“Nimankaa KULMIYE Waxaan U Arkaa Maxaabiis Afar Sanno Iyo Badh Ku Xidhnaa Shacabka Hargeysa..” Mujaahid Ooto Biixi

0
40

Hargaysa(Hubaal) Mujaahid Maxamed Biixi Caalin (Otto Biixi) oo aanu wax ka waydiinay Socdaalkii Masuuliyiinta Xisbiga kulmiye ay ku marayeen Gobalkada bariga Somaliland oo siyaabo kala duwan dadku u fasirteen,isagoo ka hadlaya waxa uu ku sheegay hogaanka xisbiga Kulmiye ee socdaalka ku maraya gobalada Bari ee Somaliland  waxa uu yidhi “Nimankaas Kulmiye Waxan U arkaa Maxaabiis Afar Sano Iyo Badh Ku Xidhnaa Shacabka Hargaysa Maalintii Samale Ka Degay Tareenka Dawladana Waa La Sii Daayey  waliba Socdaalkoodani damaanad buu ubadan yahay cidii dmaanatayna waa la isla og yahay nin ragana waxba kama qarsoona nacasna looma sheegi doono .

ooto-biixi-292x180Waxan umalaynaa nimankaas inay yihiin Maxaabiis Dhibaatada iyo hawsha iska soo yaraynaya oo dalxiis tagay waayo nimankaas Maxamed Kaahin iyo Muuse Biixi ma moodid nimankii Qabta Lix iyo Labaatanaad Usoo badheedhayba ma moodid mooyi Si laga dhigay haday afka soo mariyaan musharixiin baanu nahay xabsigoodii shacabka ayaa lagu soo celinaya , markaas nimakaas codaalkooda waxan u arkaa waxaabad moodaa dhalinyaradii uffo ee jeelkii labaatan jiraw lagu xidh xidhay ee markii la soo daayeyna wadaa qaaxo sidaas umaray markaas socdaalkooda waxba uma arko.

Mujaahidku waxa kale oo uu ka hadlay musharaxnimada Muuse biixi waxa uu yidhi “ Muuse haduu han leeyahay oo uu musharax madaxwayne  Yahay Dadka haw sheego ma odhan karo haduu yidhaahdana xabsigii uu jiray ayaa lagu soo celinayaa.

mar uu ka hadlayay muddo kordhin ay guurtidu samayso ayaa yidhi “Tan kordhinta marka ay noqoto waxan guurtida usheegayaa mudo kordhintii way dhamaatay waxan arkayey qaar ka tirsan golaha guurtida oo macdaro leh baabuur na amaahiya waxan leeyahay waar waxba la kordin maayee dayn ha galinay

 source:Hadhwanaagnews

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here