Akhristayaal waan idin salaamayaa,waxa isugu keen danbaysay qormadii 11aad ee taxanahan,bishi barakaysan ee ramadaan awgeed ayaan u hakiyay qormadan maanta,sidaa darteed waan idinka raali gelinayaa.
Hadaynu dib u celino xasuusteena waxa aynu ognahay marka dal doonayo inuu ka mid noqdo wadamada ka jira aduunka oo uu raadinayo aqoonsi talaabada ugu horaysa ee uu dhaqan geliyaa waa dhamays tirka dastuurka iyo shuruucda.Waxaana xil ka saran-yahay waaxda garsoorka.
Hadaba,qormooyinkii hore ayaan kaga hadlay dhibaatooyinka iyo musuqa ka dhex aloosan waaxda garsoorka,qormadana waxa aan ku soo bandhigi doonaa dhaqano fool xun oo aan shuruucda dalka meelaba kaga jirin hadana garsoorayaasha qaarkood ka dhex fuliyaan maxkamadaha dalka,dhabar jabna ku ah hirgelinta ku dhaqanka dastuurka iyo shuruucda dalka u yaala.Tusaale aan u soo qaato falal ka dhaxeeya:
1.Qaar ka mid ah garsoorayaasha
2.Cuqaasha magta gura.
3.Booliska.
Marka muwaadin si kama ama badheedh ah qudha uga jaro muwaadin kale waxa alle inna faray oo quraanka inoogu sheegay:
A)Nafta naf disha in loo dilo.
B)Dayo in la bixiyo hadii qoyska qofka laga dilay ogolaado.
C)Saamaxaad ka timaada qoyska qofka laga dilay.
Sadexdaa jid ee alle inoo baneeyay waxa dalkeena lagaga dhaqmaa uun jidka magta la kala qaato.Waana ta aan u gol leeyahay inaan bayaamiyo jidadka loo maro oo marar badan ay ka yimaadaan falal xaqdarro ah oo lagula kaco muwaadiniyiin sabool ah oo hadi kari waayay inay iskay bixiyaan qaybta la saaray.Tusaale,marar badan ayaan la kulmay Caaqilo ka mid ah cuqaasha caasimada oo hor tuban maxkamadaha.Arrimaha ay u tagaana waxa ka mid ah xaashida qabashada(warrant) ayay ka soo qaataan garsoorayaal ay xidhiidh la leeyihiin oo lagu soo xidhaayo muwaadin danyar ah.Markaas caaqilku waxa uu xaashida qabashada u gaynayaa Taliye Saldhig,isaguna askar ayuu raaciyaa,kadibna muwaadinkii danyarta ahaa ayaa saldhiga lagu xidhaa.Garsooraha,Taliyaha iyo baadhayaashuba midna ma hubiyo sababta dhabta ah ee muwaadinkaa lagu xidhay.Halkaa ayuu muwaadinkaasi ku xidhnaanayaa ilaa qaylo dhaan uu dirsado oo laga bixiyo magta.Muwaadinkaasi muu diidin magta balse wax xoolo ah ma laha,aduun kalana ma haysto oo caruurtiisaba mararka qaar looma saaro dheriga,weliba caaqilka wuu u sheegay inaanu hadi karayn oo uu la daala dhacaayo biilka qoyskiisa.Dhaqankani waa madani,mana aha inay maxkamadu amar qabasho siiso caaqilka ayada oo aanay dacawad lagu soo oogay jirin,waxna la waydiin muwaadinkaa jidka qalooca lagu xidhay.
Falalka noocan ah waxay dhabar jebin ku tahay xilka garsoorahu ummada u hayo,waxay wax u dhimaysaa hirgelinta ku dhaqanka shuruucda dalka.Intaaba waxa ka sii daran gebi ahaan xuquuqda aasaasiga muwaadinka oo lagu tuntay.
Gabagabada qormadan waxa ku soo xidhayaa inay garsoorayaasha arrimahaa fuliya inay joojiyaan oo ay xaq-dhawraan xuquuqda muwaadinka.Cuqaasha-na waxa aan leeyahay dalka dawlad ayaa ka masuul ah muwaadiniyiinta,sharci ayaa jira ee joojiya nidaamkan aad ku xaqiraysaan muwaadinka danyarta ah ee hadi kari waayay inuu iska bixiyo magta,una baahan inaad isaga ka taageertaan nolol maalmeedka caruurtiisa.
La Soco………..
Xuseen Xasan Badmaax
Hargeysa/JSL