Natiijada ka soo baxday baadhitaan lagu sameeyey meydka Taliyihii ciidanka Booliska Somalia oo la shaaciyey

0
30

Muqdisho-(Hubaal)-Meydka taliyihii ciidanka Booliska Somalia Marxuum Maxamed Sh. Xasan Ismaaciil ayaa saaka dib loogu soo celiyey Muqdisho ka dib markii baadhitaano lagu xaqiijiyey sababaha keenay geeridiisa loogu sameeyay magaalada Nairobi.

Saraakiil la socotay Meydka taliyaha Booliska ayaa xaqiijiyey in meydka taliyaha lagu baadhay Cusbitaalka Nairobi Hospital, iyadoo la xaqiijiyay inaan laga helin wax calaamado ah oo muujinayo in la dilay ama la sumeeyey.

Dhakhaatiirka baadhitaanka ku sameeyay meydka taliyaha ayaa xaqiijiyay inuu u dhintay xanuunka dhanka sambabaha ah oo aysan jirin wax calamaado ah oo muujinayo in la sumeeyay, waxana tani ay meesha ka saareysaa shakigii ahaa in la dilay.meyda taliyihii somalia

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here