RADIO HUBAAL Ka Dhegeyso Fadeexad Ka Dhalatay Dood Dheelli Ah Oo Ay Idaacadda BBC-du Shalay U Qaybisay Suxufiyiin Reer Somaliland Ah & Kuwo Ka Socday Soomaaliya+DAAWO SAWIRRADA

0
76

“Doodu way iga khaldan tahay oo barnaamijkaaga qudhiisa ayaa ka mida khaladaadka ay saxaafadu ay gasho, inta aad telefoon dhagta noo galisay ayaad nagu ilowday…”

“Barnaanijka su’aashii ugu horaysay ee aad i waydiisay waxaan xukuumadda ku eedaynayay in khalad ku xayirtay HUBAAL & HAATUF, Laakiin Aniguba shaqaale dawladeed ayaan ahay, haddana waanigaa ka hadlaya khaladkeedda….” Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA.

Weriyihii BBC-da ee Doodda Qaybinayay Oo Ay Fashilisay Dheelligii Qaybinta Doodda Oo Xaaraantinimeeyey anshaxa saxaafadda iyo siyaasadda guud ee idaacaddaaas loogu talo galay

BBC-du waxa Ay Caddaysatay Dhex-dhexaadnimo La’aanta Iyo Cadaawadda Somaliland

Mobile-kaaga Ka Dhegeyso Fadeexadda Ka Dhalatay Dood Dheelli Ah Oo Ay Idaacadda BBC-du Shalay U Qaybisay Suxufiyiin Reer Somaliland Ah & Kuwo Ka Socday Soomaaliya

Hargeysa (Hubaal)- Laanta Afsoomaaliga ee Idaacadda BBC-da ayaa shalay  ku kashifantay dood ay qabatay oo ay isku mideynaysay wadciga iyo duruufaha Saaxafadda Somaliland iyo Soomaaliya ku sugan yihiin, waxaanay si khaldan  iskugu lammaaneeyeen dhibaatooyinka haysta saxaafadda labada dal.

Doodan oo uu daadihinayay  Weriye Axmed Cabdi Nuur, ayaa ku fashilmay inuu si siman ugu qeybiyo hadalka  ka qayb galayaashii doodad oo ka koobnaa afar qof, kuwaas oo ka kala socday Somaliland iyo Soomaaliya, oo kala ahaa Guddoomiyaha ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf, Guddoomiyaha Wargeysyada Dawliga ah ee Somaliland ee  DAWAN Maxamed Cismaan Mire (Sayid),  halka Soomaaliya ay ka socdeen Cali Muuse Cabdi iyo Cumar Aadan Qaadi.

Dooda oo dulucdeedu u badnayd hadimooyinka iyo duruufaha adag ee haysta Saxaafadda Soomaaliya, ayaa labadii qof ee ka socday waxa Weriyihii doodan daadihinayay uu siiyay illaa min afar jeer oo ay si waadix ah u bayaamiyeen wixii ay ka hadlayeen, Iyadoo uu waliba su’aalo  dheeraad ah ka sii weydiiyay macluumaadkii ay u sheegeen, hase yeeshee waxa uu labadii Suxufi ee ka socday Somaliland  ka maanacay inay helaan fursado ay ku hadli karaan. Markii  bilowgiiba hadalkoodii ay uga dhadhantay inay ka biyo diidsan yihiin sida uu labada wadan  oo duruufo kala duwan ku sugan uu  ku mataaneynayo.

