Hargaysa(Hubaal)Professor Maxamed Siciid Gees ayaa sheegay in dalka Turkiga ee wada dhex-dhexaadinta Labada Dawladood ee somaliland iyo Somaliya Inaanu dhex ka ahayn wada hadalka isla markaasina la Xulufo yahay Dawlada Xamar,Waxaana uu Xukuumada Somaliland u Soo jeediyay in ay gabi Ahaanba ka Baxdo wada hadalkaas Madaamo oo Turkigu wado Sida uu sheegay in Aanay Somaliland iyo Somaliya Kala Bixin.
Professor Gees waxa uu dhanka Siyaasada arrimaha Dibada Somaliland u soo jeediyay wanaanooyin iyo Talooyin ku saabsan Wada Hadalka “Turkigu waa Dawlad Wayn waana Dawlad muslim Ah,Lakiin Dawlad Dimuq-raadi Ah maaha waana Dawlad Dadka Laysa,umado Badan ayay Laysay Dad Layidhaa Armiinis oo saddex milyan ayay ka dishay,Kurdigana way Laysaa,Mana Ogola in ay somaliyi Kala Godo Somali wayn ayay Taabacsan tahay,Qolada Wala waynta ayay Taabac Santahay.
Maxamed Siciid Gees waxa uu intaas ku daray isaga oo hadalkiisa siiwata.”inaga Lakiin Doonaynay oo nidhi ina Dhex-dhexaadiya Ayaa layidhi garan Maayo waxa aynu ku falayno dad Aan daacad ka ahayn Wada hadalka somaliland In ay ka baxdo Shirkaas Turkiga Ayaan soo jeedin lahaa,Manaafacaad badan malaha Ayaan odhan lahaa,dad dano gaar Ah leh oo somali wayn inagu wada ayaa Dhex-dhexaadinaya.
Professor Maxamed Siciid Gees oo in Badan ka Soo shaqeeyay Siyaasada Geeska Africa iyo Siyaasada Arimaha Dibada somaliland,isla markaana Wada hadalka Labada dawladood ee somaliland iyo soomaaliya dhex marayana waxa uu ka Muujiyay Walaac Aad u Baahsan “Wixii laga Hadlayo Waa laga Hadlayaa,Lakiin Yaan Lagaa Qaylo Badan,Xadhigaaga Adkayso Waa lays Holiyaa Ayaan odhan lahaa Anigu,Lakiin Somaliwayn Shacabku Madoonayaan Somaliland Waa dal Madax Banaan,Xadhiga Gooni isutaaga Adkaysta Ayaan odhan Lahaa.
Hadalka Siyaasi Maxamed Siciid Gees ayaa ku soo beegmaya xili danjire Nickolas Kay uu sheegay in xafiiskiisa Somaliland uu ku yeelanayo la wado isla markaana uu samaynayo shaqaale kala shaqayn doona hawlaha Faderaalka ah oo dardargelinteeda gudaha somaliland laga abuurayo