Taxanaha Horumarka Uu Ku Tallaabsaday Madaarka Cigaal International Ee Caasimadda Hargeysa……Qormada 5aad
Ilaalinta Ammaanka Madaarka, Diyaaradaha, Rakaabka Iyo Guud Ahaan Madaaraddu waxa ay u baahan yihiin in si qoto dheer wax looga qabto, gaar ahaan Somaliland oo ku taalla mandaqad xasaasi ah dhinaca amnigu waxa ay keentay in Wasaaradda Duulistu waxqabad aad u ballaadhan ka samayso sidii loo sugi lahaa xaaladda Ammaan ee Madaarka (Security and Safety) iyada oo la hir-geliyey adeegyo aad u badan oo lagu sugay xaaladda Amni ee Madaarka. Sooyaalka Taariikheed ee Madaarka Hargeysa ee dhinaca amniga haddii aynu milicsano, Madaarka Hargeysi ma lahayn waxqabad dhinaca amniga ah oo laga sameeyey Madaarka iyo socodsiinta hawlaha iyada oo wixii ka horreeyey sannadkii 2011 uu Madaarku ahaa mid aanay sugnayn xaaladdiisa ammaan.
Tusaale ahaan waxa Madaarka ka hawl gali jiray dhinaca amniga ciidamo Boolis ah oo kooban oo aan u tababarnayn baadhitaanada rakaabka, agabka ay sitaan iyo guud ahaan hawsha ka socota Madaarka. Waxa dhici jirtay in ay boolisku gacmaha ku baadhi jireen shandadaha iyo alaabaha rakaabku sitaan taasi oo keeni jirtay in rakaabku inta badan aad uga cawdaan agabkooda habka bannaan-yaalnimada ah loo fatashi jiray. Madaarka qaybihiisa kala duwani may xadaysnayn oo ma lahayn ilaalo gaar ah oo tababaran, Diraysyo Kala duwan iyo qalab casri ah oo loo adeegsado baadhitaanka rakaabka iyo agabka ay sitaan, sidoo kalena ma lahayn Kamaradaha lagula socdo dhaqdhaqaaqa meel kasta oo Madaarka ah. Waxa wakhtiyadaasi hore dhici jirtay in shaqaalaha madaarka, rakaabka iyo dadka eheladooda soo dhawaynayaa aanay kala xadaysnayn maadaama aanu madaarku lahayn dhismayaal iyo edegyo kala xadaysan oo qof walba meeshiisa qaabili kara.
Wasaaradda Duulista iyo Hawadu iyada oo ka duulaysa muhiimadda ay Madaarka u leedahay sugidda amnigiisu waxa ay isla markiiba diyaarisay oo tababaro adag siiyey shaqaale Aqoon sare leh (Qualified Employee) oo loo Carbiyey baadhitaanada, ilaalada ammaanka iyo guud ahaan adeegsiga qalabka wax lagu hubiyo laguna baadho. Dawladda Ingiriiska ayaa Somaliland ka taageertay shaqaalahaasi tababarkiisa iyo agabka ay ku hawl-galaan waxaanu mashruucaasi si rasmi ah u bilaabmay sannadkii 2011 waxaanu dhammays-tirkiisu barbar socday mashaariicdii horumarineed ee kale ee madaarka ka socotay. Shaqaalahan oo laga soo qaatay Ardaydii ka qalin jabisay Jaamacadaha dalka waxa ay Dawladdu u diyaarisay oo ay qaataan Mushahar wanaagsan. Golaha wakiilada ayaa isna soo saaray xeerka Takaaliifta Madaarrada oo mashruuca Sugidda Amniga Madaarrada lagu dhaaqaajiyey kaasi oo jidaynaya in qof kasta oo Madaarka ka dhoofaya laga qaado lacag dhan 10-dollar taasi oo u gaar ah ilaalinta Ammaanka Madaarrada qaranka.