weriyeyaashaGuddoomiyaha  DAWAN Media Group Maxamed Cismaan Mirre (Sayid) ayaa ugu horayn ku dhaliilay Weriyihii BBC-da inuu isku milay saxaafadda Somaliland iyo Soomaaliya oo aan isku mustawe ahayn marka la eego dhinaca madax-banaanida iyo gudashada waajibaadkooda shaqo, waxaanu yidhi “Imika  siday doodu u dhacayso waxaan dareemayaa  in doodu ay ku saabsan tahay Saxaafadda Soomaaliya dhibaatooyinka haysta iyo dhaqammadda halkaas yaalla, laakiin annagu haddii aan u soo noqdo arrintayadda Somaliland way ka duwan tahay Soomaaliya . sababta oo ah Somaliland waa dal sharci iyo nidaam ka jiro. Annaga xoriyadda saxaafadda waxaan odhan karayaa waa ta ugu horaysa geeska Afrika ama Afrika guud ahaan-ba. Hargeysa waxa ka soo baxa 15 Wargeys wax allaale iyo wixii ay doonaan ayay qoraan way madax banaan yihiin. cid ku kaantaroosha iyo cid ku qabsataa midna ma jirto, haddii aanay la iman warar been abuur ah oo anshixii saxaafadda ka baxsan haddii ay baahiyaan waa ay dhici kartaa in lagu qabsado.”

“Somaliland Saxaafad la qabsadaa oo lagu xad-gudbaa ma jirto,  haddii aanay  la iman iyagu waxyaabo ka baxsan hab dhaqankii saxaafada, haddii ay baahiyaan wax ka baxsan anshaxa saxaafadda oo been abuur ah  way dhici kartaa in la qabsado,”ayuu yidhi Mr. Sayid.

Guddoomiyaha DAWAN oo ka hadlayay wargeysyadda Xayiran ee Hubaal iyo Haatuf, waxa uu xusay inay u xayiran yihiin xukunno maxkamadeed oo ka dhashay dacwado lagu soo oogay, isaggoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Wargeysyaduna waxa ay ku xayiran yihiin xukun maxkamadeed,  mid walbana  cid baa dacwaysay ay wax ka qoreen, dacwad ayaa lagu helay dabadeedna waa la xukumay.”

Intaas ka dib waxa uu daadihiyihii doodu uu isagoo hadlaya khadkii ka jaray  Maxamed Cismaan Mirre (Sayid), ka dibna  waxa uu hadalkii siiyay nin la yidhaahdo Cali Ciise Cabdi oo ah suxufi reer Soomaaliya ah oo degan Nairobi, waxaanu  weydiiyay waxa uu kaga jawaabayo qoddobadii uu soo qaaday Sayid, waxaanu ninkaasi ku jawaabay “Waxa uu ka hadlay Sayid waa nin dawladda u shaqeeya, markaa wuxuu inoo sheegay wixii dawladdu ay odhan lahayd, wax dhexdhexaad ahna kumuu hadlin.” Ka dibna waxa Weriye Axmed Cabdi Nuur uu ugu  sii jiibiyay tiraabtii Cali Muuse oo uu yidhi “Waa sidaas” mar dambena fursad umuu siinin Guddoomiyaha DAWAN inuu dooda kaalin ku yeesho.

Waxa uu sii watay qasdigii uu ka lahaa dooda uu qabtay oo dhinac u rarnayd waxaanu labadii nin ee ka socday dhinaca Soomaaliya oo kala ahaa Cali Muuse Cabdi  iyo Cumar Aadan Qaadi uu siiyay min afar fursadood oo ay u suurto-gashay inay waxay doonaan sheegaan.

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf oo fursad labaad uu siiyay daqiiqadii u dambaysay ayaa kashifay sida dooda BBC-du ay u tahay mid dhinac ka raran oo aan xirfad saxaafadeed hagaynin,  waxaanu farta ku fiiqay gal-daloolooyinkii xirfadeed ee daadihiyihii dooda, waxaanu doodaasi ku tilmaamay mid ka turjumaysa khaladaadka saxaafaddu ay gasho ee laga hadlayay, waxaanu yidhi  “Doodu way iga khaldan tahay oo waayo Cali Muuse Cabdi,  Cumar Aadan Qaadi ayaad aad ugu cel-celisay, annagana  Telefoonka  ayaad dhagta noo galisay oo aad nagu soo noqon wayday, barnaamijkaaga qudhiisa ayaa ka mida khaladaadka ay saxaafadu ay gasho, waxaanay ahayd in aad si siman u qaybiso  dooda oo aad dadka wax wada waydiiso oo aanad Telefoonka  nagu iloobin, inta aad dhagta noo galiso, midka kale waxa laga hadlay arrimo kale duwan arrimaha laga hadlayaa Soomaaliya wixii ah waa in iyaga aad gaar  u waydiiso oo aad dooda u qabato.”

