Wararkii U Dambeeyay Ee Qaska Iyo Siyaasadaynta Nabadda Buuhoodle Iyo Qorulugud Oo Weji Kale Loo Dhigay
Is-waafaqa aragtida reer Buuhoodle iyo Qorulugud
Qorshayaasha kooxda danaha ee faraha kula jirta
Hawlgal Buuhoodle laga bilaabay iyo lacagaha loo diray
Kala jeedka siyaasdda madaxtooyada
Hargeysa, (Hubaal) Weftigii Odayaasha Buuhoodle ayaa shalay dib ugu safray deegaankii ay ka yimaadeen, kadib markii ay in muddo ah wadahadal u joogeen magaaladda Hargeysa, isla markaana waxa isa soo taraya warar tibaaxaya faragelinta iyo siyaasadaynta barnaamijka nabadaynta Buuhoodle.
Ma kala cadda in weftiga iyo madaxtooyadu isla meel dhigeen halka laga bilaabayo nabadaynta Buuhoodle, balse kulamadii dhexmaray odayaasha iyo madaxtooyadda, waxa soo duulay oo keliya in madaxda dhaqanka ee Buuhoodle iyo kuwa beesha bariga Burco ka wada shaqeeyaan. Kulamaddaa madaxtooyada iyo odayaasha waxa balan haye iyo xidhiidhiyayaal ka ahaa laba suldaan oo ka mid ah madaxda dhaqanka beesha Bariga Burco, kuwaasoo la sheegay inay asxaab yihiin, isuguna dhaw yihiin xubno weftiga ka mid ah, gaar ahaan dhawr xubnood ay xoguhu tibaaxeen inay abuureen khilaaf weftiga soo kala dhex galay intay Hargeysa joogeen, isla markaana ku adkaa oo doonayay sii daynta nin lagu magacaabo Jaamac Kuutiye oo falal argagixiso ugu xidhan Hargeysa. Xogaha wargeyska Ogaal soo gaadhay ee barnaamijkaa la xidhiidhaa waxay intaa ku dareen, in labadaa Suldaan, xubno weftiga ka mid ahaa iyo wasiiro xukuumadda ka tirsani u muuqdaan xulafo isku xidhan, oo barnaamijka nabadaynta xeelado siyaasadeed iyo qorshayaal kale uga hooseeyaan, halka badi odayaasha iyo cuqaasha weftiga iyo wasiirka caafimaadka oo xukuumadda ugu jiraa la tilmaamay, inay isku aragti ka yihiin barnaamijka nabadaynta, kana soo horjeedaan in la siyaasadeeyo.
Qaabka loo maamulay xidhiidhka iyo wadahadalka weftiga iyo madaxtooyada ayaa iyana la sheegay, inuu ahaa mid nidaamka dawliga ah ka baxsan, isla markaana laba suldaan iyo wasiiro aan shaqo ku lahayn barnaamijkani ay isu dhiibayeen.Xoguhu waxay intaa ku dareen, in weftiga sooryo fara guudkood ah loogu dhiibay mid ka mid ah labada suldaan ee Bariga Burco ka soo jeeda, isla markaana loo sheegay inay deegaankii ku laabtaan, sidaana ay shalay kaga amba baxeen Hargeysa.