Si aanu haddaba ugu kuur gallo xaaladda amni ee Madaarka waxa laga qabtay dhinacyada shaqaalaha adeegga amni, qalabka ay adeegsadaan iyo guud ahaan sugitaanka nabadgelyada Madaarka waxa aanu waraysi kala yeelanay Maamulaha Madaarka Cigaal International Airport Md. Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo faahfaahin ka bixiyey arrimo badan.
Is Barbar Dhiga Xaaladii Hore Ee Amaan Iyo Ta Maanta
Ugu Horrayn Maamulaha Madaarka Cigaal oo isbarbar dhig ku samaynaya xaaladdii Amni ee Madaarka ee wakhtigii hore iyo ta maanta waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan: “Xaaladda Amaanka wakhtigii hore ee madaarka iyo maanta sida uu yahay waxaa la odhan karaa faraq aad iyo aad u balaadhan ayaa u dhaxeeya, faraqaas oo aynu ku tilmaami karno mid uu maanta madaarku la jaan qaadi karo madaarrada adduunka, ama amaankiisu yahay mid lagu kalsoon yahay. Barigii hore madaarku waxa uu u shaqayan jiray hab gacanta wax lagu baadho, taas oo aad garan karto gacanta Bani-aadamka in wax seegi karaan ama uu wax waayi karo qofku, waxaana dhici jirtay qofku isaga oo Baaskoolad ama hub kale sita uu yimaado madaarka oo uu la dhoofo baadhinaatada aan lagu ogaan, marar badana dhacday in Dubai, Wajeer, iyo Jabuuti, markii ay dadkaa Hargaysa ka dhoofay ay mareen mishiimada wax lagu badho lagu qabtay Baaskoolad, Hub iyo Rasaas, maanta ALLE mahadii madaarkeenu waxa uu noqday mid amaankiisu caalami yahay oo lagu kalsoonaan karo.”
Hawl-Wadeenada Amaanka
Maamulaha Madaarka Cigaal Md. Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo ka hadlayay arrintani waxa uu yidhi: “Waxa maanta madaarku haystaa qalab aad u faro badan qalabkaas oo aynu kala mid nahay madaarrada kale ee adduunka, waxaynu haysanaa shaqaale xaga ammaanka ah oo u tababaran shaqada ay qabanayaan, kuwaas oo tiradoodu gaadhayso ku dhawaad lixdan qof, waa hawl-wadeeno dhallinyaro ah waa Ardaydii Jaamacadaha wadanka, waa dad la odhan karo waxa ay haystaan khibrad, waayo aragnimo iyo aqoon ku filan shaqada ay ka qabanayaan madaarka. Amaankuna waa mid aanu maanta shaqaalahan kaga gami karno guud ahaan. Waa shaqaale qaata mushahar fiican oo sarreeya, oo hayadaha jira shaqaalahayagu waa kuwa ugu musharka sareeya ee Ammaanka qaabilsan”
Qalabka Baadhitaanada
Madaarka Hargeysa waxa laga hir geliyey Qalab casri ah oo lagu baadho dadka iyo agabkaba. Mar kale Maamulaha Madaarka Hargeysa oo arrintaasi sharraxayaa waxa uu yidhi: “Mishiinada iyo qalabka ay ku shaqeeyaan waa mishiimo Caalami ah oo kuwa shandaduhu dhex maraan ee laga dhex arki karo waxa ku jira, waxa iyana jira mishiino kale oo dadku dhex maraan oo moobilka iyo saacadda marka uu iska saaro hadii uu wax bir ah sito uu ku qaylinyo, waxa kale oo jira qalabka loo yaqaan ETD mishiinkaas oo ah kuwa qabta walxaha qarxa ee qofka waxyaabaha looga shakiyo ama mishiimadaas aan soo sheegay ku qayliyaan, oo waa marka qofka baadhitaan dheeraad ah lagu samaynayo qalabka la isticmaalo. waxaan odhan karaa maanta amaanka madaarkeenu waa mid aad u sarreeya, oo amaanka madaarka meel hoose oo aan waxba jirin ayaa laga soo qaaday, waa ta keentay in Diyaaradaha Caalamiga ahi inoo yimaadaan sida Ethiopian Airlines iyo kuwo kale oo maanta soo socdaaba.”
