Nin Kasoo Jeeda Deegaanka Gorilugud Oo Lagu Dilay Deegaanka Kalshaale Iyo Xiisad Cusub Oo Ka Bilaabantay

0
83

Wararka ka imanaya  Degaanka Kalshaale ayaa sheegaya in Maanta Lagu Dilay Nin Ka soo Jeeda Degaanka Qorulugud, Iyadoo Beryahan uu Dambeysay oo dhan Laga shaqeynayay Nabada Labada Beelood ee Buuhoodle Iyo Beesha Qorulugud, waxaana Kulano Nabadeed Ku Dedaalayeen Madaxdhaqameedka Ka soo Kala Jeeda Labada Beelood ee Habar Jeclo Iyo Dhullbahante si ay Mar uun Looga heli Laha Nabad Degaankaasi.

newsWaxa Se Madaxdhaqameedka Dhullbahante Ku Guuldaraysteen Inay Beesha Dhullbahante Kula Taliyaan inay Nabad Qaatan Iyado Nabadi la isla Saxeexday 2 Todobaad ka Hor ay Durba Jebiyeen Beesha Dhulbahante, Iyado Noqonaysa Marki 5aad ee Beeshaasi Jebiso Nabad Labada Beelood La isla Saxeexday.

Waxa Maalinta Berri Loo Ballansanyahay Shirweyne Nabadeed oo Ka Furmi Laha degaanka Coodanle, Laakin waxey uu eegtahay Inay Gogoshaashi Dabayshi Qaadi Doonto Madaama ay Xaalada Degaankaasi Cirka Isko Shareertay Dilkan Maanta Ka Bacdi.

source:burco online

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here