Qandho iyo Qumbacasho Jacayl. W/Q: Sacad M. Aareeye

0
270

HOY IYO HAASAAWE
Picture 0041. Qandho iyo Qumbacasho Jacayl W/Q: Sacad M. Aareeye
Waxa uu si qurux badan uga soo qalin jebiyay iskuul,isaga oo darajo fiican ku baasay, waxaanu xiise badan u qabay inuu sii korodhsado waxbarashadiisa,isaga oo rabay inuu inta qayrkii ah ee aflaxday dhinac ka raaco.Waxa qorshaha ugu jirtay inuu caafimaadka barto oo uu noqdo dhakhtar magac iyo maamuusba leh oo la isku soo tilmaamo.Wiilkaasi oo lagu magacaabo Cali waxa uu ka galay jaamicad magaaladda Addis Ababa ee waddanka Itoobiya,gaar ahaan kulliyadda caafimaadka oo ahayd mid hore ugu sii qoondaysnayd.
Cali isaga oo si fiican oo qiimo leh u wata waxbarashadii iyo casharadiiba,ayaa waxa haleelay jacayl,waxaanu calanka u saaray Canab oo iyadu Addis Ababa u joogta arrimo dhoof oo ay in muudo ahba sugaysay. Canab waa gabadh illaahay u dhaliyay qurux,waana qalanjo qayrkeed kaga hormartay hubqaad alle u dhaliyay.Wiil kasta oo indhaha saaraa wuu ku dhaygagaa, indhahana wuu la siiraacaa oo hadday u suurto gasho oo uu afka la gaadho waxa uu isku dayaa inay is bartaan.
Cali kama duwana qayrkii oo damacaa iyo dareenkaa ayuu la qabaa,waxaanu nasiib u helay inay isbartaan Canab.Markii uu hallacsaday ee uu indhaha saaray ayuu si kaftan ah ugu yidhi tixdan gaaban oo ballaysin u noqotay xidhiidhkooda:
Mar wuu qandhoodaaa
Oo wuu yar qadh-qadhaa
Marna wuxuu u qushuucaa
Qalanjadan uu hallacsaday.