Somaliland iyo Soomaaliya haddii ay ahaan lahayd arrin kale ayay ahaan lahayd, labo qodobna waan doonayaa in aan ka  hadlo midi waxa weeyaan ta Cali Muuse uu sheegay ee uu yidhi “Ninka dawlada u shaqeeyaa wax ba kama sheegi karo. Barnaanijka su’aashii ugu horaysay ee aad i waydiisay waxaan xukuumadda ku eedaynayay in khalad ku xayirtay labadaas wargeys, aniguba mushahar ayaan ka qaataa dawladda oo shaqaale dawladeed ayaan ahay, haddana waanigaa ka hadlaya khaladkeedda,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA.

Xasan Maxamed Yuusuf waxa uu sheegay in Saxaafadda Somaliland madax-banaani taam ah ay haysato halka Xamar xabad la isla dhaco, waxaanu yidhi “Haddii halkaa xabad la isla dhaco halkan (Somaliland) kama jirto xaaladaasi oo waanu ku celcelinaynaa, arrinka kale  ee yaalaa waxa weeye waxa uu sheegay in nabad sugidu ay farogaliso arrimaha saxaafadda  Soomaaliya, annaga Boolis waxaan ahayn ma aragno, nabad sugid saxaafadda faro-gelin ku haysaana Somaliland kama jirto. Haddii laga hadlayo wixii saxaafadda lagu saxayo waa arrin gaar ah  oo way kala duwan tahay Somaliland iyo Soomaaliya.”

Guddoomiyaha SOLJA Waxa uu tilmaamay in Suxufiyiintaq Somaliland marmarka qaarkood uu khalad ka dhaco, xukuumaddana waxa uu ku dhaliilay in xadhigu ka soo horeeyo sharciyaddii, waxaanu yidhi  “Waxa halkan yaalaanna waxa weeyaan khaladaad labadda dhinacba ka yimaada saxaafadda halkan joogtaana maaha dad malaa’ig ah  oo wax qora oo Khalad way sameeyaan, xukuumaddana khaladkeenna waan idiin sheegoo waa in xadhigii ka soo horaynayo sharcigii. Waxa jira khaladaad badan oo ka dhaca dalkayaga oo aanu dhamayno haddii aanu nahay masuuliyiinta ururka Saxaafadda, markaa culayska Soomaaliya saxaafadda ka haystaa, annaga xagayaga wuu ka sahlan yahay.”

Guddoomiyaha  DAWAN Media Group Maxamed Cismaan Mirre (Sayid) oo isna doodad hal mar la siiyey ayaa ugu horayn ku dhaliilay Weriyihii BBC-da inuu isku milay saxaafadda Somaliland iyo Soomaaliya oo aan isku mustawe ahayn marka la eego dhinaca madax-banaanida iyo gudashada waajibaadkooda shaqo, waxaanu yidhi “Imika  siday doodu u dhacayso waxaan dareemayaa  in doodu ay ku saabsan tahay Saxaafadda Soomaaliya dhibaatooyinka haysta iyo dhaqammadda halkaas yaalla, laakiin annagu haddii aan u soo noqdo arrintayadda Somaliland way ka duwan tahay Soomaaliya . sababta oo ah Somaliland waa dal sharci iyo nidaam ka jiro. Annaga xoriyadda saxaafadda waxaan odhan karayaa waa ta ugu horaysa geeska Afrika ama Afrika guud ahaan-ba. Hargeysa waxa ka soo baxa 15 Wargeys wax allaale iyo wixii ay doonaan ayay qoraan way madax banaan yihiin. cid ku kaantaroosha iyo cid ku qabsataa midna ma jirto, haddii aanay la iman warar been abuur ah oo anshixii saxaafadda ka baxsan haddii ay baahiyaan waa ay dhici kartaa in lagu qabsado.”

