Dunidan aynu ku noolnahay waxa ka socda horumar xawli ah oo dhinac walba ah. Horumarada ugu xawliga badan waxa laga gaadhaa dhinacyada Sayniska iyo Tignoologiyadda. Haddii
aad u fiirsato horumaradaas mararka qaar waxa kugu dhacaya yaab iyo fajac iyo u qaadan waa. Haddaba waxyaabaha ugu yaabka badan waxaa ka mid ah in ay dunida imika ka jirto in qofku sida uu doonayo uu iska dhigi karo isaga oo loo adeegsanayo qalliino casri ah oo ay dhaqtaro gaar ahi ku takhasusaan. Ma rumaysan kartaa in qof dhan sidaad ku ogayd laga baddali karo loona baddali karo sida uu hadba rabo iyadoo la adeegsanayo qalliin. Qalliinadan waxa loo yaqaan qalliinada isqurxinta “Cosmetic Surgery”. Waxa aanay qalliinadani ka yimaaddeen ama hoos yimaadaan qalliinada loo yaqaan “Plastic Surgery” oo ah qalliino lagu kaabo dadka dhaawacma shilalka gala ama gubta kuwaas oo loogu soo celiyo ama loogu hagaajiyo xubnaha dhaawacmay.
Haddaba aynu bal isla eegno waxa kala yihiin qalliimadan, sida ay u dhacaan iyo qaybaha ay u kala qaybsamaan.
Qalliinada kaabista “Plastic Surgery”: waa qayb ka mid ah caafimaadka oo qusaysa qalliino lagu saxo ama lagu hagaajiyo xubnaha bini’aadanka ee dhaawacma. Haddii aynu kala qaadno labada erey ee ay ka kooban tahay ereyga Plastic waxa uu asalkiisu yahay erey Giriig ah taas oo macnaheedu yahay kaabid ama dib u qaabayn. Ereyga kale ee Surgery-na waa qalliin. Markaas Plastic Surgery waxa ay soomaali ahaan noqonaysaa Qalliinada kaabista.
Qalliinada Isqurxinta “Cosmetic Surgery”: Waa nooc ka mid ah qalliinada oo lagu sameeyo xubno aan waxba qabin ama caadi ah kuwaas oo looga dan leeyahay kor u qaadista muuqaalka qofka ama ka hortagidda calaamadaha gabowga iyo da’da ee bini’aadamka. Sannadkii 2006 Kow iyo toban milyan oo qalliino is qurxineed ah ayaa dhacay gudaha dalka Maraykanka oo kali ah, tirada dadka isku samaynaya qalliinada noocan ahina waxa ay ahayd mid kordhaysa marba marka ka danbaysa. Qalliinadan waxa ugu caansan shan nooc kuwaas oo kala ah: qalliinka lagu sameeyo indhaha, sanka, dibnaha, caloosha iyo naasaha dumarka.
Qalliinada isqurxintu dunida si aad ah ayay ugu soo badanayeen sannadihii u danbeeyay. Sannadkii 2010 gudaha dalka Maraykanka oo keli ah waxaa ka dhacay tiro lagu qiyaasay 9,336, 814 oo qalliino isqurxineed ah. Dadyowga madowga ah ayaana noqday kuwa ugu badan ee loo sameeyo qalliinadan. Yurub ayaa noqonaysa suuqa labaad ee qalliinada is qurxinta taas oo laga dheefo lacag dhan 2.2 Milyan oo Doolar sannadkii. Waddamada ay qalliinadani caanka ka yihiin waxaa ka mid ah Ingiriiska, Faransiiska iyo Jarmalka. Guud ahaan qaaradda Aasiyana waddamada Hindiya iyo Jayna ayaa ah waddamada ugu badan ee ay ka dhacaan qalliinadani.
Haddaba akhriste waxa laga yaabaa in aad is waydiiso sida ay u dhacaan qalliinadani iyo goobaha ay ka dhacaan.
