Hargeysa(Hubaal) Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame(Aadan Sunne), oo ka mid ah Culimada Somaliland ayaa Xalay Xukumaddu xidhay. Ciidamada amaanka ayaa la sheegay inay goor dambe oo xalay ah gurigiisa kala baxeen Sheekha.
Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xadhiga Sheekh Aadan Sunne, hase ahaatee waxaa loo aanaynaynaa in Xukumaddu dhibsatay Khudbadaha uu ka jeediyo Masjidka uu Imaamka ka yahay, waliba Khudbad uu Habeenka Jimcaha u jeediyo Bulshada.
Sheekha ayaa inta badan khudbaddihiisa xoogga ku saara soo bandhigida Hay’addo uu sheego inay dalka dhaqan xumo diinta ka dhan ah ka wadaan, islamarkaana aanay waxtar kale u joogin.
Xukumadda ayaa hore u masaafurisay Hay’adda NNM oo Somaliland ka hawl gali jirtay kadib markii ay ku caddaadeen Eedaymo ka soo horjeeda Diinta Islaamka oo Sheekh Aadan Siiro soo bandhigay inay dalka ka wadday.