Ra’iisal Wasaare Cabdiweli Sheekh Oo Aqbalay Go’aankii Golaha Baarlamanka F. Soomaaliya Uu Kalsoonida Kagala Noqday

0
22

Mogadishu(Hubaal)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa aqbalay go’aankii golaha Baarlamanka F. Soomaaliya ay maanta kalsoonida ugala laabteen Xukuumadda uu Hoggaaminayay ee la riday.

“Ra’iisul Wasaare Cabdiweli wuxuu aqbalay go’aankii golaha Baarlamanka F. Somalia uu kalsoonida ugala noqday Xukuumadda, wuxuuna R.W faah faahin dheeraad ah bixin doonaa maalinta berri ah” ayuu yiri Afhayeenka Xukuumadda Ridwan Xaaji Cabdiweli.

reysal-wasaareUgu dambeyntiina Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa uga mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed, gudaha iyo dibadda taageeradii buuxday iyo kalsoonidii ay siiyeen xukuumadiisa mudadii ay shaqeyneysay.

Golaha Baarlamanka Soomaaliya ayaa Sabtida maanta codka Kalsoonida markii ay u qadeen xukuumadda , 153 Mudane ogolaadeen in la rido Reysal-wasaaraha iyo Xukuumaddiisa.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here