Oday Dhaqameedkii Muqdisho Ka Yimi Oo Ku Dhawaaqay In Ay Si Buuxda U Aqoon Sadeen Somaliland

0
29

Hargeysa(Hubaal) -Oday dhaqameedkii dhawaan ka yimi koonfurta dalka Somaliya ee Muqdisho ayaa Xalay si buuxda ugu dhawaaqay in ay aqoonsadeen Madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland,waxaana ay ugu baaqeen in beesha caalamku in ay taageeraan go’aankoodaa ay ugu dhawaaqeen in ay si buuxda u ictiraafeen Somaliland.

IMG_6309

Oday dhaqameedyadan oo Xalay goob joog ka ahaa xuskii Sanad guuradii 23-aad ee 18-Ka MAY ee ka dhacday aqalka madaxtooyada  magaalada Harageysa,ayaa waxaa ay sheegeen in Somalilnad ay tahay meesha kaliya ee Somali oo dhan nabada ka ah isla mara ahaantaana ay maanta ku dhawaaqayaan in ay si buuxda u aqoon sadeen.

Dhinaca kale Oday dhaqameedyadan ayaa waxaa ay hadalkan ka sheegeen mar ay Shalay waraysi siiyeen Idaacada Afka Somaliga  ku hadasha ee VOA waxaana ka mid ahaa hadaladoodii:

“Magacaygu waa suldaan cabdicasiis cumar,maanta xafladan aanu aragnay iyo labadii todobaad ee aanu joganay,waxaanu soo aragnay waxa ay mudan tahay oo ay istaahisho Somaliland,gabadh baa heesaysayoo heeska aan ka dhagaysanaayey waxaa uu ahaa maxaa loo daba socdaa somaliand dadkeedu haduu tashaday,gabadha sidaas u hadashay waxaan maanta abaal marin u siinaynaa anaga oo ah dhaqankii Somaliyeed,waxaan maanta soo dhawaynaynaa Xoriyada Somaliland,waxaan si buuxda u aqoon sanaynaa Xoriyada Somaliland,waxaanan idin ka codsanaynaa mar koowaad iyo mar sadexaadba dawlad somaliyeed oo maanta taagan oo lagu naaloodo Somaliland baa jirta,hal shay oo idin ka dhinaa oo aqoonsig ahna maanta ayaanu idin ku wareejinaynaa,waxaan doonaynaa in caalamku ogalaado in caalamku soo dhaweeyo aqoonsi buuxa in aanu siinay in ay dawlada buuxda ay tahay,waxa weeye dareenkayaga ma cabiraynee dalka somaliya anaga ayaa wakiil ka ah waxaan anaga ahayn oo wax ansixin karaana ma jiraan”.

oday dhaqameedyadan oo dalka haatan ku sugnaa mudo ku ilaa laba todobaad ah ayaa guud ahaanba shacbiga reer somaliland ay dareeno aad ukala duwan ka bixiyeen iyaga oo uga shaki qabay in ay arimo ka dhan ah somaliland ay wadaan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here