Muwaadiniintii Xukuumaddu U Gacan-gelisay Jabbuuti Oo Saameeyey Xaaladda Ehelladooda+Hooyada Dhashay Wiil Ka Mid Ah Dadka La Dhiibay Oo War Ka Nixiyey Miyirkii Ka Qaaday

0
36

 

HALKAN KA AKHRI: Hooyada Dhashay Cabdillaahi Sh. Cabdiraxmaan Ibraahim  Oo Ka Mid ahaa Raggii Loo Dhiibay Jabbuutiayaa Muddo  Miyirku Ka Maqan Yahay  Kadib Markii Ay Ka War Heshay In Mid Ka Mid Ah Dadkaasi Jidh Dil U Geeriyooday

 Gabiley (Hubaal)-  Hooyada dhashey Wiil kamid ah saddex qof oo Xukuumada Somaliland  dhawaan, u dhiibtey dalka Jabbuutiayaa, kujirtey maalmihii u dambeeyay xaalad saameyn caafimaad oo halis ah leh kadib markii ay maqashey hooyadaasi in mid kamid ah sadex qof oo Xukuumada Somaliland  u dhiibtey dalka Jabbuutiuu Geeriyooday, taas oo aan ilaa iyo hada laga warqabin Geeri iyo nolol halka ay ku sugan yihiin Dadkii Xukuumada Somaliland  u gacan galisey Dowlada dalka Jabuuti.

Hooyo Caasha oo ah hooyada dhashey wiilka Xukuumada Somaliland  u dhiibtey Dowlada JabbuutiCabdillaahi Sh. Cabdiraxmaan Ibraahim oo laga qabtey, isagoo ku guda jira shaqadii uu ka shaqeynayay ee Xawaalada Jubba Gudaha Magaalada Hargeysa,ayaa xaalad adag kujirta kadib markii ay koomo gashey

Photo File: Muuqaalka Sawir Naxdin Leh Oo si Qarsoodi Ah looga Soo qaaday Ciidammada Djibouti Oo Waraysi Jidh-dil Korontaysan Huwan La yeelanaya Muwaadiniintii ay Somaliland U Gacan Gelisay Dalkaas....Xuquuqda Sawirka Waxaanu Kasoo Xiganay Halbeegnews.net
Photo File: Muuqaalka Sawir Naxdin Leh Oo si Qarsoodi Ah looga Soo qaaday Ciidammada Djibouti Oo Waraysi Jidh-dil Korontaysan Huwan La yeelanaya Muwaadiniintii ay Somaliland U Gacan Gelisay Dalkaas….Xuquuqda Sawirka Waxaanu Kasoo Xiganay Halbeegnews.net

badhtimihii bisha barakeysan ee Ramadaan iyadoo, xiligaa maqashey hadalo lagu sheegay in sadexdii qof ee wiilkeedu kamidka ahaa ee ay Xukuumada Siilaanyo u dhiibtey Dowlada dalka Jabbuutiuu mid kamid ahi geeriyooday,toojarkii loo geystey awgeed waxaanay arintani saameyn adag kuyeelatey guud ahaanba Qoyskaasi oo wehel u noqdey murugada xanuunka hooyadood,iyo welwelka ay ka qabaan nolosha wiilkooda oo aanay geeri iyo nolol midna ka warheynin waxa uu ku miyayan yahey.

Ilaa iyo hadana majiraan warar dheeraad ah oo ku sahabsan xaalada dhabta ah ee Wiilkaasi ku sugan yahey,iyadoo dareenka iyo xaalada Qoyskani ku sugan yahey,ay lawadaagaan Guud ahaanba eheladooda iyo qeybo badan oo kamid ah Dadweynaha Reer Gabiley oo maalimihii u dambeeyay ku qulqulayay Xaafada Qoyskan,ee Magaalada Gabiley kadib markii siweyn looga deyriyay xaalada Caafimaad ee Hooyada Wiilkaasi dhashey ilaa iyo hadana Xukuumada Somaliland  wali wax war ah kama ay soo saarin Wiilkan iyo dadkii kale ee loo gacan galiyay Dowlada Jabuuti, waxaana la filayaa in ay arintan dhawaan wadajir uga hadli doonaan Guud ahaanba Cuqaasha iyo Salaadiinta kasoo Jeeda Gobolka Gabiley, oo maalmihii u dambeeyay ka dareen celinayay dhibta ka taagan talaabadan,iyo saameynta ay kuyeelatey Qoyskan.

Beesha Madigaan ee uu kasoo jeedo muwaadinkan Xukuumadda Somaliland  u dhiibtey JabbuutiCabdillaahi Sh. Cabdiraxmaan Ibraahim,  oo  kamid ah Beelaha Deegaanka Gobolka Gabiley,  ayaa magac iyo sumcad weyn   ku leeyihiin halgankii dib u xoreynta SNM oo ay kaalin mug leh ka qaateen. Sidaas oo ay  ayaa haddana  Xukuumadan uu hogaaminayo Madexweyne Axmed Siilaanyo waxa ay kala kulmeen qadarin la’aan,  maadaama  ay  Xukuumadihii Marxuum Cigaal iyo Madexweyne Rayaale saami  muuqda ku lahaayeen, kuwaas oo ay kamid ahaayeen  Maxamed Axmed Faarax (Gaagaale) iyo Siyaasiga Riiraash oo ah aqoonyahan ruug-cadaaga ah, sidaas oojirta ayaa dhinaca kale ay xukuumaddu tacadiyo iyo gabood fallo ugu dartay beeshaas.

Weriye Cabdiraxmaan Axmed Nuux (Hiiraan)

Gabiley, Somaliland

hiiraan2007@gmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here