Badheedhaha Reer Qorulugud Iyo Buuhoodle
Inkastoo loollan siyaasadeed laga dhex dareemay barnaamijkan, haddana, waxa markiiba ka dareen celiyay reer Qorulugud, isla markaana xil.Xarriir oo ka mid ah golaha wakiiladda lagana soo doorto deegaanka Qorulugud oo ka tirsan gobolka Buuhoodle, ayaa tilmaamay in barnaamijka nabadaynta Buuhoodle loo daayo dadka xaqa u leh. “waxaanu halkan ka cadaynaynaa in cidda keliya ee beesha Qorulugud nabadaynta u meteli kartaa, inay yihiin cuqaasha qorulugud iyo suldaanka guud ee beelaha bariga Burco. Sidoo kale waxaanu si buuxda u taageersanahay wasiirka caafimaadka Xaglatoosiye oo aanu u aragno inuu daacad ka yahay nabadaynta iyo isu soo dhawaynta beelaha walaalaha ah ee Qorulugud iyo Buuhoodle. Xukuumaddana waxaan ugu baaqayaa, inay nabadaynta deegaankaa u xilsaarto cidda haysata kalsoonida beesha deegaanka Qorulugud oo ah cuqaasha beesha iyo suldaanka guud, oo in badan la gees maray”. Qaar ka mid ah cuqaasha iyo waxgaradka deegaanka Qorulugud ayaa iyana ku taageeray xildhibaanka bayaankaa, isla markaana waxay sheegeen, Sul.Maxamed Guuleed Mire iyo Sul.Maxamuud xaaji Xuseen in aanay metelin deegaankooda, isla markaana lahayn awood ay ku hor fadhiistaan cuqaasha iyo odayaasha Buuhoodle ee Hargeysa nabadaynta u yimi.
Dhanka kale badi odayaasha, cuqaasha iyo waxgaradka Buuhoodle ee Hargeysa yimi iyo wasiirka caafimaadka ee Buuhodle ugu jira xukuumadda ayaa xoguhu tilmaameen, inay qabaan aragti la mid ah oo odhanaysa nabadaynta Buuhoodle iyo Qorulugud yaan la siyaasadaynin ee haloo daayo cidda xaqa u leh oo ah madaxda dhaqanka labada deegaan iyo madaxda dawladda kaga jirta labada deegaan. “Anagu waxaanu doonaynay in aanu la xisaabtano dawladda, khasaarihii dhacayna kala arrinsano, nabadayn buuxdana walaalahayo aanu ka wada shaqayno, laakiin waxaan dareemaynaa in gacmo aan shaqo ku lahayn Buuhoodle iyo nabadaynta Qorulugud, inay giraanta si kale u wareejinayaan”, sidaa waxa ku tiraabay mid ka mid ah odayaasha weftiga oo mar warg. Ogaal wax ka waydiiyay arrimahaa ku gaabsaday intaa iyo in aanuu qorshuhu ahayn inay war buuxa bixiyaan.Sida xogahaasiba bidhaaminayaan, dhinacyada xaqa u leh hogaaminta nabadaynta deegaanadaasi, waxa cad inay isku aragti ka yihiin dhamaynta waxa dhexdooda yaala.
Rafadka Siyaasadda Kooxda Kale
Hase yeeshee waxa kale oo muuqata in koox lid ku ah oo danno kale ka lihi ay doonayso inay maroorsato arrinka. Labada suldaan ee bariga Burco Sul.Maxamuud Xaaji Xuseen iyo Sul. Maxamuud Guulleed Mire, dhawr xubnood oo ka mid ahaa weftiga buuhoodle, xubno kale oo ku sugan buuhoodle iyo wasiiro xukuumadda ka tirsan oo la tilmaamo inuu hogjooge u yahay wasiirka awoodda badan la siiyay ee madaxtooyaddu, intaas oo isku xidhan ayaa loo arkaa inay shukaanta dhinac kale u wadaan. Xogahaasi waxay intaa raaciyeen, in falkii ka dhacay Horu Fadhi intii odayaasha Buuhoodle halkan joogeen, uu ahaa carqalad tuhunkiisu dib ugu soo noqon karo madaxtooyadda, isla markaana uu tilmaan u ahaa dhalan rogga mashruuca nabadaynta Buuhoodle. Wasiirka gaashaandhiga oo falkaa ka hadlayna hadalkiisu wuxuu u dhadhamay mid xujo adag qiil u raadinaya.
