Raadraac Sooyaalka 18-ka May. W/Q: Maxamed Baashe

0
143

Raadraac Sooyaalka 18-ka May

-Taariikhdu waynoo musbaax maanka caawimo’e

-Adoo male gudaayaad yaqiin marar ku gaadhaaye

-Makaankaaga waa inaad taqaan melba waxa yaal!

(Xaaji Aaadan Axmed Xasan (Afqallooc)

“Ummad aan taariikh sugan lahayni waa ummad aan jiritaan sugan lahayn”! 18-ka May waxay ku suntan tahay: ka guurka himiladii is-raac ee Hargeysa iyo Muqdishoi yo ka-hadh-galka raad-goobkii midnimada Soomaaliweyn, waxa aanay u taagaan tahay: gooni-isu-taagga iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland. 24 guuradeedii ayaynu u dabbaaldegaynaa. 18-ka May cir-ka-soo-dhac suke ah oo kelideed meel taagan ma aha. Isirro taariikheed iyo abtirsi awoowayaal hore leh ayaa sinjiga iyo sawraca jiritaankeedu ka soo jeedaa. Waa sooyaal xidhiidh fog la leh oo shafka ku haya jiritaanka ummadda Somaliland ku dhaqan min bariga shishe gobolka Sanaag iyo galbeedka Awdal iyo Salal, iyo inta ka dhax leh.

beertaDhowaan uun bay ahayd kolkii la daahfuray godad-taariikheedka Laasgeel (Hargeysa iyo Berbera u dhaxaysa). Khuburada degel-baadhku, waxa ay 2002-dii ka tibaax bixiyeen waxyaalaha fanka iyo farshaxanka ah ee dhagxaanta sula’ la qoray ka soo jeeda ee Laasgeel laga helay uu tirsi-taariikheedkeedu ku eg 8,000 – 10,000 sannadood. Tagtadaas guunka ah ayay 18-ka May afka saaraysaa oo minjaheedu ka soo jeedaan.

Dadkeennu xoolo-raacato ayuu ahaa la guurguura gedgeddoonka cilmilada iyo waayaha nololeed kufaa-kacyadiisa. Dhaqankeenna hadlaaga oday-ka-sheekeega ahi, waxa uu isku raacsan yahay in xagga badda iyo Maakhir Coast-ta gobolka Sanaag laga soo degel kacay sannado hore oo oogada sare loo soo hayaamayey, taas oo raadadkeedu weli sii muuqdaan.

Aragtiyo kale oo ajanebi badani isla oggol yihiin na waxa ay hoosta ka xarriiqayaan in dadka Soomaalidu iyaga oo ka mid isirka Reer Xaam, Nebi Nuuxna ku abtirsadaa ay ka soo hayaameen buuralayda Kawkaasiya ee waqooyiga Iiraan iyo Mesobataamiyada Ciraaq gu’yaal aad fog.

Baadhitaannada taariikheed ee laga soo dheegtay waxyaalaha ubucda dhulka laga qadaa, waxa ay muujinayaan in xeebaha dhulkeenna la degganaa oo ooshu fadhiday ilaa xilliyadii bilowga ahaa ee taariikhda aadanaha inta la hayo. Waxa kale oo la hayaa raadad iyo muuqaallo kale oo ka soo jeeda casrigii Dhagaxa.

Raadadka ugu faca weyn ee la hayaa waxa ay ka soo maaxayaan ilo-taariikheedka dunida ugu da’da weyn ee Faraaciintii Masaarida. Xeebaha waqooyi iyo bariga badda cas ayay Faraaciintu la lahaayeen ganacsi ku taxmaya waxyaalaha udugga ah ee fooxa iyo beeyadu ka midka yihiin. Waxa na geyigaas ay ugu yeedhi jireen “Dhulkii Udugga” ama “Ilaahyada” ama “Awoowayaasha” iwm.

