Nin la sugayow Adna yaad sugi!…W/Q. Cabdiraxmaan Sheekh Yoonis

0
76

 

Yididiilada iyo rejada wanaagsani waa mid inta badan aan ka dhammaan bulshada qof ahaan iyo qoom ahaanba, waana mid filashadeedu ay mar kasta ku weyn tahay

oo niyadda lagu hayo. Yididiilada ugu weyn ee bulshadu way badan tahay, waxa se jira cid gaar ah oo rejo wanaagsan laga filayo markasta. Somaliland bulshadeeda oo rajadaas wada qabta marka laga imaado hadana waxa bulshadii meel wada daganiba ay yididiilo ka qabaan hadba cidi ay wax ka tabayaan markaas. Bulshada Hargeysa ku dhaqanna waxay rejo iyo yididiilo wayn ka qabeen in 25 ruux oo dhib iyo rafaad badan loo maray xulistoodi iyo doorashadoodi ay wax badan ka qaban karaan rejada ay bulshadu ka qabtay.

CabditaxmaanMuddo ku dhaw sanad ka hor waxa wadanka ka dhacday doorashadii golaha deegaannada dalka waxaana bulshadu ka sinayd niyad wanaag iyo rajo fiican oo ay ka muujinayeen in golayaashi ka horeeyay kuwan hadda ee deegaanka oo muddo badan joogay waxqabad la’aana caan ku noqday ay kuwani baddali karaan, sidaas awgeed ayaa rajada iyo ifafaalaha la qabay uu u ahaa mid u heer sarreeya. Waxay bulshadu u hanqabtay in cida noqon doonta golaha deeganka ee cusub ay wax badan ka qaban doonto baahiyaha tirada badan ee aasaasiga ah ee magaaloyinka ka jira, waxa isa soo cumaamaday rag badan oo dhalinyar u badan oo la shir imid inay wax u qaban doonan bulshadooda hadi ay codkooda ugu hiiliyaan, marki la arkay dhalinyar badan oo safka hore taagana waxa soo kordhay rajo kale oo ah in dhalinyaradu madama ay yihin kuwo firfircoon maskax iyo dardar cusubna qaba awgeed ay yihin kuwa kaliya ee wax badali kara waxna ka qaban kara baahiyaha ay bulshadu tabayso.

Si gaar ah marka loo eego magaalada caasimadda ah ee Hargaysa waxa kusoo baxay golaha deeganka dad dhalinyar u badan waxana ay bulshadu ugu riyaaqday si isku mid ah iyadoo rajo wayn laga qabay inay waxbadan kuso kordhin doonan bilicda, waxtarka iyo quruxinta magalada madama ay tahay caasimadda, intaas o kaliya maaha rajada laga qabay se waxay tusaale fiican u noqon karayeen dhalinyarta kale ee mustaqblka dhaw rajaynaysa inay wadankooda wax la taaaban karo oo dhaxal ah usoo kordhiyaaan.

Nasiib daro se rajadaasi waxay noqotay una muuqata mid dhicisowday oo lagu hungoobay waxaana hal bacaad lagu lisay noqotay rajadii iyo yididiiladi laga qabay golaha deeganka madamada ila hada sidi la rabay aanay wax uga qaban wixi la filayay islamarkaana aanay so kordhin wax la taaban karo oo ku salaysan dhanka quruxinta iyo bilicda caasimadda iyo dabcan waxyaabaha kale ee aasasiga ah ee ay u xilsaaran yihin oo ay kaw ka tahay qashinka iyo xashiishka caasimadda ka buuxa.

Haa oo way jirtaa wax aan buurnayn oo ay ku doodi karaan inay qabteen sidoo kale wali waxa la odhan karaa waa wakhti kooban marka la eego mudada u hadhsan xiligooda sharciga ah ee ay xilka hayaan laakiin taasi maaha marnaba mid marmarsiyo u noqon karta waxqaba la’aantoda marka la eego mana aha mid la barbardhigi karo rajadi laga qabay marki hore, waxana sida hada muuqata aan soo fool cadayn ama aan wali muuqan talaaboyin lagu hirto oo ay fuliyeen mudadii ay joogeen ,quusta u wayna waxa qaba dhalinyartii codkooda iyo fikirkoodaba ku bixiyay sidi ay usoo bixi lahaayen gole deegaan oo dhalinyar ah kuwaas oo tusaale u noqda kuwa kale ee soo socda waxase hada muuqata in kuwasi aanay hadhaw heli doonin wax ay ku doodaan oo ay bulshada wax kaga doonan iyo mabaadi ay dadka ku qanciyaan madama hormoodki ka horeeyay ee jidka u si banayn lahaa aanay wali muujin wax la taaban karo.

Ugu danbanti waxa la gudboon golaha umadu dooratay ee deeganka caasimadu inay fadhiga ka kacaan isla markaana ay u tafaxaytaan sidi ay wax ugu qaban lahaayen bulshadooda, hana ogaadan inay yihiin dhalinyar mustaqbal wali leh oo waxqabadka ay maanta muujiyaan barito lagu qiimayn doono marka ay bulshadooda dib ugu soo laabtan, sidoo kale ha ogaadan golaha deeganka in qarnigani yahay qarnigi la xisaabtanka iyo la socodka, bulshaduna intaas ay qiimaynayso waxay qabtaan taas oo u noqonaysa waxay si horumarsadeen taariikhdana ay ku gali doonaan.

Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh Yoonis

Qoraha kala xidhiidh barta Facebook

Email: cabdifataax_sh10@hotmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here