“Somaliland Saxaafad la qabsadaa oo lagu xad-gudbaa ma jirto,  haddii aanay  la iman iyagu waxyaabo ka baxsan hab dhaqankii saxaafada, haddii ay baahiyaan wax ka baxsan anshaxa saxaafadda oo been abuur ah  way dhici kartaa in la qabsado,”ayuu yidhi Mr. Sayid.

Guddoomiye Sayid waxa uu sheegay in TV-ga Universal shaqadii looga joojiyay markii uu ka baxay heshiisyadii uu la galay wasaaradda warfaafinta, waxaanu yidhi “Telefishanka Universal wuu xayiran yahay sababtoo ah Telefishanka Universal wasaaradda warfaafinta heshiis ayuu  la galay qodobadiisu ay cadcad yihiin. Heshiiskaasu waxa uu sheegayaa qaabka loo wada shaqaynayo.  Telefishankaasi   iyagaa  laba iyo saddex jeer in ka badan ka baxay heshiiskii ay la galeen xukuumadda. Markii ugu dambaysana ee la xayirayna waxa uu baahiyay barnaamijyo meelna aan  ka soo galin mihnadda saxaafadda oo dhaqan xumo ah oo dagaal ah oo ka  dhan ah Qaranimadda Somaliland oo uu ku aflagaadaynayo Madaxweynaha Somaliland, waxaanu ku xayiran yahay dambi uu galay.”

Guddoomiyaha DAWAN oo ka hadlayay wargeysyadda Xayiran ee Hubaal iyo Haatuf, waxa uu xusay inay u xayiran yihiin xukunno maxkamadeed oo ka dhashay dacwado lagu soo oogay, isaggoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Wargeysyaduna waxa ay ku xayiran yihiin xukun maxkamadeed,  mid walbana  cid baa dacwaysay ay wax ka qoreen, dacwad ayaa lagu helay dabadeedna waa la xukumay.”

Intaas ka dib waxa uu daadihiyihii doodu uu isagoo hadlaya khadkii ka jaray  Maxamed Cismaan Mirre (Sayid), ka dibna  waxa uu hadalkii siiyay nin la yidhaahdo Cali Ciise Cabdi oo ah suxufi reer Soomaaliya ah oo degan Nairobi, waxaanu  weydiiyay waxa uu kaga jawaabayo qoddobadii uu soo qaaday Sayid, waxaanu ninkaasi ku jawaabay “Waxa uu ka hadlay Sayid waa nin dawladda u shaqeeya, markaa wuxuu inoo sheegay wixii dawladdu ay odhan lahayd, wax dhexdhexaad ahna kumuu hadlin.” Ka dibna waxa Weriye Axmed Cabdi Nuur uu ugu  sii jiibiyay tiraabtii Cali Muuse oo uu yidhi “Waa sidaas” mar dambena fursad umuu siinin Guddoomiyaha DAWAN inuu dooda kaalin ku yeesho.

Waxa uu sii watay qasdigii uu ka lahaa dooda uu qabtay oo dhinac u rarnayd waxaanu labadii nin ee ka socday dhinaca Soomaaliya oo kala ahaa Cali Muuse Cabdi  iyo Cumar Aadan Qaadi uu siiyay min afar fursadood oo ay u suurto-gashay inay waxay doonaan sheegaan.

Weriye Axmed Cabdi Nuur oo loo tirinayay inuu shaqaalaha idaacadaasi inta joogta uu ka mid yahay kuwa ugu waayo-aragsan ayay doodaasi fashilisay dhexdhexaad la’aantiisa isla markaana ay ummadda u bayaamisay sida aanu u xaalaynaynin anshaxa saxaafadda iyo siyaasadda guud ee idaacadda BBC-da oo loogu tallo galay inay si xirfad leh oo dhexdhexaad ah ugu shaqayso bulshooyinka Soomaalida ku dhaqan mandaqadda Geeska Afrika.

cats

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here