QAB IYO QAANUUN: Dagaal mise Duulimaad? (A Fight Or A Flight!) – W/Q. Muna Cabdi Yuusuf

0
18

Nidaamku waa hab ama sharci la raaco oo ay dajisteen ama isku waafaqeen bulsho meel kuwada nool oo ay ka dhaxayso dan ama himilo iyo hadaf qudhi. Asluubtuna badiba waa sharci aan qornayn

maqaal

balse si caam ah loo ogsoonyahay in ku dhaqankeedu wanaagsan yahay. Soomaalida ayaa haddaba ah bulsho ka taagan martabad hoosaysa ilaalinta iyo dhawrida nidaamka ama qanuunka meel loo dejiyay. In badan waxaad la kulmaysa dad jabinaya sharci meel loo dajiyay oo ay ahayd in sidiisa loo ilaaliyo. Tusaale ahaan, marka goob adeeg laysugu yimaadaan waxaa si sahlan dadka uga dhex aloosma buuq iyo qas. Iskaba dhaaf in lays ixtiraamee, dagaal iyo gacan-ka-hadal ayaa mararka qaarkood dhex mara bulshada adeeggaas soo doonatay. Sida iska cad, habka ka tayo iyo faa’iido badan lahaa wuxuu noqon lahaa qofba qofkii ka horreeyay inuu daba-istaago oo sugo inta la soo gaadhayo waqtigiisa. Hannaankan wuxuu keensan karaa inay hawshi hannaan qurux badan ku dhammaato.

 

Haddaba sheeko gaaban oo dhab ah ayaan ugu horraysiin doonaa taxanahan aan ugu talo-galay lafo-gurka asluubta iyo nidaamka heerka Soomaalidu ka taagantahay. Sheekadan oo aan ugu magac-daray ‘Dagaal mise Duulimaad’, waxay ku dhacday waddani qurbo-joog ah mar uu dalka booqasho ugu soo socday, waxaanu yidhi sida tan:

 

“Waar meeshaad doonto fadhiiso,” ayay si adag iigu jawaab-celisay, “halkani waa Diyaaradda Daalo oo wax nidaam ah lama raacee” ayay iigu sii dartay. Naxdin iyo anfariir darteed meeshii kama aan dhaqaaqin. Tigidhka aan gacanta ku haystaa wuxuu si aan shaki ku jirin u muujinayaa in kursiga gabadhan, walaasheed iyo wiilkeedu fadhiyaan aan anigu ku qoranahay. Xasuustu judhiiba waxay dib iiguu celisay diyaaraddii i keentay Dubai. Duulimaadkaas hore wax qas iyo qalaalase i tusa midna maan arag. Qof kasta halkii loogu talo-galay ayuu fadhiistay. Ixtiraam iyo kala-dambayn ayaa ka muuqday habka iyo hannaanka duulimaadkaasi u socday. Xaalkaygu iminka waa qoomamayn. Diyaaradda Daalo waxaa na keenay bas naga soo qaaday dhismaha madaarka. Markii sidaas baska looga degayba, rakaabkii waxay bilaabeen inay u kala hor dheereeyaan kuraasta diyaaradda. Aniguse maan fahansanayn buuqa iyo is-jiidhka goobtaas ka socday. “Dumarka iyo carruurtu ha inaga horreeyaan, ee ragoow u kaadiya” ayaan intaas ku dhawaaqayay balse dheg jalaq layma siin. Halkii aan dumar iyo carruur ka jiidhi lahaa, waxaan doorbiday inaan salaanka diyaaradda ku hoos sugo inta lay dhaafayo. Meeshaba maan soo dhigan in kursigaygii aan xaqa u lahaa gabadhi iga fadhiisan doonto. Dhawrkii sanno ee dalka dibaddiisa aan ku maqnaa ayaa i illawsiisay habacsanaanta iyo nidaam-darrada Soomaalidu ku caan tahay. Xasuustii aan ku jiray waxaa iga baraarujisay hadal kale oo gabadha walaasheed igu tidhi “Wiiloow yaan kuraasta lagaa buuxin ee meesha hore uga dhaqaaq.” Intaan hambabaray oo garawsaday inaan axsaan laysku haynin ayaan hore u sii socday oo kursi doondoontay. Qaab fadhiyeedka diyaaraddan wuxuu yaalla laba saf oo midkiiba ka kooban yahay 12 tax, tax kastaana leeyahay 3 kursi oo isku-dhejisan. Taxa safka bidix ee uu mid ka dambeeyo ayaan ka helay kursi uu hore u sii fadhiyay nin Hindi ahi. Suunkii ammaanka intaan isku giijiyay ayaan u tafo-xaytay inaan daawado riwaayaddan lacag la’aanta ah ee hortayda lagu jilaayo.

