Qunsulka Turkiga u fadhiya Hargeysa oo Kulan gaar la yeeshay Wasiirka Khaarajiga Somaliland

0
27

Hargeysa(Hubaal):- Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr. Maxamed Biixi Yoonis iyo Qunsulka dawladda Turkiga u qaabbilsan Xafiiskeeda Somaliland Muzaffer Yuksel, ayaa maanta kulan gaar ah ku wada yeeshay Xafiiska Wasiirka ee Xarunta Wasaaraddaas ee magaalada Hargeysa, waxaanay kaga wadahadleen kulankaas arrimo kala duwan.
Waxaa Kulankaas dhex-maray Qunsulka Turkiga Hargeysa u fadhiya iyo Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland, War-Saxaafadeed lagu faahfaahiyey ujeeddadiisa ka soo saaray Afhayeenka Wasaaraddaas Suxufi Siciid Cali Muuse, waxaanu qoraalka War-Saxaafadeedkaas oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska Hilaacmedia ee magaalada Hargeysa udhignaa sidan:-

 

QUNSULKA-TURKIGA-U-FADHIYA-SOMALILAND-OO-LA-KULMAY-WASIIRKA-ARRIMAHA-DIBEDDA1111-300x224
“06/07/2014- Maanta oo Axad ahayd Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis, ayaa Xafiiskiisa ku qaabbilay Qunsulka Guud ee Turkeyga u fadhiya Somaliland, Muzaffer Yuksel. Booqashada Yuksel ee Wasaarada Arrimha Dibedda ayaa la xidhiidhay is-barasho, waxaana laga wadahadlay xidhiidhka Turkeyga iyo Somaliland.
Arrimaha kale ee laga wadahadlay waxa ka mid ahaa Mashaariicda dawladda Turkeygu ka fulinayso Jamhuuriyadda Somaliland, oo ay Cusbitaalladu ka mid yihiin iyo Mashaariic kale. Qunsulka Guud wuxuu halkaas ka sheegay in intii uu joogay Somaliland uu wax badan oo aanu hore u ogayn haatan ogaaday, kuna faraxsan yahay joogitaanka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Arrin kale oo labada geesood isla soo qaadeen waxay ahayd sidii loo dedejin lahaa xafiiska Xoghaynta ee Somaliland ee dalka Turkeyga xafiiskaas oo qaabilsan wadahadalada ka dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.
Munaasabada waxa joogay Wasiir ku xigeenka Arrimaha Debeda, Mowleed Mohamed Ibrahim iyo Safiirka Somaliland u magcawday dalka Turkeyga, Ali Ahmed Osman, oo la filaayo in uu dhowaan ka hawl galo dalka Turkeyga.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here