Qaabkee Dadka Dhoofaya Loo Baadhaa?
Waxa hadaba is waydiin mudan qaabkee dadka loo baadhaa? Su’aashaasi oo aanu wax ka waydiinay Maamule Maxamed Yuusuf Ismaaciil waxa uu ku jawaabay: “Qofka dhoofaha ah marka kadinka koowaad uu ka soo galo, baadhitaan buuxa ayaa lagu sameeyaa isaga iyo shandadahiisaba marka uu ka gudbo laanta socdaalka ee madaarka waxa hadana la mariyaa shandadahiisa mishiinka kale isagana waxa uu dhex maraa mid kale, iyada oo qofkaa la hubo isaga iyo qalabkiisa in aanay ku jirin wax khatar ah, ama sharci darro ah ayuu u gudbaa Terminalka laga dhoofo, maanta qalabka inoo yaal waxaa la odhan karaa waa kuwa yaalla Heathrow Airport, waxaa nagu caawisay Dawladda Ingiriiska.”
Nidaamka Iyo Kala Dambaynta
Maamulaha Madaarka Hargeysa Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo sharraxaya Nidaamka iyo Kaladambaynta hab-sami u socodka Madaarku waxa uu yidhi: “Intii ka Horaysay Dhalashadii Xukuumaddan Madaxweyne Siilaanyo waxaa jirtay in aanu wax nidaam ahi ka jirin gudaha Madaarka oo dadka dhoofaya iyo kuwa soo dagayaaba, waxaa dhici jirtay in diyaarada hoosteeda loogu tagi jiray, taasi waxa ay sababi karaysay in Amaanka madaarku si yar khatar u galo, maadaama aanu madaarku wakhtigaa qalabkani oolin, taasi waxa ay ku tusaysaa in aan wax amaan ahi ka jirin madaarkan wakhtigaas diyaaraduhuna ay khatar weyn ku sugnaayeen. ALLE mahadii maanta waxaanu samaynay, qofka dhoofaha ah meel ay kaga hadhaan dadka sagootinayaan, ka soo degayana lagu soo dhaweyo oo madaarka gudahiisa ka baxsan, shaqaalahu waxa ay ku soo galaan madaarka Aqoonsi (ID-Card), Maamule illaa shaqaale oo ma soo gali karo qofku haddaanu dirays iyo kaadhkiisa sidan, waxaanu kala xadaynay qofka shaqaalaha ah ee hoolka dhoofayaasha ku qorani ma tagi karo hoolka soo degayaasha, oo qof waliba goobta shaqadiisa ah ayuu ka hawl galaa oo meel kale ma tagi karo, soc-socodkii iyo is dhexyaacii badnaa waanu joojinay qof wal oo shaqaale ah waxa uu sitaa kaadh uu xilkiisu ku yaallo, sidoo kalena calaamad midab ah dhinaca ku leh oo ka turjumaysa eeriyada uu gaadhi karo ee uu awooda u leeyahay, oo haddii uu tago meel aan meeshii lagu qoray ahayn, waxaa madaxa goobtaas uu arkayaa midabkaas markaas ayuu garanayaa in aanu qofkani meeshan uu joogo awood u lahayn inuu yimaado, waana laga kaxaynayaa,”
“Madaarku waxa uu lahaan jiray kadimo badan, balse hadda waxaa laga soo galaa hal kadin oo kali ah, halkaa kadina waxaa yaalla mishiinadaas baadhitaanka oo suuro gal maaha in qof aan la baadhin uu madaarka soo galo xitaa shaqaalaha iyo maamulka, waxaana aanu ka codsanaynaa Hay’adaha dawladda, kuwa madaxa banaan iyo kuwa caalamiga ah in ay nagu garab istaagaan oo ay maraan baadhitaankaas sharciga ah marka ay yimaadaan madaarka oo waxaanu kala mid nahay madaarada aduunka.”
…..La Soco Qaybo Kale