 

Gabadhaas kursigaygii iga soo caydhisay iyo walaasheed waxay wataan 4 carruur ah oo midna iyaga la fadhiyo, saddexda kalena fadhiyaan taxa ka dambeeya ee safka midig. Markii aan kursiga helay laba kale keliya ayaa bannaan. Kursi waa kan noo dhaxeeya aniga iyo ninka Hindiga ah. Kan kalena waa taxa ugu dambeeya safka midig ee diyaaradda oo ay fadhiyaan Hooyo iyo gabadh ay dhashay. Albaabkii ayaa diyaaradda loo soo xidhay, rakaabkiina waxay filanayaan in duulimaadku goor dhaw bilaabmi doono. Waxoogaa hakad ah ayaa laga geliyay duulimaadkii diyaaradda. Cidna ma oga waxaa la sugaayo. Balse cabbaar ka bacdi, waxaa albaabkii diyaaradda laga furay haweenay wadata hal wiil oo ilaa 8 jir ah. Haweenaydii markiiba waxay soo dul-istagtay taxii ay fadhiyeen carruurta gabadhii aan dhibka ka sheeganayay. Sidaydii oo kale ayay haweenaydan ku doodaysay inay iyadu xaq u leedahay kuraastan ay carruurtani fadhido. Isla jawaabtii ay markii hore igu tidhi ayay iyana siisay, “Gabadheey, halkani waa Daalo Airlines, wax qanuun ah lama raaco ee meesha hore uga dhaqaaq oo kursi kale raadso”. Balse haweenaydan may ahayn mid ciyaar-ciyaar ku tagaysa. Tigidhkeedii intay hor-qabatay indhaheeda ayay tustay in ay xaq ku taagantahay. Cabbaar ayaa laysku celceliyay hadalka. Weheliyaha diyaaradda oo ahayd gabadh u dhalatay dalka Turkiga ah ayaa soo kala dhex gashay si ay xaalka u dejiso. Turkiyaddii intay tigidhkii ka qaadday haweenaydii oo aragtay inay saxsan tahay, ayay haddana jalleecday gabadhii kale indhaheeda oo kibir iyo is-adkayn ka muuqato. Turkiyaddu sannado badan ayay Daalo Airlines ka shaqaynaysay. Carqalad kasta oo Soomaalida nidaam-darradeedu abuurtana hore ayay u soo aragtay. “Iga raalli noqda” intay tidhi ayay shaqadeeda ku foogtay. Waqtigeeda iyo maskaxdeeda inay u quudho way diidday xalinta khilaaf ka aloosmay madax-adaygga iyo asluub-diidka Soomaalida.

 

Labadii dumar ahaa oo sidii isugu maran ayuu maareeyaha duulimaadkan ee Daalo soo kala dhex galay. Haddiiba uu arkay in haweenaydu xaq ku taagan tahay balse ay gabadha kale iyo inta la socotaa jilbaha ku aasteen kuraastaan ayuu isagoo dejinaya haweenaydii ku yidhi “Walaal, i soo raac anigaa meel idin fadhiisanayee”. Taxii aan fadhiyay oo kursi ka bannaanaa ayaabu keenay. Oo soo dul istaagay.

 

“Kursigaas dambe haddii aan kuu beddelo ka warran, walaal?” ayuu si debecsan ii weydiiyay. Kursiga uu sheegayaa waa ka ku yaalla taxa ugu dambeeya safka midig ee hooyada iyo inanteedu fadhiyaan. Baradaas hooyadaasi waxay ka abuuratay carshi libaax oo ay ka eriday ninkii xaqa u lahaa kursigaas beri horeba si ay gabadheeda uga ilaaliso wax kulan ah oo dhex mara ragga. Ka hor inta aanan jawaab siinin ayay hooyadii halkan ka soo boodday oo tidhi, “Adeer halkaaga ha ka soo kicin oo ha noo iman, adiguna cidna ha noo keenin.” Yaab badannaa Soomaalidu!! Miyaanay hooyadani arkahayn in qaabka qudha ee labadan is-dhalay laba kursi oo isku xiga u heli karaan ay tahay, aniga oo safkooda u soo wareega? Aad yar intaan kursigii uga kacay ayaan u wareegay safkii islaanta.

 

“Maxaad u yeeshay hadalka maamuuaha oo aad meeshaadii uga soo kacday,” ayay hooyadii igu maagtay intaanan salkaba dhulka dhigin. “Eddo, waxaan islahaa ka qayb-qaado xal u helista dhibkaas haysatay hooyadaas iyo wiilkeeda” ayaan ugu jawaabay. “Aniguba miyaanan ahayn hooyo? Ma hooyo ayaa hooyo ka wanaagsan?” ayay si kulul ugu tirawday. Faa’iido buuran kamaan arkahayn u jawaabisteeda markan. Judhiiba waxaan dareemay in hooyadani ii aragto nin soo weeraray inanteeda oo aan haasawgeeda u dan leeyahay. Aniguse waan fajacsanahay oo waxaan kala garan la’ahay inaan soo doontay dagaal mise duulimaad (a fight or a flight). Sababtoo ah buuftaanka ka dhacaayay islaantaas wuxuu buuxin lahaa haamo dhan oo neceyb iyo xiqdi ah.

 

Dhacdadan iyo qaar kaloo badan oo aynu maalin walba aragnaa waxay si aan saxar ku jirin u muujinayaan sida ay Soomaalidu uga arradan tahay asluubta suubban ee bulshadu ku wada dhaqanto. Haa, waynnu leennahay dhaqan iyo hiddo wanaagsan oo aynu ku faanno. Haa, waynnu haysannaa diin suubban oo ah nidaamka ugu kaamilsan ee lagu dhaqmo. Balse, dhibka iyo tabaalaha taagan ayaa wuxuu yahay in Soomaalidu wax kasta oo wanaagsan ay dhaafinayaan qab weynaantoodu.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here