Qollooca Iyo Qayb-qaybintu Waa Qaran Duminta Somaliland. By Mahad Cumar Siciid

0
59

Waxa aan marka hore salaamayaa dhamaan bahda saxaafada iyo akhristayaasha sharafta leh,salaan ka bacdi. Sida aad ka wada war qabtaan waxa ka socday Somaliland is qab qabsi u dhexeeya xisbiga kulmiye ee markiisa horaba ku dhisnaa khiyaamada ay fahmi waayeen shacabka reer Somaliland iyada oo markiisa horeba xisbigan loo soo galyey shaadh mujaahid oo been ah oo luugu talo galyey in kursiga lagu fuulo isla markaana Somaliland adhaxda laga jabiyo,hadii ay mujaahidiin tahay waxa mujaahidiina Mahadkornaylada kala ah Muuse biixi iyo MahadMaxamed Kaahin oo ay laabta u garaacayaa dad aan halgan iyo dhibaato mid na aan u soo marin hogaaminta qarankan Somaliland, shacabka waxa aan leeyahay abaal ma lihidin waayo waxa aad kala saari weydeen basaasiintii iyo halgamayaashii, wax maanta marag ma doon ah inay jiraan kooxo ku qadhaabta magaca xukumada oo shaadh kale xidhan oo doonaya in ay gacanta ku dhigaan xisbiga kulmiye hogaaminta qaran somlailand iyaga oo u jeedadooda koobaad tahay sidii la isugu celin lahaa riyadii burburtay ee somaliweyn, maanta waxa aad arkaysaa in ragii Somaliland u huray naftooda la baabiinaayo taariikhdoodii,sharafkoodii iyo magacoodiiba oo maanta u hanjabayaan guulwadayaashii Maxamed siyaad barre oo xidhan shaadh wasiirnimo iyo shaadhadh kale o qarsoon.
Maanta waxa aan leeyahay waxa bilaabantay qab qaybintii ugu dambaysay ee lagu kaco, inkasta oo aan wali da’ ahaan yarahay hadana waxa aan ka dhaxlay dadka waaweyn reer Somaliland taariikho fara badan oo ay ka mid tahay taariikhdii xiligi halgan laga soo horjeeday Maxamed Siyaad barre ee qaaxo la joogay, xiligaasi sida la sheeko waxa bilaabantay kala shaki,is khaarajin, marin habaabinta himilooyinkii ay SNM ku dagaalamaysay iyo in umada reer Somaliland la isaga horkeeno qabiil qabiil si loo fashiliyo himiladii iyo halgankii SNM.
Maanta waxa wadankii gacanta ku dhigay qolyo doonaya in ay wadanka ku soo celiyaan wixii laga dagaalamay isla markaana doonaya inay wadanka ku celiyaan halkii laga dagaalamay taasina wax marag madoon ah odaashii laga soo abaabulay ee ay xkumadu dabada ka waday ay ku doonayeen bulshada tushuush lagu furo.
Waxa aan leeyahay SNM waa halgamayaashii wadankan aad arkaysaa, hadii SNM qaldan tahay waa bani’aadam oo waa ay khaldami karaan laakiin waa in aynu xasuusanaa Halgankii iyo biimayntii ay u soo galeen wadankan iyo dadkiisa markii lagu yidhi ha hadlin,afarta seexo,guri dabaq ha dhisan,gaadhi ha kaxaysan,madaxweyne ma gaydid, waxa aan leeyahay ka baxa qabiil qabiilka ay abuureen cadawgu, waa in aad la dagaalantaa dulmiga kuwa,waa in aad u hiilisaan kuwa laga gardaran yahay.
Gabagabada waxa aan leeyahay waa in aad shacabka reer Somaliland u cadaalad samaysaan siyaasiyiinta maanta ku hirdamaya dushiina qabiilka iyo munaafaqadana ka dheerataan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here