Dadka siyaasadaynta mashruucan iyo danaha dhinacan u dhuun dalloolaa, waxay rumaysan yihiin in qasdiga ugu horeeya ee kooxdani uu yahay, in meesha laga saaro wasiir Xaglatoosiye, laguna bedelo nin saaxiibadda kooxdan noqon kara, kuna xidhmi kara wasiirka madaxtooyadda. Taa haday ku guulaystaana waxa dhakhso u soo muuqan doona ajandaha uga dambeeya. Hase yeeshee, waxa muuqata in aanay taasi najaxin, isla markaana warar ay jaraa,idka qaarkood hore u faafiyeen ayaa tusmaynayay, in wasiir Xirsi loo jeediyay inuu faraha kala baxo arrimaha wasiirka caafimaadka, isla markaana aanu cidna ku garabsiinin faragelinta masuuliyadda uu qaranka u hayo, taasoo ay xogahaasi sheegeen, in wasiir Xirsi balanqaad cad ka bixiyay. Hase ahaatee, waxa soo baxaya inuu weli ciyaarta ku jiro.
Buuhoodle Iyo Dhacdooyinkii U Dambeeyay
Siday tibaaxeen xoggo aanu ka helay illo ku sugan Buuhoodle, xubno ay isku xidhan yihiin kooxdaa, isla markaana ka mid ahaa xubno uu wasiir Xirsi horaantii bishan kulan kula qaatay Berbera, ka hor intii aanay cuqaasha Buuhoodle imanin Hargeysa, ayaa la sheegayaa, inay ka wadaan halkaa ollole lid ku ah nabadaynta, isla markaana qorshuhu yahay in laga soo saaro bayaan looga gol leeyahay, in laga dhigo reer Buuhoodle in aanay rabin Wasiir Xaglatoosiye. Xogahaasi waxay tibaaxeen jiritaanka wadahadal dhinaca telefoonka ahi inuu dhex maray isniintii nin wasiiradda ka mid ah iyo xubnahaa buuhoodle jooga , isla markaana waxa laga hadal hayay deegaankaa, inay jirto lacag uu ninkaa wasiirka ahi u diray kooxdasi. Hase ahaatee ma jiraan xaqiiqooyin amuurtaa la olog ah oo soo baxay.Inkasta oo mid odayaasha weftiga Buuhoodle ka mid ahaa oo aanu la kulanay uu carabaabay, intii aanay Hargeysa ka ambabixin inay soo gaadheen warar sheegaya, in kooxdaasi abaabul ka bilowday Buuhoodle.
Aamuska Gudoomiye Saleebaan Iyo Wasiir Xaglatoosiye
Gudoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Wasiir Saleebaan Ciise Xaglatoosiye, oo ah masuuliyiinta ugu saraysa ee deegaanka gobolka Buuhoodle kaga jira dawladda, isla markaana ah cidda ay muhiimka tahay in loo daba fadhiisto, ayaa xogaha qaar rumaynayaan in aan la siinin doorkay ku leeyihiin, halka xogaha qaarkoodna ay is waydiinayaan sababta ay uga aamusan yihiin, ilaa haddana kamay hadal. Marar aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnayna marna may suuragelin in ay ogaal is helaan, mar ay qaban waayaan iyo mar ay dansanaayeenba.
Gunaanad
Dhinaca kale dadka barnaamijkan isha ku haya, ayaa badi qaba, in siyaasadaynta iyo qaloocinta nabadaynta buuhoodle ay sababi karto dhibaato kale. Sidaa darteed, dadka aragtidan rumaysani waxay ku baaqayaan, in loo dhaafo barnaamijkaa cidda xaqa u leh, lagana daayo walaaqa siyaasadeed ee soo if baxay , cidda waddaana ay dib uga fadhiisato, isla markaana ay madaxtooyaddu la timaado siyaasad cad iyo qorshe waadax ah oo ay jilayaal ka yihiin dadka wax ka tari kara nabadaynta ee deegaankaasi.
Si kastaba wax ha u jireene haatan mashruuca nabadaynta Buuhoodle, wuxuu maalmahanba ka ahaa goobaha lagu kulmo, mawduuc laga doodo, balse midabo badan oo wax layska waydiinayo sababta wejiyadda badan loogu yeelay.
xigasho:ogaal