xisbiga ODM, Anyang’ Nyong’o  oo wareysi gaar ah siinayay wargeyska The Standard ee kasoo baxa Nairobi cadadkiisii shalay ayaa ku sheegay in tan iyo markii Kenya ay ciidamadeeda u dirtay gudaha Soomaaliya si ay ula dagaalamaan Al-shabaab ay dad badan oo Keenyaan ah naftooda waayeen; isla markaana uu qalqal ku yimid ammaanka guud ee dalka Kenya.

Mwai+Kibaki+Raila+Odinga+Hold+First+Talks+9FMYllKCyVFmSidoo kale, Anyang ayaa xusay in marka loo eego danta Kenya aany jirin wax dan ah oo ugu jirta in in ciidamadeedu ay sii joogaan gudaha Soomaaliya, isagoo intaas raaciyay in dolwladda looga baahan yahay inay samayso qorshe ay kaga soo saarayso ciidamadeeda Soomaaliya.

“Markii uu billowday dagaalka argagaxisada ka dhanka ah ee Soomaaliya waxaa gudaha Kenya naftooda ku waayay muwaadiniin badan oo Keenyaan ah, amniga guud ee dalkana faraha ayuu ka baxay; marka waxaan ku baaqaynaa in laga soo saaro ciidamada Kenya gudaha Soomaaliya, waayo wax dan ah nooguma jirto in ciidamadeena ay Soomaaliya sii joogaan,” ayuu yidhi Anyang’ Nyong’o.

Isagoo sii hadlaya guddoomiyaha ayuu sheegay tallo ahaan u soo jeediyay in la joojiyo tababarka ciidamada Soomaaliya lagu siiyo dalka Kenya tababarkaasna si dhaqso ah loogu wareejiyo gudaha Soomaaliya.

Kenya ayaa ka mid tahay dalalka ay ciidamada AMISOM ka joogaan Soomaaliya, iyadoo ciidamadeedu ay ka howlgalaan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo halkaas oo ay kula dagaalamaan xoogagga Al-shabaab.

Xisbiga mucaaradka ah ee ODM ayaa dhowr jeer oo hore ku baaqay in dowladda Kenya ay ciidamadeeda kala soo baxdo gudaha Somalia oo ay si iskood ah u soo galeen markii ugu horreysay sannadkii 2011-kii, inkastoo kaddib ay ku biireen howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Hadalka guddoomiyaha Ku meelgaadh ah ee xisbiga ODM ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay dhowr jeer ku baaqday Al-shabaab in ammaanka Kenya uu ku xidhan yahay inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, inkastoo madaxda dalkaas ay gaashaanka u daruureen hadalkaas.

RAILA ADDRESS

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here