Hadaanu Beel Heblaayo nahay waxanu ka shireynaa danta beesha. Ma ta Somaliland tu aan aheyn oo u gaar ah beeshaasbaa jirta? Ma dastuurkey inoogu taal sidaasu? Maxay xukuumaddu u barakeynaysaa shirarka caynkan oo kale ah ee dastuurkeenii ka horimanaya?
Hordhac: Inta aanan qoraalkeyga guda gallin waxan halkan uga mahad celinayaa Mudane Cali Cumar Xasan oo dhowaan maqaal uu ka qorey arrintan aad aan ugu
Somaliland waxay waxa ay sameysteen dastuur ay u codeeyeen oo ay 97% ku ogolaadeen in ay ku dhaqmaan. Waxa distoorkaa qodobada ku qorran ka mid ahaa in dalka iyo dadkaba lagu dhaqo oo lagu hago hanaan dimuqraadiya oo ku qotoma doorooshiyin xor ah iyo xisbiyada tirade badan. Somaliland waxa ay dhaqan galisay in badan oo heshiiskaa ka mid ahaa. Inkasta oo ay qabyo badani ka muuqato hadana waa lagu liibaanay oo waxa lagu badbaaday. Distoorkaas meelna kagama qorna ama ma sheegayo in beelaha Somaliland ay kala danoyihiin. Wuxu qeexayaa in Somaliland ay isku mid tahay oo ay isku dan qudha tahay.
Iyadoo sidaa uu ina farayo dastuurkeenii ayaa hadana baryahan waxa isasoo tarayo ku dhaqanka falal ka dhan ah oo ka horimanayaa tiirarkii dastuurkaasu lahaa. Waxa soo badanya shirarka iyo wada tashiyada ku saleysan qaab qabiil. Waxay noqotay in loo kala badiyo qabashada shir beeleedyada. Waxa la galiyaa aduun iyo juhdi aad u balaadhan oo ay wacnaan laheyd in ummadda si kale looga faa’iideeyo.
Shirarka dub u dhac wata waxa ay soo jiitamayeen ilaa iyo xukuumadihii hore ee soo maray Somaliland laakiin waxa ay xoogeysteen intii Kulmiye talada dalka hayey. Shir beeleedyadii lagu qabatay Garadag, Ceergaabo, kii loo bixiyey Dan iyo Duco, Hoodaale, afgarad iyo kuwa kale oo badan oo ummadda lagu mashquuliyey intuba hagardaamo iyo nusqaanbay ku ahaayeen dastuurka Somaliland ay dhigatay.
Waxa kale oo ay soo kordhiyeen:
1) In ay ina dhaxalsiiyaan sumcad xumo, oo caalamku inoo arko dad aan dawladnimada qadarin oo aan isku xukumi Karin oo ah qabaa’il is-urursaday. Waxay markhaati u noqotay cadowga Somaliland ee ku dooda meesha wax dawlad la yidhaa ma jirto ee waa qabyaalad meel ku urursan.
2) In beesha shireysa mooyaane beelihii kale shakiyaan oo yidhaahdaan tolow ma idinkaa la idiin shirayaa
3) In kuwa shiraya laftooda ay jilibo hoose u kala shikiyaan., oo maraca qaarkood shirar kale iclaamiyaan.
4) In aduun iyo juhdi baaxadleh oo aan aakhiro iyo aduunka midna kuu raaceyn la khasaariyo .
Waxa iyana wax laga yaqyaqsooda ah kolka shirarkaa lagau arko masuuliyiin xukuumadda ka tirsan oo ka qeyb galaya shirarkaa oo u fidinaya taageero ka socota xukuumada. Xukuumadu iska daa in ay ka qeyb gasho oo ay abaabusho eh, waxa waajib aheyd in ay isku daydo in ay joojiso shirarka sumadda qabiilka ah leh. Waxa ay aheyd in golaha wakiiladu sharciyo kasoo saaraan shirarka caynkan oo kale ahii in ay dubu dhac ku yihiin qaranimada Somaliland. Waxa ay aheyd in xukuumadu iyadoo cid kasta la kaashaneysa dhiiri gallin oo aanay barakeyn.
Waxa iyana wax laga xishooda ah weedho ay ka wada siman yihiin sida:
*”Shirku maaha mid wax loogu dhimayo qaranimada Somliland”. Cajiib! hadaanu waxyeeleyneyn maxaa faa’iido ah ee uu u leeyahay qaranimada?
*”Shirka waa mid lagaga tashanayo danaha beesha”. Beelaha Somaliland ma kale danbaa? Miyaanay reer Somaliland oo dhami isku dan aheyn?
*”Shirku cidna duulaan kuma aha, cidna lagaga tashan maayo”. Kolka sidaa la la leeyahay waxa ay beeshaasu si dadban u qireysaa in shirkoodu uu yahay dhoolatus iyo ismuujin aan loo bahneyn maadaama aanay colaad reereed gayiga ka jirrin.
Gebogabo:
Waxa quruxbadnaan laheyd haddii intii meel wada degtaa ay ka tashanayaan sidii loo horumarrin lahaa degaankooda.Waxa If iyo aakhiraba manfac ku yeellan laheyd iyagoo baahiyaha ka jira degaankooda u tafa xaytay oo biyo xidheeno sameysta, iskuulo dhista , cisbaitaalo sameysta, beeraha qota, kaluunka lasoo baxa iwm………..
Hadiise reer Somaliland caashaq ku yihhii sidan ay u dhaqmayaan imika oo ay u jeel qabaan in ay reer reer u shiraan waxa haboon in ay ka noqdaan dastuurkii ay u codeeyeen oo ay sameystaan mid kale oo tilmaamaya xalaalna ka dhigaya in sidaa yeelaan. Kol haddii reer Somaliland ay kale dano noqdeen oo ixtiraami waayeen dastuurkii isku danta ka dhigayey waa been in ay yidhaahdaan dastuurbaanu ku dhaqanaa.
Alla Mahad Leh