Finniiqiyiintii Reer Shaam, Yuhuuddii Bariga Dhexe iyo Hunuudda, ayaa xilliyo dambe xidhiidh baayacalmushteri iyana Soomaalida la yeeshay. Ilbaxnimooyinkii Giriigga iyo Roomaanka, ayaa laftoodu degaannadeenna ku soo dacal-dhebayey laga soo bilaabo xilligii Alaxender. Waxa dhigaallo ammuurtaas ka hadlaya laga heli karaa Tusihii Gacan-qabsiga Badda Eritrea oo la qoray sannadkii 40-kii, Buuggaasi waxa uu dadka xeebahaas ku nool ugu yeedhayaa Berberi.

Xilliyadii dhexe iyo soo ifbixii diinta Islaamka iyo fiditaankeedii ayaa raadad badan laga hayaa. Culimadii Carbeed ee diinta fidinaysay, ayaa maamulladii ugu horreeyey ka yagleelay magaalooyinka xeebaha ku yaalla Saylac (Awdal), Berbera

(Saaxil) iyo Bullaxaar. Ilaa qarnigii 15aad, suldaanno Carbeed ama suldaanno Carabta ku xidhan, ayaa arlada ka talinayey.

Qarnigii 16aad, Boortaqiiska oo Boqortooyadii Abasiiniya foodsaaro ka dhiganaya ayaa gobolka Geeska Afrika soo galay, jebiyeyna kacdoonkii Islaamiga ahaa ee Axmed Ibraahim Alqaasimi (Axmed Gurey)

Qarnigii 17aad, waxa ay Soomaalidu taageero ballaadhan ka heshay boqortooyadii Cismaaniyiinta ee Turkiya, ilaa iyo qarnigii 19aad ayaanay Cusmaaniyiinta geyigeenna dusha ka ilaalin jireen, tiiyoo Masaaridu wakiil uga ahayd. Raadadka ay Turkigu waddankeenna kaga tageen waxa ka mid ah Biyaha Dubaareed ee Berbera. Dubaar waa erey Afka Turkiga ka soo jeeda oo la macne ah Derbi. Masaajiddo uu ka mid yahay masjid Jaamaca Berbera ayaa muuqaallada kale ka mid ah.

1869 waxa la furay kinaalka Suways, taas oo sii dhiirrigelisay damacii gumaystayaasha reer Yurub iyo kacaankoodii wershadaha ee xilliyadaas dunida ka calanwallaynayey. 1839 waxa ay ku beegnayd qabsashadii Cadmeed ee Ingriiska, taas oo iyana ahmiyad xeel-qorsheed ama istraatiijiyadeed siisay xeebaheenna oo noqday marin isku xidhaya Mustacmaradaha Ingiriis ee Yemen iyo Hindiya, iyo dhinaca kale irrid Afrika laga galo.

1854 waxa booqashooyin iyo sahan dhulkeenna ku yimi Sir Richard Burton oo ilaa Herer ku sinmay. Kulamo badan buu Ingiriisku la yeeshay salaadiintii Somaliland. Aakhirkiina waxa dhex martay mucaahadadii caanka ahayd ee saanta lagu kala saxeexday. Waxyaalaha lagu heshiiyey na waxa ka mid ahaa:

  • In Ingiriisku ilaalin doono dhulka Somaliland
  • Inuu suuq geynayo oo ka iibsanayo hilibka iyo xoolaha nool ba
  • In aanu faro gelin doonin arrimaha gudaha, sida diinta, dhaqanka iwm
  • In aanay haweenkiisu geyigeenna ku ummuli karin, qofka ka geeriyoodana aan lagu xabaali karin
  • In uu ka guuri doono xilliga ay ka codsadaan

Waxa xusid mudan in Ingiriisku ka baxay heshiiskaas muddo yar ka dib, isaga oo jebiyey qodobkiisa koowaad. 1897 ayuu si hoose u bixiyay qaybo ka mid ah dhulkii lagu la heshiiyay inuu ilaaliyo. Feb 1954-kii na, waxa dhulka Hawd iyo Researve Area si rasmi ah ugu wareejiyay Boqor Xayle Salaasihii Itoobiya. 5-tii Feb 1955, waxa booqasho garnaqsi ah oo arrintaas ku saabsan London ku tegey wefti ay hoggaaminayeen laba suldaan oo kala ahaa:

  • Suldaan Cabdillaahi Suldaan Diiriye
  • Suldaan Cabdiraxmaan iyo labada siyaasi oo kala ahaa:
  • Maykal Maryaano iyo
  • Cabdiraxmaan Cali Maxamed (Dubbe Cali-yare).

