Hargeysa(Hubaal) -Gudoomiyaha Xisbiga Muxaafadka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa ku dhawaaqay in uu si rasmi ah ugu tanaasulay hankiisii murashnimo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md:Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) in uu noqdo murasha qudha ee Xisbiga KULMIYE.
Muuse Biixi Cabdi ayaa hadalkan ka sheegay mar uu maanta shir jaraa’id uu ku qabtay xarunta Xisbiga ee magaalada Hargaysa waxaana uu carabka uu ku dhuftay in aan Xisbiga kulmiye yeelan karin Laba murashax balse uu yeelan karo oo qudha hal murashax,waxaana uu sida oo kale uu tibaaxay in kadib markii Xisbiga KULMIYE iyo odyaasha Xisbiguba ay tashadeen uu qofka garta lagu moosay uu isag noqday isla mar ahaantaana uu ku qanacsan yahay waxii ay go’aan soo saareen laga bilaabo maantana uu la shaqaynaayo Madaxweyne Siilaanyo.
“Hadii tartan uu dhaco cidbaa adkaata cidna waa la reebaa cidna waa ay soo baxdaa KULMIYE Murashax qudha ayuun buu yeelanayaa sida Xisbiyada kale oo dhanba malaha qoladiina kubada taqaana Spain oo xalay koobka eegaysayba waa laga laga saaray Saaxada way iska laalabatay England oo Ciyaaraha u soo aas aastayna waa ay iska laab laabatay marki Kulmiye iyo Odayaashiisii iyo dadka Xoogiisiba ay u cadeeyeen ninka la reebay ee laablaabtay waa aniga taana waan qaatay ninka murashaxnimada loo daayey ee Murashax noqdayna waa madaxweynaha waa ciyaar game ah oo siyaasada Kubada iyo noloshuba ay leedahay”Ayuu yidhi Mujaahid Muuse Biixi Cabdi