“Sadaqada Waligeed Laguma Badhaadho, Way Ku Gaadhsiin Kartaa Inaad Kaga Baxdo Intaad Dhibaataysan Tahay, Laakiin Maaha Wax Lagu Halleeyo Inay Noloshu Ku Xidhnaato”
“Waa inay madaxdeenna iyo shacabka u kala caddaataa, waxaynu ku ordayno iyo waxa aynu ka ordayno,”
“Musuq-maasuqa iyo qabyaaladduna si wanaagsan ayay saaxiib u yihiin oo way isku shushubtaan”- PROF Axmed Ismaaciil Samatar
Oslo (Hubaal)- Prof Axmed Ismaacil Samatar oo ka mid ah aqoonyahanka Qurbejoogta ee Somaliland, ayaa ka hadlay caqabadaha ku gedaaman iyo godaloolooyinka uu tilmaamay inay ku jiraan nidaamka siyaasadeed ee xukuumadihii isaga dambeeyey talada dalka ay u maraan baadi-doonka Aqoonsiga Somaliland.
samatarProf Axmed Ismaaciil oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey munaasibad ay jaaliyadda Somaliland ee dalka Norway ugu dabbaal-deggeen xuska maalinta qaranimada ee 18-ka May, waxa uu ku dooday inay jiraan godaloolo iyo daciifnimo ku jirta hannaanka siyaasaddeed ee lagu wejaho dedaallada aqoonsi-raadin ee beesha caalamka, isaga oo sheegay in loo baahan yahay isbeddel dhinacyo badan oo laga sameeyo hababka loo maro raadinta aqoonsiga, taas beddelkeedana la sameeyo sidii bulshada Caalamka loo kallifi lahaa inay ka garaabaan qadiyadda iyo rabitaanka shacabka si loogu kallifo inay iskood ugu badheedhaan aqoonsiga Somaliland.
Isaga oo arrimahan ka hadlayey, waxa uu yidhi, “Arrinta ku saabsan dawladnimada iyo Aqoonsiga, haddaynu ka soo orodnay dawladnimo xumaatay, waa inay madaxdeenna iyo shacabka u kala caddaataa, waxaynu ku ordayno iyo waxa aynu ka ordayno; dawladnimada, qaranimada aynu ku ordayno iyo inay bulshada caalamka kursigeenna ku yeellano, waa inaynu nashqaddeeda si wanaagsan u dhignaa.”
“Anigu waan qabaa ilaa maanta, in kasta oo meelo dhowr ah la taabtay, inaanay weli jirin istaraatajiyad adduunyada u macneysa waxa ay tahay, cidda u macnaynaysa iyo maalgelin la gelinayana weli waa qabyo,” ayuu yidhi Prof Axmed Ismaaciil Samatar.
“Haddii aynu reer Somaliland nahay, maaha inay Beesha Caalamka inoo garato (Aqoonsiga). Aqoonsi inaynu sugnaa waxay ka dhigan tahay sida mucaawimada oo kale, taas haddaynu sugno weligeed ma imanayso. Sadaqada waligeed laguma badhaadho, way ku gaadhsiin inaad kaga baxdo intaad dhibaataysan tahay, laakiin maaha sadaqadu wax lagu halleeyo inay noloshu ku xidhnaato. Haddii aynu dunida ku kallifayno inay ina aqoonsato, waa inaynu la nimaadnaa shaqadeedii,” ayuu yidhi Prof Axmed Ismaaciil Samatar.
Dhinaca kale, Prof. Samatar waxa uu ka hadlay muhiimadda ay xoojinta waddaniyaddu u leedahay shacabka Somaliland ee ku dhaqan gobollada kala geddisan ee Somaliland, isaga oo tusaale u soo qaatay xaalado u kala kulmay safar uu sannadkii hore ku maray gobollada dalka iyo xog-warran uu la yeeshay shacabka ku dhaqan deegaamadaas oo uu sheegay inay waddaniyaddu ku beeran tahay balse ay tabayaan ku-dhaqankeeda iyo qodobbada aasaasiga u ah dhammeystirka muwaadinimada oo uu sheegay in dabbaqaaddeedu meesha ka saarayso caqabadaha ku gedaaman dawladnimada iyo nidaamka maamul ee ku salaysan yahay eexda, qabiilaysiga iyo qof-jeclaysiga.
Waxa uu Prof Axmed isbar-bar dhig ku sameeyey saamaynta ay bulshada ku yeeshaan hab-dhaqannada shakhsiga xilka haya ama qof shacabka ah ee rabitaankiisa iyo hab-dhaqankiisu ku saleeya xayn-daabka waddaniyadda iyo dabinka Qabyaaladda.
“Dadku markay u hoggaansamaan qawaaniinta waddanka u yaala, waxay calaamad u tahay Waddaniyadda. Qofka muwaadinka ah astaamihiisa waxa ka mid ah, marka laga yimaaddo danihiisa gaar ah, wuxuu had iyo jeer ka fekeraa danaha Qaranka, haddii xakamahaasi qof ka lumo, wax celinayaa ma jiraan,” ayuu yidhi Prof Axmed Ismaaciil, waxaanu intaas raaciyey, “Qof Caadi ah ama Madaxweyne ha noqdo, Qabyaaladda waa lagu gartaa inaad tahay qof u soo haliila caddaalad-darrada, kitaabkeedii inaad haysato ayay ka dhigan tahay. Waxa qabiilka lagu gartaa inaanu qofku Illaahay ka baqan, bani’aadamka ag-jooga aanu ka xishoonayn ee hungurigiisu hoggaamiyo. Musuq-maasuqa iyo qabyaaladduna si wanaagsan ayay saaxiib u yihiin oo way isku shushubtaan. Qofka Qabiiliga ah waxa lagu gartaa inaanu ixtiraam u lahayn waxa la-wada leeyahay. Waxa kale oo lagu gartaa qofkaa Karti-darro, waayo mar kasta wuxuu ku dhuumanayaa qabyaaladda,” ayuu yidhi Prof Axmed Ismaaciil Samatar.
Himilomedia.com