Waxa xubnaha weftigaas Ingriiska culays ku saarayeen in Hawd la soo celiyo iyo in gobannimo la siiyo. Gobannimo keliyaa se loogu ballanqaaday.

Inkasta oo heshiiskaas cuqaasha iyo Ingiriiska dhexmaray xeeldheeraani ka muuqatay waagaas, haddana waxa uu noqday mid wada qancin waaya dadkii xilligaas noolaa.

“Berberi Wax Go’ Lagu Qaado Ka Weyn” ayay jawaabtii shacbigu noqotay.

Faarax Nuur oo ka mid ahaa afhayeenkii dareenka shacbiga ayaa dharaartaas lahaa:

-Waa duni la kala iibsadoon nala -ogaysiine

-Waa duni akhyaartii luntoo aaran soo hadhaye

-Orgigaa riyaha taabaxoo oodda faaliga’e

-Waa duni hablii la arki jirey aqalka diideene

-Aan se ila ah aakhiro sebaan iligyadiisiiye

‘Nimanyahaw Isaaq xaajadaa la la aguugaayo

-Odayaasha loo geynayee la anfacsiinaayo

-Haddaad niman Islaamiya tihiin Aadan Faraciisa

-Oo aydaan Ilaahay ka go’in ha ina oodina’e

-Asaxaabihii bayna yidhi gaal ha aaminine

-Hadduu awrka dooxada ku furo eel kalaa xigiye

-Waar inaga daaya yaynaan ku dhicin bahal afkiisiiye!!

1887 (128 sannadood hadda) ayaa Ingiriisku gacanta ku dhigay Somaliland, kana sameeyey mustacmarad uu danahiisa ku ilaashado.

-“Dagaalkii Nasaarada anaa daalib ku ahaaye

-Daliilkii Rasuulkii anaa doonayoo helaye

-Anaa diiday gaal daacufle ah daba galkiisiiye

-Dalka ma lihid anigaa ku idhi doora-weynaha’e

-Anaa diidey maantuu lahaa deeqdan iga hooey

-Diintayda anigaan ku gadan dabaqi naareede

-Anaa labada daarood tan hore derejo moodayne”!

(Seyid Maxamed Cabdille Xasan)

Ingiriiska kolkiiba waxa ku kacay dad badan. Seyid Maxamed Cabdille Xasan, ayaa abaabulay kacdoonkii ugu horreeyey, ugu na weynaa ee Somaliland ka hanaqaada, kuna fida dhulalkii kale ee Soomaalida.

1899 – 1921, ayuu Seyidku siyaalo kala duwan guluf weyn iyo dagaallo yaab leh Ingiriiska galaabixiyey. Ciidankii Daraawiishta oo noqday ciidankii ugu horreeyay ee dayaarado gumaysigu kula dagaallamo Afrika, ayuu Seyid Maxamed gabay iyo xoog hubaysan ku dagaal geliyey muddo ka badan 20 sannadood. Taageeradii uu u baahnaa ayuu ka waayey shacadka intiisa badan, ka dib saluug badan oo salka ku hayey sidii uu Seyidku wax u maamuli jirey, teedna isaga oo aan hadafkiisii gaadhin baa la jebiyay.

-“Coomaaddayaal duulayay Cadan ka keeneene

-Cirka iyo dhulkii bays qabsaday -cadhadhaqdoodiiye

-Adigu ba caqlaad leedahaye carar maxaa dhaama”?!

(Seyid Maxamed Cabdille Xasan)

1921 ayuu Seyid cudurka duumada ee kaneecadu keento ugu geeriyoodey Iimay ku taalla daanta galbeed ee shishe qawyada uu maro webiga Shabeelle ee dhulka Soomaalida ee Itoobiya haatan hoos taga.