Qalliinadani waxa ay leeyihiin noocyo tiro badan oo kala duduwan. Hadba kii uu qofku rabo ayaana loo sameeyaa. Haddii aynu soo qaadano noocyadaas waxaa ka mid ah
1. Qalliinka loo yaqaan ‘Abdominoplasty’: Qaabaynta iyo qurxinta Caloosha.
2. Blepharoplasty: Qaabaynta iyo qurxinta Indhaha.
3. LipEnhacement: Qalliinadan waxa lagu wayneeyaa dibnaha.
4. Rhinoplasty: Sanka ayaa lagu qaabeeyaa qalliinka noocan ah.
5. Otoplasty: Dhegaha ayaa lagu qaabeeyaa qalliinkanna.
6. Rhyditecdomy: Qalliinadan waxa lagu yareeyaa astaamaha gabowga.
7. Phalloplasty: Qalliinkan waxa lagu sameeyaa xubinta taranka ee ragga iyadoo looga dan leeyahay uun qurux.
8. Mammoplasty: Qalliinadan waxa lagu sameeyaa naasaha dumarka. Waxa ayna u qaybsamaan saddex qaybood oo kala ah:
a. BreastAugmentation: Naaso kordhin
b. ReductionMammoplasty: Naaso yarayn
c. Mastopexy: Naaso giijin
9. ButtockAugmentation: Qalliinadan waxaa lagu sameeyaa dabada.
Iyada oo qalliinadan looga dan leeyahay is qurxintu badankoodu ku soo gebagaboobaan guul haddana waxa mar mar ka soo baxa natiijooyin aan la filayn ama aad u foolxun. Halkii qurux laga rabay ayaa waxa marmar la korodhsadaa foolxumo aad u wayn.
Waxa marmar dhacda in lagu guulaysan waayo qalliinka oo sidii loogu talo galay u dhici waydo kadib waxa soo baxa wax aad u foolxun halka mararka qaarna ay soo baxaan muuqaalo laga argagaxayo. Tusaale ahaan qalliinka lagu kordhiyo xajmiga dibnaha haddii lagu guul daraysto waxa soo baxa dibno aad u xajmi wayn kuwaas oo qofka ka dhiga bahal oo kale. Waxa kale oo foolxumo aad u wayn keena marka ay sidii aan la doonayn u dhacaan qalliinada lagu sameeyo dhabanada kuwaas oo keena in cad saa’id ahi qofka uu dusha ka koro ama ka dhinaado oo qofku labada dhinac ka goto.
Warbaahinta iyo Xayaysiisyada buunbuuninta ah ee loo sameeyo qalliinadan ayaa sababtay in dad badani ku soo hirtaan kadib isku arkaan in ay u baahan yihiin qalliinadan. Cilmi baadhayaashu waa ay ka digeen arrintan waxa ayna sheegeen in ay tahay halis ku soo food leh bini’iaadamka. Waxa kale oo ay ku sheegeen cilmibaadhayaashu arrintan in ay tahay isbedel maskaxeed oo ku imanaya qofka isku samaynaya taas oo ay keento kalsooni darro aad u wayn oo uu ka qabo muuqaalka jidhkiisa iyo isaga oo isu arka in ay wax ka dhiman yihiin.
Ilaahay waxa uu Qur’aankisa ku yidhi ‘Waxa aanu u abuurnay bini’iaadamka sidii ugu quruxda badnayd’.
Tixraacyo:
1. Aman Garg, Plastic Surgery
2. Cambridge Dictionary, sv ‘Plastic Surgery’
3. Shiffman, Melvin. Cosmetic Surgery: Art and Techniques. Springer. p. 20.
4. http://diply.com/different-solutions/24-plastic-surgeries-gone-wrong-very-wrong/34446/1
5. Kitaabka Qur’aanka ah, Aayadda 4 , Suuradda ‘Wa-Tiin’
Muna Axmed Cumar
Email: muna_gafaneh@hotmail.com
Blog: www.muna19.wordpress.com
Qoraha kala xidhiidh barta FACEBOOK
Qalinleyda II © Weedhsan Corporation