Kelmeda musuq maasuq waxa loo yaqaan lacag dawladeed oo ay lunsadeen kuwii masuulka ka ahaa hase yeeshee hanti boobkan iyo xaalufintan dhan walba ka jirta maxaa la odhanayaa ama loogu yeedhayaa?.
Anigu waxaan u bixin lahaa dhactooyo sideynu ka wada war qabno somali land kama mid aha wadamada ay la xisaab tamaan baanka dunida iyo ha ada lacagta aduunka IMF lacagta inaga ayaa sameysana, hase yeeshee dawladan horteed waa la isla ogaa oo cid ayaa lagu ogaa, hadba inta la soo samaynayo iyo halka la dhigayo maanta arinku wuu ka duwan yahay sidii hore, mana ogin cid daba socota oo war dhaba ka bixin kartaa lacagta noodhka ah ee shanta kun SLSH inta jeer ee lasoo daabacay iyo tirada guud ee lacagtaasi tahay.
Hadaba miyaanay dhici karin intey rag soo rogtaan in hadana lagaaga iibsado dhulkaagii guryahaagii beerahaagii iyo macdan taadii akhriste bal ka yara fakir waa kuma qofkaad ku haleysey inuu kuu ilaaliyo hantidaada inaan la dhicin waa kuma ma xildhibaan cali mareexaan mise xildhibaan nac nac mise xildhibaan xasan cawaale mise xildhibaan bukhaari.
Hadii Alla yidhaa waxaanu bishan soo ban dhigeynaa cadaymo ka waramaya sidey wax uuga jiraan dhaca iyo sida la isku dhacay, hadaba marka xaal halkaa marayo maxaa muwaadin kula gudboon? weliba waxaan gaar uula hadlayaa da yarta inta feyo qabta cadawgan dhiigiina cabeya.
Hoos u eega oo sidii lagu sameeyey qaar idinka mida ha yeelina yaan caloosha la idinka qabsan ka tashada sidii loo ka xayn lahaa kacaan beeleedka Axmed siilaanyo iyo inta yar ee ku hoos nool waxaan ku talinayaa in aayo ka tashi la iskugu yimaado hadii kale maalin dhow nin walba wuxuu doono ayuu yeeli doonaa …
Umadyey i dhigeysta
Ergedaan ahay maanta
Hadaydaan i adeecin
Ilaahay balankii
Ibtilaa dhici doonta
Oo halkay eyro ku foofto
Afrikaan mad madoow iyo
Oromaa degi doonta………………. sidaa waxa yidhi AHN Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye)
Qalinkii: Mujaahid Cali Xaraaro