Isma uu taagin kacdoonkii Ingiriiska ka dhanka ahaa, waxaana shidantay oog-dhamaceeddii halgankii xornimo-doon ee siyaasiga ahaa.

Xaaji Faarax Oomaar Ileeye ayaa dhammaadkii 1910-nadii bilaabay abaabul dhaqdhaqaaq siyaasi ah oo hoosta ka xarriiqayey xaqa dadkiisu u leeyahay in uu aayihiisa ka tashado. Gulufka Daraawiishta iyo halganka siyaasiga ah ee Faarax Oomaar way isa gaadheen, hase yeeshee Faarax qalinka iyo qawl ku-dagaallan ayuu ahaa, halka uu Seyid Maxamed Cabdille Xasan seef iyo qori ku gayllan ka ahaa.

-“Hayaay na cunyeey, naga soo gaadhaay”! iyo

-“Dadkaygu wuu ka itaal yar yahay in la rarto

Dalkayguna wuu ka yar yahay in la kala qaybiyo”! Ayaa ka mid ahaa hal-ku-dhegyadiisa siyaasadeed.

Xaaji Aadan Axmed Xasan (Afqallooc):

-“Da’dii uu ahaa Faarax baa jeelka loo diray

-Loo diid durriyadduu dhaliyo duunyaduu dhaqaye

-Haaddeeruu sidii dawri aar dibedda meeraayee”!

Xaaji Faarax waxa uu ahaa ninkii indhaha u jeexay ee laangooyada u sameeyey waddada dawladnimada casriga ah ee Somaliland ee aynu maanta jidkeeda haynno. Isaga ayaa ka dambeeyey oo lahaa yagleelkii khayriyadaha magaalooyinka Burco, Hargeysa iyo Berbera oo noqday halkii ugu horraysay dareenka wadareed ee halganka xornimo baafintu ka bilaabmay.

Xaaji Faarax Oomaar Jeel iyo masaafuris ayuu noloshiisa ku dhammaystay.

Xilliyadii dagaalkii labaad ee dunidu sii dhammaanayey, ayaa Sheekh Bashiir Yuusuf ka kacay magaalada Burco. Sheekh Bashiir, waxa uu ku dhashay xero Daraawiisheed oo aabbihii Yuusuf Fiqi Xasan ayaa ka mid ahaan jirey hormoodkii Daraawiishta. Sidaas awgeed, dagaal ka-fool-ka-fool ah, ayuu ku dhawaaqay in Ingiriiska lala galo. Culimadii Burco ayuu shiriyey, kuna boorriyay in ay halgan u diyaargaroobaan.

Culimadii baaqa sheekha way ka warwareegeen, waxanay u sheegeen in ay Alle ka baryi oo quraanka akhriyi si gumaysigu uga kaco. Xigmad culus iyo halhays buu Sheekh Bashiir ka tegey:

Bilaale ayuu soo qaaday oo culimadii dhex dhigay oo ku yidhi “ku akhriya 30-ka jis ee qura’aanka oo bilaalahaas ku jebiya”! kolkii ay cabbaar ku akhriyeen, ayuu bakooraddiisii inta uu qaaday yidhi “ Bismillaah” oo dhalfiifaha kaga dhigay oo bilaalihii laba ugu kala jebiyey, waxaanu yidhi ka dib “Wadaadow ficilka iyo bisinku way wada socdaan”!!

Xaaji Aadan Axmed Xasan (Afqallooc):

-“Duhur baa Bashiir la shannaqay daar agtiinna ahe

-Dahriga iyo laabtay raasaas kaga daloosheene

-Damal la hadh gala bay jabsheen waqaay dulloobaane”!

Sheekh Bashiir dagaal carcaro qaba ayuu Burco Ingiriiska kula galay, ugu dambayna waa lagaga xoog roonaaday, waxaanu galay Buur-dhaab oo lagu dilay isaga oo gaylan diriraaya.

 

La soco qaybta 2-aad

Qalinkii: Maxamed BAashe Xaaji Xasan

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here