Nuxurka Kulan Gaar ah Oo Komiishanka Doorashooyinka Somaliland La Qaateen Hoggaanka Labada Xisbi-mucaarid

0
23

Hargeysa:(Hubaal)-Guddida Doorashooyinka Somaliland, ayaa Maanta kulan gaar ah la qaatay Hoggaanka Labada Xisbi-mucaarid ee Waddani iyo Ucid, waxana Kulankoodu ahaa mid ay saxaafaddu dibad-joog ka ahayd.

Hogaankii Labada xisbi metelayey ee Kulankaas ka qaybgalay, ayaa saxaafadda u sheegay in kulankoodu daarranaa sidii ay xogo dheeri ah uga heli lahaayeen halka ay marayaan Hawlihii Loo igmaday Guddida Doorashooyinku.

komiishanka iyo labadaCabdirashiid xasan mataan, Musharraxa Madaxweyne-ku-xigeen ee Xisbiga Ucid oo Saxaafadda La Hadlay, ayaa faahfaahiyey nuxurka Kulankoodii Maanta, waxana uu Hoosta Ka Xarriiqay inay dareensiiyeeen sida Beesha Caalamka ay uga Go’an tahay inaanay Doorashooyinku muddo-dhaafin,

“Wufuudii maraykanka ka yimi ee shalay waddanka yimi oo kulamo nala yeeshay waxay caddeyeen in doorasho lagama maarmaan tahay. Maantana komishankana waxa aanu leenahay iswaraysi joogto ah, maantana waxanu ugu nimi iswaraysi halka hawluhu marayaan iyo sida wax u socdaan iyo in la derdergeliyo si loo cayimo wakhtiga doorashadu, waxana aanu caddaynaynaa in beesha caalamka ay ka Go’an tahay inaanay Doorashooyinku muddo-dhaafin.” Ayuu yidhi Cabdirashiid Xasan Mataan.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Xisbiga Waddani Maxamed Cismaan Fadal oo isaaguna Faahfaahin ka Bixiyey Kulankii ay maanta la Yeesheen Guddida Doorashooyinka, ayaa sheegay in ay kala hadleen sidii loo derdergelin lahaa doorashooyinka dalka kusoo foolka leh, isla-markaana meesha looga saari lahaa Hubaal la’aanta shacabku ka qabo shaqadii Guddida Doorashooyinka.

source:himilo

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here