Wuxuu qawlsan ugu yidhi:
Qummaneey walaal
Waad I qiiro galisoo
Waan u qaadan waayay
Quruxdan iyo joogan
Qaadirkeen ku siiyeed
Qayrkaa aad dheertahee
Halkee baa ku qarisood
Intaa ku qarsoonayd?
Iyadda oo yaaban ayay soo eegtay wax ay ugu jawaabto ayay garan wayday wiilkan aan aqoon ee sifaheeda suugaanta ku cabbiray.Waxay isweydiisay tallow miyay u sii diyaarsanayd? Waxay haddana iskugu jawaabtay oo maadaa horeba u arkay wiilkan.
Dhinac way ka mabsuudsan tahay quruxdeedan uu dhig-dhigay.Dhinacna waxay isleedahay muxuu uga dan-leeyahay? Waxay ku tidhi waad mahadsan tahay. Halkaana waxa ka bilaabmay isbarasho xiiso leh.Durba magaca la isdhaafsay.Cali ayaa sooqadimay magiciisa, keedana wuu waydiiyay.Waanay u sheegtay,inkasta uu ku calaamadsaday Qalanjo.
Tilifoonadii la kala qoray markii cabaar la yar kaftamay,waanay is maca-salaameeyeen.
Haasaawe iyo iswaraysi kooban oo dhex maray habeenkii hore oo tilifoon ah,loo ballan in la soo xidhiidho.Oo Cali ma dayn karayaaba inuu la hadlo! Tilifoono dhawr ah ayuu u diray isaga oo aan wali waxba si ay fahmi karayso ugu sheegin.Tuducan ayaa Canab kusoo dhacay:
Tilifoonkan gacantee,
Galab walba soo dhaca
Maxaa looga gol-leeyahay!
Cali wuu fahmay inaanay wali si fiican u garan ujeedadiisa,waxaanu badka soo dhigay xiisaha iyo jacaylka uu u qabo,isaga oo u sheegay inuu jecel yahay inay haasaawe ballaysimaan. Dareen fiican oo soodhawayn ah ayay Canab ku qaabishay barbaarkan ereyada dabacsan sida daadka ah ugu soo horay.Kulan loo ballan,halkaana darka caasha laga durduuray oo hadduu markii hore Cali uun ku koobnaa,hadda Canab way la qabtaa dareenka oo fariimaha dhambaalada jacaylka xambaarsan ee ay dirayso malayn maysid.Waxay ku xidhan tahay dukaan lagu iibiyo heesaha oo kolba kuwii u dambeeyay ayay soo duubataa,si ay ugala soo dhex baxdo ereyo ay fariimaheeda ku ladho,si ay xiiso ugu yeesho dhambaaladeeda.
Ma diktoorkiibaa,waxa uu ahaa arday dedaal badan inta fasalka lagu jirana ka dhex muuqda oo macallimiintu si fiican u yaqaanaan,allena fahmo fiican siiyay,laakiin hadda waa lagu lammaan yahay oo sidii hore kuma aha wax akhriska iyo dedaalka.Waxa uu dabaalanayaa badweyn caashaq ballamo isdaba joog ahna wuu la qaataa Canab.Dareenka caashaq ee qalbigiisa ku duugan,ee uu la dubaaxinayo,dedaalkii casharkana kaga daahay ayaa sidaa faray
Waxa uu qorsheeyey jaamicadda oo ay inyar uga hadhsanayd marka uu dhameeyo inay is guursadaan Canab,sidaana aqal lagu dhisto taasi oo uu Canab usoo bandhigay laguna heshiiay
Ma maqli jirteen “Jacayl Xaasid ma waayo” Canab aabaheed ayaa ogaaday jacaylkan saldhigay ee dabarka goostay.Wuxu maqlay inay Canab wiil dhawaan guursan doonto, waddankiina ku guri gali doonto.Odaygii wuu xanaaqay,Ku-ye waa ayo wiilku?Loo sheeg.Waxa uu ku jawaabay reerQudhac ma guurbaa na dhex mari karaba,anaga oo ah reer Qansax.Waa qabyaaladii iyo quudhsigii Somali loogu daw galay.Cajaba Rabbi! Waxaanu go’aan ku gaadhay wiil ay Canab ilmaadeer yihiin oo degan isla waddanka ay ku socotay inuu u dhiso.Tilifoonkii laga qaad Canab loona sheeg inay marwo tahay oo haddii ay wiilka la sheegayo agtiisa ka wareegto oo ay sheeko ku darsato labada lugoodba laga jabin doono.

Canab oo niyad jabsan murugana ka muuqato ayaa ku calaacashay tixdan gaaban:
Waa dookhaygiiye
Maxaa la iigu diidi?
Maxaa la iila doontay
Mid aanan daalacan!
Qasab kula dadab gal
La iigu dilayaa?
Ma diktoorkiibaa,waa diyaar,waxaanu ku hawlan yahay qalin jabintiisa oo fooda ku soo haysay iyo sidii uu waddankii ugu laaban lahaa,halkaana uga bilaabi lahaa xirfadiisa cusub.Waxa uu se ka yaaban yahay Canab waxa ku dhacay ee tilifoonkeedii uu u dhici la’ yahay maalmahan.Wuxuu u hiloobay,codkeedii haraad tiri jiray.Beerkaba laf kamuu filan.
Wardoon tag Cali;waxaanu la kulmay Caasha oo ay Canab saaxiib ahaayeen.Iyana ku taabatay warkii dhiilada ahaa,ee aanu Cali meeshaba soo dhigan.Dhafoora qabsi iyo dhidid waawayn ayaa ka soo hadhay.Caashaqii aad dhisaysay,miyuu aayar dheeliyay ayuu ku dhawaaqay.Qalbigaagan dhaawacmay,miyaad dhisi karaysaa?Mooyi!
Isaga oo yaaban oo wixii uu yagleelayay ay kala yaaceen ayuu yidhi:
Aniga oo la diin ahoo
Dhaqan aanu daris nahay
Haddii la iigu dayrshay
Qabiilkayga daraadii
Waa gaf duug ah oon
Waligii duugoobayn!
Qalinkuna ha daabaco
Dulmigaan tirsanayo.

W/Q: Sacad Maxamed Aareeye
Email: aareeye2020@gmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here