Waa Goor Habeenimo ah, waxaa ila socdaa saddex nin oo aanu saaxiib ahayn, waxaanu magaalada Hargeysa ka baxnay 23-bishii oo ahayd goor barqo ah, Gaadhiga aanu wadannaa waa land Crusel, jihada ama dhinaca aanu u soconaa waa jihada koonfureed ee wadada Cad.
Hadaba, anagoo ku jirna socdaalkii dheeraa, waxaanu istaaganay Inaguuxaa, isla markaasna gaadhiga aanu wadana waa bilaa sharci oo uma gudbi karno dhinaca itoobiya, isla daqiiqado gudahood waxaanu u jihaysanay dhinaca bari oo waxaanu raacnay xuduuda dhereran ee inoo dhaxaysaa itoobiya, Balse maanan arag wax ciidan ah oo ay Somaliland leeyahay oo xuduuda ku sugan, waxaanse aragnay askar booliis ah, oo uu leeyahay kilalka shanaad ee itoobiya, lagana xukumo degmada Daroor oo aanu joogno iyo meelkasta oo xadku maro.
Sidoo kale, markaanu gaadhnay labi sagaale ayay nala noqotay inaanu u noqono jihada koonfureed oo tagta Daroor, halka wax degnaa unug ka tirsan bilayska degmad Daroor oo ahaa ciidan dhisan oo ay ka muuqatay haybadii ciidanimo, Waxaanu ka codsanay in aanu taloowno maadaama aanan sharci sidan aanu ku galno itoobiya, waxaanu u soconaynaa ahaa qof xanuunsanayaa oo ku xidhnaa oo ciidankaasi qabteen, balse waxaa goobta noogu yimi noona jawaabay taliyaha unuga oo aan ka waynayn 20-jir qiyaastii, waxaanu noo tixgaliyay codsiyagii, wuxuuna na yidhi ciidan baan idin saaraya in gaadhsiiya Cabdi Yuusuf oo xadka u jira ilaa 25 Km ahna goobta laga xukumo oo ciidan degan yahay.Ciidankii uu na saaray waxay u warameen taliyihii joogay Cabdi Yuusuf oo da’ahaan aan waynayn taliyihii hore oo wuxuu inugu yidhi ciidankii idin wadday ayaa ii waramay oo Yidhi “Ma ninka xannuunsanaya ee halka ku xidhan ayaad doonaysaan.”
Hadaba Waxaan Maqaalkaygan ku soo koobaya kala duwananshaha haybada ciidannimo ee dhaxaysa Somaliland iyo Itoobiya, Balse markii aanu u soo jihaysanay dhinaca Somaliland, manan arag meel ay joogto askar Somaliland ahi, Meesha la yidhaahdo Labi Sagaalad wax ah Rug ay joogeen saddex askari waxna ismaanaan waydiin oo kantaroolkii ugu horeeyay waxaanu soo istaagnay Toon 11:30 habeenimo oo halka aanu joogno waqtiga wax ku sugan hal askari, daqiiqado markii aanu joognay ayuu soo kacay askarigiis oo xidhigii kantaroolka naga furay isagoon waxba na waydiin, ka soo dhaqaaqnay kartarool kuna ha kanay kantarool kale oo afar askari oo qayliyaa ay joogan oo dab shitay oo iyaganu waxba namay waydiin oo xidhay naga fureen, Nin dhinacayga fadhiyay oo la yidhaahdo Xuseen Goole ayaa igu yidhi “Faysaloow sidani ma dal ilaalinbaa, aniguna waxaan ugu jawaabay “Amniga Shacabka ilaashadda, waxayse ceebtii ugu waynayd dhacday ee aanu la yaabnay markii aanu isa-soo istaaganay Kantaroolka baligubadle iyo wadada cad ay ku kala baydhaan, waxa joogay hal askari saacaduna 12:08 minid ee habeenimo, askarigii joogay ayaa inta uu soo kacay xidhigii naga furay isagoon waxba na waydiin, dabadeedna waan ishayn kari waayay oo waxaan u celiyay “ Waxba miyaanad na waydinayn, oo aanad na baadhayn, isna wuxuu igu jawaabay “Na dhaaf oo imika noqo kii qarxayay “.Somaliland ma waxaan ka jirin cadawga ay ciidankaasi iska ilaalinayeen, mise waa tayo xumo ku habsatay ciidankeena, mise waa maamulka sarre ee amniga u magacaaban ayaan ka warhaynay faraq intaa le’eeg ee ka jirta goobaha aanu soo marnay, shacabka Somaliland waxaan leeyahay oo aan kula talinaya in aanay amniga cid ugu maqnayn ee ay iyagu fadhiga ka kacaan oo ay ilaashadaan amnigooda.
Hadaba Xukuumadda jirta waxay isku koobtay amaanka dalka oo askarta joogta waxay dhigteen goobahooga, balse farahaba way ka qaaday xaalada guud ee dalka.