Tan iyo waktigii aynu ku dhwaaqnay dib ula soo noqoshada xoriyadeena waxa aynu ku dadaalaynay sidii indhaha beesha caalamka u soo jiidan lahayn, isla markaana uga uga dhaadhacin lahayn qadiyadeena madax banaanida, taas oo ah go,aan shacbi oo lagu wada midaysan yahay, dhamaan xukuumadihii hogaanka dalka isaga danbeeyeyna waxa ay geed dheer iyo geed gaabanba u koreen, gaadhsiinta qadiyada Somaliland daafaha caalamka, hamiga kowaad ee shacabka iyo dawlada somaliland waa sidii aynu aqoonsi buuxa ugu heli lahayn dunida, Somaliland wax in badan caalamku qadiyadeeda ka caga jiido, hada waxaa muuqata in ay khasab ku tahay inay u soo jeestaan oo ay dhagaystaan, laga soo bilaabo xukuumadii uu hogaaminayey alla ha u naxariistee marxuum maxamed xaaji ibraamih cigaal,xukuumadii ka danbaysay eee madaxweyne riyaale iyo xukuumada u haatan madaxda ka yahay madaxweyne axmed siilaanyo, dhamaantood waxa si adag uga shaqaynayeen sidii xidhiidho fiican ula yeelan lahaayeen wadamada caalamka gaar ahaan kuwooda ugu muhiimsan, labdii xukuumadood ee horena waxa u suura gashay inay xidhiidho wanaagsan la bilabaan wdaamada qaar ka mida qaarada yurub iyo africaba , tan iyo markii xukuumadan haatan aynu doooranay waxaa soo ifbaxay xidhiidho fara badan oo wadamo badan oo aduunka ahi ay la yeelanayaan wadankeena Somaliland,taas ayaa ka turjumaysa sida Somaliland ay wax badan isaga badaleen, wakhtigan bishii ugu yaraan dhowr iyo toban wafti oo culus ayaa dalka yimaada, kuwaasi oo qaarkood ay u socdaan sidii ay wax ugu ogaan lahaayeen xaalada Somaliland halka qaar kalana ay hawlo shaqo oo isugu jira maalgashi iyo horumarin ay u yimaadaan, intii xukuumada madaxweyne siilaanyo xilka haysay, indhaha caalamku waa qaar u soo jeeda arimaha Somaliland, siyaasada firfircoon ee arimaha dibada Somaliland ee uu hogaamiyaha u yahay madaxweyne siilaanyo ayaa horseed u ah in caalamku maanta u soo jeedsado Somaliland, hadaba qulqulka wufuuda culculus ee imanaya wadanka ayaa waxa ay cadayn cad u yihiin horumarka siyaasada arimaha dibada iyo siyaasad wanaaga xukuumada madaxweyne axmed maxamed maxamuud siilaanyo.
Qalinkii:Nimco Nuur